Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: 200 to fly to Mogadishu for national conference

Recommended Posts

Garoowe: Madaxweynaha Puntland oo la dardaarmay xubnaha Puntland ugu qeybgalaya shirka dib u heshiisiinta

8. July 2007

 

Garoowe(AllPuntland)- Kulan ay isugu yimaadeen 200-ergo oo matalaya degaanada maamul goboleedka Puntland kuwaasoo isu diyaarinaya ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee la filayo inuu bartamaha bishan ka furmo magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay xarunta cilmi baarista iyo wadatashiga ee PDRC.

 

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Jan. Cadde Muuse Xersi oo kulankaasi kula hadlayay ergooyinkaas ayaa ugu baaqay xubnahaasi inay si buuxda u matalaan degaanada hoos yimaada maamul goboleedka Puntland isla markaana ay walaalahooda Soomaaliyeed u tusaan una horseedaan tanaasul iyo sidii nabadgelyo ay u heli lahaayeen dadka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale Madaxweyne K/xigeenka Puntland Md.Xasan Daahir Afqurac oo ka hadlayay kulankaas ayaa ergooyinkaasi u rajeeyay inay noqdaan kuwo ka soo baxa waajibaadka culus ee ah matalidda beelaha Puntland.

 

Ergadaasi ayaa la filayaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gaaraan magaalada Muqdisho oo ka socota qaban qaabada shirka iyo soo dhoweynta ergada ka kala imaanaya gobolada dalka

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergada Puntland ee shirka Dib u heshiisiinta oo Shir uga furmay Garowe

 

Last Updated::2007-07-08 15:44:49

 

Garowe:- Wafdiga gobalada Puntland uga qeyb geli doona shirka Dib u heshiisiinta Qaran ayaa maanta ku kulmay magaalada Garowe.

 

Ergo gaareysa 200 oo ka kala timid gobalada Puntland kuwaasi oo ka qeyb geli doona shirka Dib u heshiisiinta Qaran ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyey ku yeeshay magaalada Garowe.

 

Shirkan ayaa saaka ka furmay Xarunta cilmi baarista Puntland ee magaalada Garowe PDRC.

 

Kulankan oo ah mid wadatashi ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiinta Dowlada Puntland oo ay hogaaminayaan Madaxweynaha Md.Cadde Musse iyo M/kuxigeenka Puntland Md.Xassan Daahir.

 

Kulankan ayey mas'uuliyiinta Dowlada Gobaleedka Puntland khudbado ay kasoo jeediyeen kula dardaarmeen ergada Puntland in ay qeyb libaax ka geystaan sidii dib la isugu soo dhaweyn lahaa shacabka Soomaaliyeed, iyo qabsoomida shirka dib u heshiisiinta.

 

Madaxweynaha Puntland Md.Cadde Musse ayaa sheegay in loo baahan yahay in ergada Puntland ay si weyn uga shaqeeyaan sidii dib u heshiisiinta Soomaaliya u noqon lahayd mid hirgasha, isla markaana ka hortagaan wixii caqabad ku noqon kara wadahadalka, ayna muujiyaan dulqaad badan wixii caqabooyin ah oo ay kala kulmaan.

 

Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya oo labo goor oo hore dib loo dhigay ayaa hada loo balansan yahay inuu furmo 16ka bishan July/Luulyo.

 

Shirkan ayaa ka furmi doona sida loo qorsheeyey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, halkaasi oo ay hada ka socdaan diyaar garow, walow ay jiraan shaki weyn oo laga qabo dhinaca Amniga ayadoo aysan weli joogsan weerarada ka dhaca magaaladaasi.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergadii Shirka Dib u Heshisiinta Qaran Uga Qeyb galilahayd puntland oo Maalintii Labaad Siminaar uga Socdo Garoowe

 

Boosaaso, Isniin, Julaay 09, 2007

 

Ugu yaraan 162 Ergo ugana qeyb galidoona beelaha deega puntland shirka dib u heshisiinta qaran ee muqdisho lagu qabanaayo ayaa siminaar muddo 3 Casho ah uga furmay xarunta PDRC ee magaalada Garoowe.

 

Siminaar kaan oo ay soo qaban qaabisey Hay'add PDRC ayaa ugu horayntii waxaa kulankaasi ka warbixiyey iyo ujeedada siminaarka agaasimaha hay;adda PDRC oo ahayd Hay;adda soo agaasinta siminaarka C/raxmaan Cabdile (Shuuke) waxaana uu sheegey inuu kulankaani yahay mid isbarasho ah islamarkaasina ladoonaayo in ay isku arkaan xubnaha shirka dib u heshisiinta uga qeyb galaaya Puntland.

 

Kulankaani oo uu furey madaxweynaha puntland maxamud muuse xirsi cade ayaa waxaa goob joog ka ahaa ku xigeenkiisa Xasan Daahir (Afqurac) iyo waliba xubna kasocda gudiga dib u heshisiinta qaran oo u kamid yahay C/dulqaadir husein nuur dirir waxaana uu halkaasi kaga warbixiyey sidii uu kusocon lahaa shirka dib u heshisiinta qaran oo la iclaamiyey inuu ka furmo 15 Bisha magaalada muqdisho .

 

Sido kale waxaa uu sheegey Abdul qaadir Husein Nuur (Dirir) in howshaani isukeenida ergada ay waqti badan ku qaadatey islamarkaasina iminka ay ku guuleysteen.

 

Sido kale waxaa uu sheegey marka uu dhamaato siminaarkaan Sadexda Barri ah iney ergaasi u anba bixidoonan magaalada muqdisho halkaasi oo uu ka furmi doono shirka dib u heshisiinta qaran.

Somaliweyn Media Center (SMC)

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan dhexe maray Madaxda Puntland iyo Ergooyinka uga qeyb galaya shirka dib uheshiisiinta Qaranka, deegaanada Puntland.

 

Kulan ay isugu yimaadeen Madaxda Puntland iyo in kabadan 162-Ergo, oo matalaaya deeganada Maamul Goboleedka Puntland kuwaasoo isku diyaarinaya sidii ay ugu anbabixi lahaayeen magaalada Muqdisho ee xarunta wadanka Soomaaliya oo uu ka furmoyo shirka dib u heshiisiinta qaranka oo furmaya bartamaha bishaan aanu ku jirno, ayaa waxaa hadalo ka jeediyey Madaxweyne Cade Muuse iyo kuxigeenkiisa.

 

Kulankaan oo ay soo qabab qaabisay Hayada PDRC,ayaa waxaa ugu horeyntii hadalka jeediyey,Agaasimaha Hay'adda Cilmi baarista Puntland oo marka la soo gaabiyo looyaqaan (PDRC)-C/raxmaan C/lle (Shuuke), ayaa sheegay in kulankaan looga hadlayo sadex armood oo kala ah.

 

1.In la isbaro, Ergada oo kakala yimid, deegaano kala gadisan oo kawada tirsan Maamul Goboleedka Puntland.

 

2.In ay ahaadaan kuwo isku Mawqif ah.

 

3.In Ergada iyo Madaxda Puntland ay wada kulmaan inta aysan dhoofin..

 

Sidoo kale waxaa halkaasi hadal ka jeediyey C/qaadir Nuur Dirir, oo ah Gudoomiyaha Gudiga,Ergada Puntland,uga qeyb galaya shirka dib uheshiisiinta qaranka ee dhawaan ka furmaya magaalada Muqdisho, isagoo sheegay Gudoomiyuhu in aysan jrin wax caqabad ah oo hada hortaagan Gudiga, isagoo intaasi raaciyey, in uu la hadlay gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta qaranka uuna ka codsaday, in Ergada Puntland, la dajiyo isku meel ama meel isku dhoow si ay isaga warqabaan, amaan koodana, la'adkeeyo, tasina waa nalka aqbaley ayuu yiri,C/qaadir Nuur Dirir.

 

Dhanka kale waxaa halkaasi hadal ka jeediyey Madaxweyne Cade Muuse oo sheegay in Ergada matalaysa Beelaha Puntland, ay u tanaasulaan walaalhooda Soomaaliyeed, ayna ku dhiiri galiyaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen, nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya oo mudo kabadan 17-sano ku jirey xaalad fowdaa.

Cade Muuse oo la'sii dardaarmaya Egarada ayaa yiri"waa in aad difaacadaan danaha Deegaanada Puntland,aadna ahaataan dad isku duuban oo isku mawqif ah.

 

Waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyey Madaxweyne K/xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac, oo sheegay in Ergada matalaysa Beelaha Puntland ay ahaadaan kuwa isku dooban oo mideysan sidaas daraadeedna ay sameystaan Afhayeen u hadla oo mar walba soo bandhiga Mawqifkooda.

 

Si kasbata ha ahaatee Ergadaan oo gaaraysa 162, sida uu sheegay Gudoomiyaha Gudiga Ergada PL,C/qaadir Nuur Dirir, ayaa sheegay in 15 ka bisha ka hor ay ka dagi doonaan Ergadaan ka socota Pl magaalada Muqdisho.

 

Isku soo wada duuboo waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ku qulqulaaya dhamaan Odayaasha iyo waxgaradka Beelaha Soomaaliyeed kuwaasoo, ka qeb galaya shirka dib uheshiisiinta qaranka ee furmaya 15 ka bsihaan aanu ku jirno sida ay shaaciyeen Gudiga daadihin doona shirkaas,balse waxaa is waydiin mudan, maadaama magaalada Muqdisho ay ka socodaan qaraxyo dilal, sidee usocon doonaa shirka dib u heshiisiinta qaranka.

 

 

Said Ahmed Husein,umalx85@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this