Sign in to follow this  
General Duke

Egypt reaffirms support for the TFG + Yemen US see eye to eye

Recommended Posts

Dowladda Masar, oo ku baaqday in lala shaqeeyo Hay'adaha Federalka ee Sharciga ee dalka Somalia.

 

 

Mogadishu , Axad, Nov 26. 2006 Radio Simba

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Axmed Abuu Qayd, ayaa shaaca ka qaaday inay Dowladiisu danaynayso sidii loo sii ambaqaadi lahaa Wada-xaajoodyadda Tooska ee u dhexeeya DFKMGS iyo GMIS, si xal wadajira looga gaaro Mustaqbalka dalka Somalia.

 

Axmed Abu Qeyd oo Suxufiyiinta kula hadlay Magaalladda Qaahira, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Dowladiisa gacan ka geysanayso sidii la isugu soo dhaweyn lahaa labada dhinac, wuxuuna tilmaaamay in dhawaan la bilaabi doono Wada-xaajoodkaasi.

 

Mar wax laga weydiiyey Aragtida Dowladiisa ee ku aadan Jiritaaanka DFKMGS ee aan tabarta badan lahayn, waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Masar aqoonsan tahay, isla markaana ay taageero buuxdo siinayso Hay'adaha Federalka KMGS, wuxuuna xusay inay lama huraan tahay in la ixtiraamo Hay'adahaasi Sharciga ah iyo Dastuiurka KMGS ee Somalia.

 

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Masar, Axmed Abuu Qeyd, waxa uu gaashaanka ku dhuftay Warbixintii ay Khubaradda QM dhaawaan ku sheegeen inay Dowladda Masar kaa mid tahay Dowladaha ku xadgudbay Xayiraaddii QM ee hubka ee saaran dalka Somalia, isla markaana ay Shixnaddo Milliteri u daabuleen Kooxaha isku haya dalka Somalia.

 

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo ,wuxuu tilmaamay inay Khubaradda Warbixinta diyaaariyey ay galti ka yihiin Siyaasadda Masar ee ku aadan Arrimaha dalka Somalia, wuxuuna xusay inay Dowladdiisu kaalin muuqata ka qaataan Hawlaha dib-u-heshiisiinta ee Kooxaha Soomaalida, si xal looga gaaro Arrimaha Ammaanka iyo Siyaasadda.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Axmed Abuu Qayd, waxa kaloo uu Shirkiisa Jaraa'id ku sheegay inay Gargaar Aadminimo oo degdeg ah u soo diri doonaan Dalka Somalia, si loo gaarsiiyo dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen Fatahaadda Webiyadda.

 

 

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masar oo rajo ka muujisay qabsoomida wada hadalada DFS iyo Maxkamadaha

 

Mogadishu 26, Nov.06 ( Sh.M.Network) –Dowladda masar ayaa muujisay sida ay uga rajo qabto in Xukuumadda soomaaliya iyo golaha maxaakimta islaamku ay sida u dhaqsiyaha badan dib ugu billaabaan wadahadalladii ka dhexeeyay, Iyadoo tilmaamtay in waddadaasi ay tahay midda kaliya ee xal guud lagu gaari karo isla markaana suurta galin karta in kooxaha soomaalidu ay aragti mid ah ka qaataan Mustaqbalka soomaaliya.

 

 

Madaxda dowladda iyo maxkamadaha islaamka

Hadalkan ayuu waziirka arrimaha dibadda masar Axmed Abul-Gheyt ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay maqalada Qaahira ee xarunta dalka Masar Ka dib markii ay soo baxeen Hadallo ku aaddan suurto galnimada qabsoomidda wareega afaraad ee wadahadallada soomaalida ee lagu wado in leysugu yimaaddo bartamaha bisha December ee foodda inagu soo heysa .

 

Abul-Gheyt ayaa sheegay in dowladda masar ay kaalmo siineyso dowladda ku meel gaarka ah ee soomaaliya isagoo tilmaamay inuu Marti qaad u fidiyay dhiggiisa dowladda soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa si wazaaradda arrimaha dibadda Masar ay uga gacan qabato wazaaradda arrimaha dibadda soomaaliya sidii ay dib ugu soo qaabeyn laheyd dhismaha Wazaaraddeeda .

 

Abul-gheyt ayaa ka dhawaajiyay in Masar ay ku guda jirto diyaarinta Kaalmo dag dag ah oo loo dirayo dadka soomaalida ah ee ay fatahaaduhu sameeyeen .

 

Waziirka ayaa Carrabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaan u tahay in Kooxaha soomaalidu ay Tixgaliyaan dowladda sharciga ah ee ku meel gaarka ah isagoo ugu baaqay dhamaan dhinacyada siyaasadda soomaaliya in ay dhowraan qodobadii leyskula soo afgartay Wareegyadii koobaad iyo labaad ee wadahadalkii Khartuum .

 

Abul-Gheyt ayaa kaga digay in ay kooxaha soomaalidu awood adeegsadaan si ay aragtiyadooda iyo danahooda gaarka ah ugu soo rogaan Shacabka soomaaliyeed Iyadoo arrintaasi ay xad gudub ku noqoneyso dhinaca kale

 

Waziirka Arrimaha dibadda dalka Masar ayaa ka Codsaday dhinacyada Caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee lugta ku leh arrimaha soomaaliya in ay Fursad siiyaan kooxaha ku loollamaya siyaasadda soomaaliya si ay ugu suurto gasho in ay si dag dag badan dib ugu billaabaan Wadahadallada qabyada ah

 

Dhanka kale Waziirku waxa uu beeniyay arrinta ay dhawaanahanba faafinayeen warbaahinta caalamka iyagoo soo xiganaya warbixin ay diyaariyeen khubaro reer galbeed ah oo ay qaramada midoobay u xil saartay Taasoo dalal ay masar ku jirto ku eedeysay iney Hub iyo saanad sharci darro ah ku daabulaan Dalka soomaaliya.

 

Waxa uu sheegay waziirku in raga warbixintaasi diyaariyay ay jaahil ka yihiin siyaasadda dalka masar ee dhexdhexaadka ah.

 

 

 

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Egypt is either the most cruel or the smartest in the arab world.

Egyptian papers write more about al-umma al-arabia, but egypt will not spend a penny of its own on any arab cause.

Egyptian papers write the most against Israel, but not a single palestinian is allowed to operate from egypt. Palestinians are never given citizenship and are always refugees and rounded up and expelled at the slightest sign of anti-israeli.

Egyptians want to paralyze ethiopia so it cannot use the nile, and they get libya, saudi arabia and gulf states to pay for it in eritrea or somalia.

 

I hate to be in their shoes when this trickery and the suffering they cause catches up with them; Karma.

 

Either we are all ******, including the palestinians or the egyptians are so smart that can put palestinians, somalia all running in circles working for them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

stop complainning much about Egypt its strange at how you can hardly utilise the Nile.

 

But will waste your resources & life in distablizing Somalia and occupying its territories

What a bunch of lowlifes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this