Hunguri Posted March 13, 2007 Dawladda KMG ah oo sheegtay in ciidamada Itoobiya waqtigii ay joogi lahaayeen Soomaaliya uu dhammaaday Jibriil Nuur Cadde wardheernews Muqdisho 03/12/2007 _______________________________________________________________________________ Wasiirka arrimaha gudaha ee dawladda kmg ee Soomaaliya Max'ed Max'ud Guuleed "Gacma Dheere" ayaa sheegay in waqtigii ciidamada Itoobiya ay joogayeen Soomaaliya uu dhamaaday. Sdaa daraadeed waxa wasiirku sheegay in ay bilaabi doonaan in ay dalka ka baxaan. Gacma Dheere waxaa uu intaas ku daray in howsha ciidamadaasi ay ku ekeyd oo kaliya in dawladda kmg ay ka hor qaadaan waxa uu ku sheegay khatartii ay ku hayeen Maxaakimtii Islaamka. Maxaakiimta oo uu sheegay in liddi ay ku ahaayeen jiritaanka dawlada kmg. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in howshii ciidamada Itoobiya ay u yimaadeen Soomaaliya ay guulo ka soo hooyeen, iyaga oo u suura galiyay dawladda kmg in ay soo degto caasimadda Soomaaliya. Wasiirku isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri ''Saaxibadeen howshoodii waa guteen. Wax ay usii joogaan Soomaaliyana ma jiraan. Sidaa daraadeed waxa ay baxayaan dhawaan''. Hadalka ka soo yeeray Wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli ciidamada Itoobiya ay gebi ahaanba ka soo baxeen gobollada Jubooyinka. Maalintii shalayna waxa ku wareejiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalka Uganda. Dawladda Itoobiya ayaa iyana dhinaceeda hore u shaacisay in marka ciidamada ka socda Midowga Afrika ay soo gaaran Soomaaliya ay kala bixi doonto ciidamadeeda Soomaaliya. Waxa hadda magaalada Muqdisho ku sugan ciidamada dalka Uganda oo hordhac u ah kuwa laga filayo in Midowga Afrika uu u soo diro dalka. WardheerNews Quote Share this post Link to post Share on other sites