Sign in to follow this  
General Duke

Uganda we will send more troops if asked.

Recommended Posts

Uganda oo Ciidamo Dheeraad ah u direysa wadanka Soomaaliya

Last Updated::2007-05-21 16:03:14

 

Kampala:-Wadanka Uganda ayaa Shaaca ka qaadey in ay diyaar u tahay in ay Ciidamo dheeraad ah u direyso wadanka Soomaaliya.

 

Warkaan ayaa waxaa sheegtey maalintii shaley Wasiirada Gaashaandhiga ee wadanka Uganda Ms.Ruth Nankabirwa, waxaana ay sheegtey in Uganda ay ciidamo dheeraad ah u direyso wadanka Soomaaliya, waase hadii uu midawga Afrika uu codsado Ciidamo dheerad ah.

 

Ms Ruth oo shaley wareysi uu la yeeshey wargeyska Daily Monitor sharaxeysey sida ay ugu dirayan Ciidamada ay soomaaliya u dirayaan, ayaa sheegtey in ay haatan Gacanta ay ku hayaan Ciidamo u tababaran Nabad ilaalinta.

 

Isla shir saxaafadeed ay qabatey Ms. Nankabirwa ayaa waxaa ay ka dalbatey wadamada Afrika in Ciidamo ay u soo diraan wadanka Soomaaliya, Ciidamaas oo si deg deg ah ku yimaada gudaha wadanka Soomaaliya.

 

Ms. Ruth Nankabirwa waxaa ay sheegtey in Ciidmada Uganda aysan ka soo baxeyn Gudaha wadanka Soomaaliya, tan iyo inta uu dhamaanayo Hindisaha Dib u nabadeynta wadanka Soomaaliya ee AMISOM, oo ay sheegtey in ay qeyb ka yihiin wadamada Ghana, Nigeria, Malawi, iyo Burundi.

 

Waxa ay sheegtey in Ciidamada Uganda aysan madi ku ahayn hanaanka Soomaaliya ee nabad ilaalinta ah hase yeeshee waxaa ay sheegtey in AU’da iyo UN’ta labaduba ay shegeen in Ciidamada Itoobiya aysan ka baxayn gudaha wadanka Soomaaliya tan iyo inta ka imaanayaan Ciidamada AMISOM oo idil.

 

Waxaa ay sheegtey Ms. Nankabirwa in Ciidamada Uganda la siiyey 1.8 Malyuun oo Doolarka Maryekanka ah, maalintii Jimcaha ahayd waxaana ay sheegtey in guud ahaan aysan helin kharashaad ku fulin Ciidamada Uganda bilahii la soo dhaafey, taasina waxa ay sheegtey in aysan baajineyn hawlaha ay u joogeen wadanka Soomaaliya.

 

 

Wadanka Uganada ayaa waxaa haatan ka jooga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Ciidamo Gaarya ilaa iyo inka badan 1000 Askari inkasta oo ay horey u balan qaadey Ciidamo intaas ka badan.

 

Wadamo kale ayaa Balanqaadyo Sameeyey waxaana ka mid aha wadanka Burundi oo balan qaadey ilaa iyo 1,500 - 1,600 Askari; Nigeria 8500; Ghana 3500; iyo wadanka Malawi oo aan cara baabin inta ay keeneyso Ciidamo wadanka Soomaaliya.

 

Mohamed Ali (Dalmar)

mohamedali11@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this