Sign in to follow this  
Cowke

President Farole Holds Urgent Meeting With Islan Bashir In Xarfo

Recommended Posts

Cowke   

DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Oo Safar Ku Yimid Degmada Xarfo Ee Gobolka Mudug

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Xarfo (RBC Radio):- Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Dr, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa safar deg deg ah ku soo gaarey magaalada Xarfo ee gobolka Mudug.

 

Madaxweynaha ayaa saaka ka soo amba baxay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, iyadoo safarka Madaxweyne Faroole uu ku yimid degmada Xarfo uu ku weheliyo Lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Ciidanka Gen, C/laahi Cali Mire Careys.

 

Booqashada Madaxweynaha Puntland ee degmada Xarfo ayaa la sheegay in ay tahay mid uu ku doonayo in uu kula kulmo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ah Issinka Beesha Cumar Maxamuud, iyadoo kulanka Issinka iyo Madaxweynaha uu ka dhici doono Aqalka Islaan Bashiir oo ku yaala degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

 

Madaxweynaha Puntland Dr, C/raxmaan Faroole ayaa waxaa lagu wadaa marka uu la kulmo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle in uu dib ugu noqdo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, balse uusan soo gaari doonin magaalada Gaalkacyo ee caasimada Gobolka Mudug.

 

Lama garanayo waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan Madaxweynaha Puntland Dr, C/raxmaan Maxamed Maxamuud iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, ha yeeshee waxaa warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Madaxweynuhu doonayo in uu Islaanka kala sheekeysto xaaladaha dadka degan gobolka Mudug ee uu Issinka u yahay.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

 

This "news" is incorrect, or at-least, I believe it to be untrue. However; if it be true, then The Islaan ought to give Faroole-- most graciously and without a hint of hesitation--the middle finger: Because Faroole is a crappy politician, who has alienated himself from almost all of Puntland's stakeholders by taking extreme political positions ever since he came into office. Literally, almost no one, is happy with the way he's been handling the affairs of the state. A good example of this; is that, he has drastically reduced the numbers of soldiers in the armed forces, using the silly pretense that he wanted to limit wasteful spending in the budget. Like as if, the large costs always associated with maintaining a big and strong military could not be justified by the tumultuous environment Puntland is located in...

 

Now getting back to this news piece--if true(?)--I believe the reason he has decided to visit the Islaan, is to drum up support and manpower for the Galgal debacle he wishes to embark on soon. And in this, he MUST NOT be given leeway. The Islaan must reprimand him for not maintaining the numbers of troops his office inherited from the previous two administrations and he must NOT be given the blessing to move some of the Mudug regiments he seeks to have by his side, for this Galgala expedition that he is so stubbornly unyielding about.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Guddiga Amniga Gobolka Mudug

July 23, 2010

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole iyo wefdi balaaran uu hogaaminaayo ayaa barqadnimadii maanta socdaal ku tegay degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

 

Waxaa Madaxweynaha socdaalkiisa ku wehelinaayay xubno ay ka mid ahaayeen La taliyaha dhanka difaaca Gen.Cabdulaahi Cali Careys iyo Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha.

 

Guddoomiyaha degmada Xarfo Cabdulaahi Faarax Bayle oo wareysi gaar ah siiyey Horseed Media ayaa sheegay in Madaxweynaha lagu soo dhoweeyey isla markaana kulan la qaatay guddiga amniga ee gobolka Mudug.

 

Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlaayay amniga guud ee Puntland iyo kan gobolka Mudug sidii loo adkayn lahaa,wuxuuna socday mudo saacado ah.

 

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in kulanka la isku afgartay in la xoojiyo amaanka isla markaana laga hortago wax weliba ka dhan ah amniga.

 

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa kulanka ka dib ugu soo laabteen magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland oo ay markii hore ka ambabaxeen.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Madaxweynaha Puntlland Dr.Faroole iyo la taliyihiisa dhinac amniga iyo difaac Gen Careys oo saaka gaaray Degmada Xarfo

 

Posted to the Web Jul 23, 09:23

 

Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C/raxmaan Faroole oo uu weheliyo la taliyihiisa dhinac amniga iyo difaac Gen.C/laahi Cali Mire Careys ayaa saaka safar ka dis ah waxaa ay ku yimaadeen Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

 

Madaxweynaha dowlada Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo ay ka soo horeeyeen ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Madaxtooyada ayaa saaka subixii hore yimid Degmada Xarfo, Madaxweynaha Puntlland iyo La taliyihiisa dhinac amniga iyo difaac Gen.Careys ayaa safarkooda waxaa lagu micneeyey mid ay kulan kula qaadanayaan mid ka mid ah Isimada ugu waaweyn Puntlland Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

 

Ilaa hadda lama yaqaan sababaha uu madaxweynuhu ugu yimid Islaan Bashiir Islaan Cabdulle balse dadka ayaa waxaa ay ku fasirayaan kulanka madaxwey naha iyo la taliyihiisa dhinac aminga Gen.Careys ay la qaadanayaan Islaan Bashiir mid wadatashi oo ku saabsan arimaha ka soo cusboonaaday Puntlland kuwaas oo aan si cad loo cara baabin.

 

Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegay in Islaan Bashiir Islaan Cabdulle uu talooyin u gudbiyey Madaxweynaha iyo la taliyihiisa ku saabsan siddii amaanka loo adkeyn lahaa maamulo tayo lehna looga hirgelin lahaa Gobollada Puntlland.

 

La taliyaha dhinac amniga iyo difaac Madaxweynaha Puntland Gen.Careys oo aan isku daynay in aan xiriir la samayno ayaan noo suuroobin inagoo ka xog waraysan lahayn wax uu ku saabsan yahay safarka Madaxweynaha iyo xaalada amaan ee Gobolka Mudug.

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Farole_IslanBashir.JPG

 

Farole oo booqday Xarfo lana kulmay Islan Bashir

23 Jul 23, 2010 - 6:31:13 PM

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Maxamad Farole ayaa booqasho maanta [23 July] ku aaday Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay Guddiga Amniga ee gobolkaasi iyo weliba kulan khaas ah oo uu la galay Islaan Bashir Islaan Cabdulle.

 

Bidix ka bilaw: Cali Gaab, Gen. Careys, Madaxweyne Farole iyo Islaan Bashir

 

Madaxweyne Farole ayaa hogaaminayay Wafdi dowladeed oo ay ka mid ahaayeen Wasiir xigeenka Arrimaha Gudaha Cali Yusuf Cali Xoosh iyo La taliyaha Madaxweynaha ee Difaaca, Gen. C/llahi Cali Careys oo dhowaan loo magacaabay xilkaasi.

 

C/llahi Farax Beylo oo ah Gudoomiyaha Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug ayaa warbaahinta u sheegay in Wafdiga Madaxweynaha Puntland lagu soo dhoweeyey iyadoo kulamadii arrimaha amaanka la isku gartay in la sii adkeeyo amaanka guud ee Gobollada Puntland.

 

Ma jiraan wax tafasiil ah oo ka soo baxay kulankii khaas ahaa oo dhex maray Madaxweyne Farole iyo Islaan Bashir iyadoo la wada ogsoonyahay doorkooda muhiimka ah ay cayaraan Hogaanka Dhaqanka oo ka mid ah tiirarka ay ku taagan tahay Dowladda Puntland.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this