Saalax Posted June 5, 2010 Xisbiga UCID Oo Maanta Muujiyay Cududdiisa Taageero Ee Magaalada Burco. Burco(Ramaas) June 5, 2010 - Iyadoo maanta ay tahay wareegii koowaad ee ololaha doorashada somaliland kuna beegnayd maalintii ugu danbaysay ee uu u lahaa xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID ayaa maanta munaasibad aad u balaadhan oo ay kasoo qayb galeen kumanaan taageerayaasha xisbiga UCID isagu soo baxeen fagaraha khayriyadda magaaladda Burco. Munaasibadaasi ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin tiro badan oo uu hogaaminayay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mudane Faysal Cali Waraabe iyo taageerayaal aad u tiro badan ,ugu horayntiina waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada ee Xisbiga UCID Md. Siciida Axmed Maxamed ,gudoomiaha gobolka ee Xisbiga UCID mudane Cismaan Ibraahin Nuur "Cismaan Afgaab" , DR: C/raxmaan Axmed Raage , gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga UCID mudane Aadan Mirre Waqaf , Xildhibaan Xuseen Maxamed Cigge iyo musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Eng. Faysal Cali Xuseen "Waraabe" iyo masuuliyiin kale , iyaga oo dhammaantood ka hadlayay wax qabad la,aanta Xisbiga talada haya ee UDUB iyo barnaamijyada ay ugu tal galeen inay qabanayaan haddii ay doorashada ku guulaystaan. Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay musharaxa madaxweynaha Faysal Cali Waraabe waxaanu soo bandhigay taariikh kooban oo kusaabasan is bedelkii xiligii guumaysiga kadib , sidoo kalena soo bandhigay barnaamijyaddii ay ugu talagaleen inay dadweynaha taagerayasha u soo bandhigaan taasoo ah wax qabadyada ay qaban doonaan ,isla mar ahaantaa waxa uu ku dhawaaqay Faysal Cali Waraabe" inay ku xukumi doonaan sharciga diinta iyo Kitaabka Kariimka ah ,inay horumarindoonan waxbarashada , goobaha caafimaadka iyo xidhiidhka wadammada deriska ah. Waxaa kale oo Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID uu kaga duwanyahay axsaabta kale ee mucaaradka wax uu kusoo bandhigay Ololihiisa aayado Qur’aanka Kariimka ah iyo heeso dhaqameedyo ,halka Xisbiyada Mucaaradka ahi ay heeso iyo Muusik ay ololhoodo ku furanayeen. Si kastaba ha ahaatee ma jirin wax dhib ah oo dhacay intii munaasibaddu socotay waxayna ku dhamaatay jawi aad u nabdoon. Shabac cabdi maxamed Ramaasnews Burco somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 5, 2010 Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee Gobolka Togdheer oo Maanta Muujiyay Inaan Labada Xisbi ee Udub iyo Kulmiye Kaga Codbadnayn+Faysal Cali Waraabe oo Maanta Baaq u Diray Dadka Deegaamada Buuhoodle iyo Widh-widh Burco(OWN)-Taageerayasha xisbiga mucaaridka ee ucid ayaa saaka banaan bax balaadhanoo ay kala qaybqaateen Musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Eng.Faysal Cali waraabe gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi aadan mire waqaf,xildhibaano iyo dadweyne aad u tira badan ayaa isaguna ka dhacay magaalada burco. Taageerayaasha xibiga ucid ayaa iayagu u muuqday saaka kuwo u sii diyaargaroobay sidii ay u muujinlahaayeen astaamaha iyo calaamnata u gaarka ah xisbigooda iyo musharixiintooda madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Weftidani uu hogaaminayay gudoomiyaha xisbiga ucid eng.faysal cali waraabe ayaa ahaa kuwo ka soo kicitimay Dhanka hawdka ee Gobolkani togdheer kuwaasi oo kulamo goono gooni ah la soo qaatay dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi. Isu soo bax maanta oo ka dhcaayay khayriyada magaalada Burco ayaa hayd mid ay si laxaad leh u soo buuxdhaafiyeen taageerayaasha xisbiga ucid kuwaasi oo markii igu horaysay muujiyay sida ay labada xisbi ee kaleba kugula tartami karaan gobolkani. Ugu horayn waxa xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna musharxa madaxweynaha ee xisbigaasi Eng.Fayasal Cali Waraabe waxaanu u mahadnaqay Taageerayaasha badan ee maanata u soo baxay inay muujiyaan cududooda iyo taageerda ay ku leeyihiin Gobolka waxaanu Eng faysal ka hadflay Barnaamijka xisbiga ucid oo ku tilmaamay inuuyahay mid uu ku horumatrinayo dalaka hadii loo doorto jagada madaxweynaha Somaliland taas oo uu daliil ga dhigay in xisbigiisa ucid uu yahay ka ugu barnaamijka waxac axsaabta qaranka. Waxaa kale oo uu Eng Faysal dhaleecayn kulul u soo jeediayay xukuumada madaxweyne Daahir rayaale oo ku tilmaamy inay tahay mid aan dalka waxba u qaban 8deedii sano ee ay xilka haystay waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in maanta ay nasiibdaro ay tahay in madaxeyne rayaale la soo taaganyahay dib ha laydoorto. Waxaanu ku tilmamay in dalakan jkamhuuriyada Somaliand waxa ka xumaaday uu yahay oo keliya hogaankii dadka ku hagi lahaa jidka saxa ah. Waxaanu sheegay im madaxweynuhu dhagax dhigay meelo badan oo ka mid ah gobolkan togdheer kaas oo an waxba ka qaban. Gudoomiye Faysal sidoo kale waxa uu ku dheeraaday Xidhiidhka dalalka jaarka aynu nahay sida dalka etoobiya oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo ay alaabteenu kootarabaan ku gasho halka kuwooduna ay si xora u soo galaan dalkeena waxaanu balan qaaday in hadii uu xisbigiisu ku guulaysto doorashada madaxtinimada uu xalindoono dhamaan waxa kasta oo dadka reer Somaliand xaq ugu leeyihiin . Waxaanu maanta halkan baaq uga diray Eng Faysal Cali Waraabe dadka deegaanada Buuhoodle iyo widhwidh oo uu u sheegay dadka reer somalaind ay yihiin ul iyo diirkeed aanayna u baahnayn wax fad qalalo iyo dhibaato u gaysta. Waxaa kale oo isn halkaas I ka hadalay Gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Aadan maxamed Mire waqaf oo sheegay In xisbiga ucid uu wato barnaamij hufan kaas oo ay madax ka yihii n eng faysal cali waraabo iyo maxamed rashiid sheikh xasan oo labaduba ah aqoonyahno una heelan horumarinta dadla iyo daka aadanmire waqf isag oo arimahan ka hadalaya waxaa hadaladiisii ka mid ahaa. Ugu danbytii waxaa isna halkan ka hadalay Gudoomiayah gobolka Togdheer ee xisbiga ucid Cismaan Afgaab oo sheegay in isbel loo bahayahay kaas oo la filayo in 26june doorashada dalka ka dhacayasa taas oo uu ku tilmaamay iany noqondoonto taariikh cusub oo u bilaabmidoonta dalakan taas oo lagag bixidoona ayuu yidhi mugdiga lagu jio waa sida uu hadalkiisa u dhigaye. Waxa iyana xalakan ka hadalay masuuliyyin sarsare oo ay ka mid yihiin Siciid raage,Xildhibaan Xuseen Cige,iyo madax kale oo badan dhamaantoodna waxa ay sheegeen in xisbiga ucid yahay xisboga kaliya ee sanadkan badbaadinkara dalka kaas oo iasugu leh barnaamij hufan halkudhegiisun yahay Isku xukumida shareecada islaamaka taas oo maanta laga dareemayay barnaamijkoodii oololaha oo ay ka saareen heelooyinkii iyo amaanta ahaa . Maxamede Cawed Maxamed Oodweynenews.com/TBurco Office Quote Share this post Link to post Share on other sites