General Duke Posted July 19, 2003 Dil Toogasha Ah Oo Lagu Fuliyay Gacan Ku Dhiiglayaal Magaalada Boosaaso Xafiis Hawlaha Guud Oo Maamul goboleedka Puntland uu Ka Furtay Laascaanood Subaxnimadii saakay waxaa ka dhacay magaala Boosaaso xukun dil ah oo lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaal horay u gaystay falal dil ah. Gacan ku dhiiglayaasha oo ahaa 3 ruux ayaa magacyadooda waxa la kala oran jiray Axmad Maxamuud Faarax, Maxammad Cabdi Guuleed, iyo Yuusuf Barshe Xuseen. Dilkan loo gaystay ayaa ka danbeeyay ka dib kolkii maxkamadda ciidanka ee Puntland qaraar ku gaartay in qoorta loo jaro saddaxda gacan ku dhiiglayaal oo muddadii ugu danbaysay ku jiray gacanta booliska maamul gobaleedka Puntland . asaastan ayaa ka dhacday goob fagaara ah oo ay isugu soo baxeen dadwaynea aad u fara badan oo iyagu ku faraxsanaa qaabka loola fal galay gacan ku dhiiglayaalsha, iyagoo u arkayey in nidaamka qasaasku yahay kan lagu kala badbaadi karo oo nolashu ku jirto . Saddaxdaan nin oo lagu fuiyeay qasaasta ayaa horay u dilay askar iyagu qudhooduna waxa ay ka tirsanaayeen ciidamada Puntland. Dhinaca kale waxa laga furay magaalada Laascaanood xafiiska hawlaha guud iyo gaadiidka ee dawlad gobaleedka Puntland, xafladda furitaanka saakay oo ka dhacday magaalada ayaa waxa ka hadlay oo muujiyay muhiimmada xafiiskaasi uleeyahay deegaanka isku duwaha wasaaradda hawlaha guud Maxammad Faarax Cageey . Guddoomiyuhu waxa uu carrabka ku dhuftay in shaqada xafiisku uu noqon doono mid ka tarjuma danaha dadka ku nool guud ahaan gobalka. Taliyaha qaybta booliska ee gobalka Sool gaashaanle sare C/llaahi maxammad Cabdi Geelle ayaa isna sheegay in xafiisku uu noqayo mid lagu baahiyo guud ahaan gobalka Sool isagoo sheegay in boolisku yahay baalasha ay ku duulaan hawlaha wasaaradaha. Ugu danbayntii taliyuhu waxa uu ka dalbaday oo uu ka codsay wasaaradaha kale in ay laamo ka samaystaan gobalka . C/llaahi Khadar, Goobjoog, Muqdisho WWW.GOOBJOOG.COM Quote Share this post Link to post Share on other sites