Liibaan Posted January 22, 2010 http://www.somaliland.org/2010/01/22/laascaanood-sarkaal-ka-tirsan-ciidamada-booliska-oo-xukuumadda- ku-eedeeyay-inay-dil-u-maleegayso/ Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyaha Saldhiga booliska koonfurta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool Jaamac Cabdi Faarax, ayaa shaaca ka qaaday in Taliyaha Qaybta Booliska gobolkaasi uu u maleegayo shirqool la doonayo in isaga lagu khaarajiyo. Taliyaha Saldhiga Koonfurta Laascaanood waxa uu sheegay in la damacsan yahay in si hoose loo khaarajiyo sidii saraakiishii ka horreysa, balse markii uu ogaaday qorshahaasi uu ummadda ku wargelinayo oo aannu qarinayn, isla markaana uu fagaarayaal iyo masaajidaba kala hadlay dadka oo uu u sheegay shirqoollada la maleegayo. Mr. Jaamac Cabdi Faarax waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi xalay Idaacadda Horyaal la yeelatay, kaas oo uu kaga hadlay arrimo xaasaasi ah, isagoo ka marag-furay eedayn qaraabada Taliyihii Hawlgelinta Ciidanka Booliska gobolka Sool oo dhawaan lagu dilay magaalada Laascaanood ay ku sheegeen in dadkii dilay ay xidhnaayeen dirayska ciimadda Somaliland. Ugu horreyn Taliyaha oo la waydiiyey inay jiraan warar sheegaya inuu shalay masaajid kala hadlay dadka oo uu sheegay in ammaankiisu halis ku jiro, waxa uu ku jawaabay, “Haa, anigu meel fagaare ah ayaan ka hadlay, waxna ma qarin, waxaan arkay mishino badan oo aniga igu socda, waxaanan idhi waxaad ogaataan shacabow, wixii aniga i waxyeeleeya ama i dila inay yihii wixii dadkii hore layn jiray ee la garan la’aa. Raggii hore si qarsoodi ah ayaa loo dilay, aniguna hadda ilaalo ayaan iska hayaa.” Taliyaha oo la waydiiyey waxa ku dhaliyey dareenka iyo shakiga ah in la dilayo, waxa uu ku yidhi, “Anigu Somaliland baan ahaa, raggii halkan soo galay, laakiin Puntland baa madax nalooga dhigay, waxaan u jeedaa dad aan Somaliland asal ah ahayn oo laba shaadhle ah ayaa madax nalooga dhigay oo ah raggii markii horeba aannu magaalada ku dagaalanay. Markaa dagaalkii qoriga ahaa ee markii Somaliland soo gashay Laascaanood ka dhexeeyey dadkaa ayaa hadda siyaasad isku beddelay.” Taliyaha oo la su’aalay waxa ka jira in meelaha uu ka hadlay uu ka xusay rag saraakiil booliska ka tirsan oo uu ka mid yahay Taliyaha Qaybtu, waxa uu kaga jawaabay, “Anigu wixii aan sheego kama noqdo, way jirtaa, waanan caddaynayaa oo intaas oo jeer baan arkay, cid walbana waan la socodsiiyey oo intaa waxaan lahaa anigu sidan kuma jiri karo. Waxaanan Taliyaha Qaybta u arkaa inuu kow ka yahay cidda doonaysa inay i khaarajiso.” Isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd sida uu ku ogaaday in Taliyaha Qaybtu uu ka mid yahay ragga u qorshaynaya inay khaarijiyaan, “Waxaan ku oggaaday waxyaabo aan macquul ahayn ninkii raggiisii la laayey baa qaraxa ka dambeeyey oo saldhigiisii qarxiyey wax macquul ah iyo wax bani’aadam ku sheekeeyo midna maaha, haddii aan anigu wax qarxiyeyna ma joogeen hadda meeshaydii ayaan taaganahay oo saldhigaygii ayaan joogaa. Isaga ayaa arrintaa igu eedeeyey oo yidhi ha la baadho, markii laga wadahadlayna wuu dafiray.” Taliyaha Saldhiga koonfurta Laascaanood oo weriyihii waraysanayey waydiiyey in shirqooladii lagu dilay saraakiishii hore iyo arrinta uu sheegayaa xidhiidh leeyihiin, waxa uu yidhi; “Anigu naftayda ayaan ka hadlayaa, taa hore cid ku caddaynmaayo, laakiin shacabka waxaan ku idhi maadaama dadkii horeba la la’yahay aniga haddii arrintaasi igu dhacdo way caddaan doontaa in kuwii horena ay ku lug leeyihiin. Anigu ninkii islaam ah ee aan dilkiisa wax ka ogahay ma qariyeen, qarinamaayo, waxna kama ogi raggii la laayey. Meesha waxa ka jira waxaan la garanayn, kiis kasta oo dhaca waxa la odhanayaa dhinaca koonfureed ayaa ka dambeeya, iyadoo looga dan leeyahay Somaliland waxa keentay beesha Koonfurta Laascaanood ee ha la isku diro ayaan u arkaa.” Taliyuhu waxa uu sheegay in aannu ka warqabin halka ay marayaan baadhitaanada dilalkii hore ee loo gaystay saraakiishii ammaanka ee uu ka mid ahaa Taliyihii Qaybta 12aad ee ciidanka qaranaka iyo cid loo hayo toona. Ugu dambayntiina waxa uu xukuumadda iyo dadweynaha reer Somalilandba ugu baaqay inay il feejigan ku eegaan arrimaha ka dhacaya magaalada Laascaanood, isla markaana oggaadaan hadii isaga la dilo in dilkiisa uu masuul ka yahay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool. Somaliland.Org Hargeisa News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 23, 2010 Taliye ka Tirsan Beleyska Magaaladda Laascaanood oo Shaaca ka Qaaday Saraakiil Ciidammada ka ka Tirsani Qorshaynayaan inay si Qarsoodi ah u Dilaan. Saraakiil ka tirsan Booliska Somaliland oo isku Tuurtuuraya masuuliyadda qaraxyadii Laascaanood “Waxaanan Taliyaha Qaybta u arkaa inuu kow ka yahay cidda doonaysa inay i khaarajiso.” Taliyaha Saldhiga booliska koonfurta magaalada Laascaanood Laascaanood (Jam)- Taliyaha Saldhiga booliska koonfurta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool Jaamac Cabdi Faarax, ayaa shaaca ka qaaday in Taliyaha Qaybta Booliska gobolkaasi uu u maleegayo shirqool la doonayo in isaga lagu khaarajiyo. Taliyaha Saldhiga Koonfurta Laascaanood waxa uu sheegay in la damacsan yahay in si hoose loo khaarajiyo sidii saraakiishii ka horreysa, balse markii uu ogaaday qorshahaasi uu ummadda ku wargelinayo oo aannu qarinayn, isla markaana uu fagaarayaal iyo masaajidaba kala hadlay dadka oo uu u sheegay shirqoollada la maleegayo. Mr. Jaamac Cabdi Faarax waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi xalay Idaacadda Horyaal la yeelatay, kaas oo uu kaga hadlay arrimo xaasaasi ah, isagoo ka marag-furay eedayn qaraabada Taliyihii Hawlgelinta Ciidanka Booliska gobolka Sool oo dhawaan lagu dilay magaalada Laascaanood ay ku sheegeen in dadkii dilay ay xidhnaayeen dirayska ciimadda Somaliland. Ugu horreyn Taliyaha oo la waydiiyey inay jiraan warar sheegaya inuu shalay masaajid kala hadlay dadka oo uu sheegay in ammaankiisu halis ku jiro, waxa uu ku jawaabay, “Haa, anigu meel fagaare ah ayaan ka hadlay, waxna ma qarin, waxaan arkay mishino badan oo aniga igu socda, waxaanan idhi waxaad ogaataan shacabow, wixii aniga i waxyeeleeya ama i dila inay yihii wixii dadkii hore layn jiray ee la garan la’aa. Raggii hore si qarsoodi ah ayaa loo dilay, aniguna hadda ilaalo ayaan iska hayaa.” Taliyaha oo la waydiiyey waxa ku dhaliyey dareenka iyo shakiga ah in la dilayo, waxa uu ku yidhi, “Anigu Somaliland baan ahaa, raggii halkan soo galay, laakiin Puntland baa madax nalooga dhigay, waxaan u jeedaa dad aan Somaliland asal ah ahayn oo laba shaadhle ah ayaa madax nalooga dhigay oo ah raggii markii horeba aannu magaalada ku dagaalanay. Markaa dagaalkii qoriga ahaa ee markii Somaliland soo gashay Laascaanood ka dhexeeyey dadkaa ayaa hadda siyaasad isku beddelay.” Taliyaha oo la su’aalay waxa ka jira in meelaha uu ka hadlay uu ka xusay rag saraakiil booliska ka tirsan oo uu ka mid yahay Taliyaha Qaybtu, waxa uu kaga jawaabay, “Anigu wixii aan sheego kama noqdo, way jirtaa, waanan caddaynayaa oo intaas oo jeer baan arkay, cid walbana waan la socodsiiyey oo intaa waxaan lahaa anigu sidan kuma jiri karo. Waxaanan Taliyaha Qaybta u arkaa inuu kow ka yahay cidda doonaysa inay i khaarajiso.” Isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd sida uu ku ogaaday in Taliyaha Qaybtu uu ka mid yahay ragga u qorshaynaya inay khaarijiyaan, “Waxaan ku oggaaday waxyaabo aan macquul ahayn ninkii raggiisii la laayey baa qaraxa ka dambeeyey oo saldhigiisii qarxiyey wax macquul ah iyo wax bani’aadam ku sheekeeyo midna maaha, haddii aan anigu wax qarxiyeyna ma joogeen hadda meeshaydii ayaan taaganahay oo saldhigaygii ayaan joogaa. Isaga ayaa arrintaa igu eedeeyey oo yidhi ha la baadho, markii laga wadahadlayna wuu dafiray.” Taliyaha Saldhiga koonfurta Laascaanood oo weriyihii waraysanayey waydiiyey in shirqooladii lagu dilay saraakiishii hore iyo arrinta uu sheegayaa xidhiidh leeyihiin, waxa uu yidhi; “Anigu naftayda ayaan ka hadlayaa, taa hore cid ku caddaynmaayo, laakiin shacabka waxaan ku idhi maadaama dadkii horeba la la’yahay aniga haddii arrintaasi igu dhacdo way caddaan doontaa in kuwii horena ay ku lug leeyihiin. Anigu ninkii islaam ah ee aan dilkiisa wax ka ogahay ma qariyeen, qarinamaayo, waxna kama ogi raggii la laayey. Meesha waxa ka jira waxaan la garanayn, kiis kasta oo dhaca waxa la odhanayaa dhinaca koonfureed ayaa ka dambeeya, iyadoo looga dan leeyahay Somaliland waxa keentay beesha Koonfurta Laascaanood ee ha la isku diro ayaan u arkaa.” Taliyuhu waxa uu sheegay in aannu ka warqabin halka ay marayaan baadhitaanada dilalkii hore ee loo gaystay saraakiishii ammaanka ee uu ka mid ahaa Taliyihii Qaybta 12aad ee ciidanka qaranaka iyo cid loo hayo toona. Ugu dambayntiina waxa uu xukuumadda iyo dadweynaha reer Somalilandba ugu baaqay inay il feejigan ku eegaan arrimaha ka dhacaya magaalada Laascaanood, isla markaana oggaadaan hadii isaga la dilo in dilkiisa uu masuul ka yahay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool. Source; Wargeyska Jamhuuriya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 23, 2010 :::::::Sir Culus:::::::::: Mid kamid ah taliyayaasha saldhigyada Laascaanood oo fashilay Sir culus "Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni ayaa ka danbeeyay dilkii loogeystay Cismaan Macalin Faarax Cabdi(Suxufi) waxaana dilkan garab kusiiyay Daahir Rayaale Kaahin" Masaajidka Al-huda waxaa si kadis ah uga ka kacay mid ka mida taliyayaasha saldhigyada magaalada laascaanood, Gaar ahaan saldhiga koonfureed (daami) kaas oo dadka hortooda ka sheegay hadal dardaaran ah oo uu ku iftiiminayay hadiiba Lagu fuliyo fal la mid ah kii lagu khaarajiyay labadii taliye ee ciidamada cismaan Yuusuf Nuur (AFDHILO) iyo Suxufi cida ka danbaysa ee dhiigiisa loo qabsadaa tahay maamulka Rayaale. Taliyahan oo lagu magaacaabo Jaamac Tarshad ayaa wuxuu taliye ka yahay Saldhiga Daami ee magaalada laascaanood kaga yaala dhanka Koonfureed, taliyahan ayaa isagoo iftiiminaya cida uu ka cabsi qabo in ay khaarajiso waxa hadaladiisii ka mid ahaa Reer Laascaanoodow waad ogtihiinoo ilaa hada cid looma hayo Marxuum Suxufi, cid u xidhanina ma jirto, Waxaanse Idiin sheegayaa in aniga la igu daba joogo oo la doonayo in la i khaarajiyo, saas darteed waxaan maanta idin ogaysiinayaa cida hadii la i khaarajiyo falkaas ka danbaysa Waa Taliye GOONI iyo Rayaale. Ninkan uu magacaabay Taliyuha saldhigu ee uga shaki qabo in uu khaarajin doono ayaa ah Taliyaha Qaybta booliiska Gobolka Sool, iyadoo labadan taliyeba yihiin Raga u dhuun daloola xaalado badan oo shirqoolo ahaa iyo Dabino siyaasadeed oo la maleegay, hase yeeshee iyagii ay maanta is khaarajinayaan. Taliyuhu Markuu intaas sheegay waxaa sida la sheegay buuq iyo sawaxan is qabsaday Masaajidka iyadoo Xiligii taliyahani arinkaas sheegayayna uu Dhinaca ku sitay qori AK47 ah . Sidoo kale Taliyahan ayaa Mar kale u waramay warbaahinta madaxa banaan gaar ahaan Radio Widhwidh wuxuuna iisheegay in Dilalkaasi aanu Dhaafsanayn maamulka uu u shaqeeyo ee Daahir Riyaale Madaxda ka yahay. Waxaan sida la shegay weli jawaab ka bixin eedayntan ninka loo soo jeediyay ee Gooni oo ah Taliyaha qaybta booliiska Laascaanood < Widhwidh Online News Desk.........Media Center Quote Share this post Link to post Share on other sites