MoonLight1 Posted June 23, 2009 Ninka wadadka ah waa ay xushmaysaa soomaalidu, waana ay qadariyaan, laakiinse waxaa baryahan danbe soo badanayo dhaliisha, cayda, iyo xumaanta loo qabo ninka wadaadka ah. Ninka wadaadka ah waxaa lagu yaqiin, af gaabni, xishood, Alla ka cabsi, amaano iyo run sheeg, bal fiiri matalan xawaaladaha dalka oo idil (almost)waxaa iskaleh ama maamulo wadaado, dadku way aaminaan wadaadka, wayna qadariyaan. Laakiin hada waxaa jiro in magicii wadaadka uu ku socdo meel xun, markaad shidid tvga ama radio-ga ama websit-yada waxaad arkaysaa Sheekh hebel wuxuu maanta la diriray sheekh hebel. Waxaa maanta iska horyimid ciidamada Xizbul islam iyo Maxaakimta Islaamka, Abuu hebel (1) waxaa uu maanta kala wareegay Abuu hebel (2) magaalada heblaayo, sheekh hebel wuxuu ku gacan seyray inuu la wada hadlo sheekh hebel. Taas waxay abuurtay shaki badan oo dadka ay la yaaban yihiin waxa socda, ninka waadaadka wuxuu ahaa nin ka dhowrsoon dhibaatooyinka iyo fitanta jirta (moral high ground), wuxuu ahaa kan soo kala dhex galo marka meel lagu hardamo, laakiinse hada arintu waxay noqotay upside down. Wadaadadu ha la socdeen inay dadka kale ka duwanyihiin, ninka wadaadku waa ambassador matila diinta islaamka, dadkuna way ku daydaan waxa uu sameeyo, hadaba ha la socdeen wadaadadu in sawirkii fiicnaa ee ay dhisayeen mudo dheer in uu qarka u saaranyahay inuu burburo shacabkuna ay mar danbe aamini waayaan, taas oo keeni karta inay dad badan oo aan islaamka saas u sii fahasaneyn ay diinta uga cararaan arrintan darteed, Wadaadku waa daawadii mujtamaca waxayna hada u muuqataa in daawadu ay ayada naftirkeed jiratay, marka sidee loo daweeyaa daawo jirtay. Quote Share this post Link to post Share on other sites