Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Geedi meets defeated oppositions backers

Recommended Posts

Ra`isul Wasaare Geeddi Oo Sheegay In Xukuumadiisu Ay Sii Wadeyso Dadaalada Dib U Heshsiisiinta

Posted to the MOL September 14, 2007, 7:53 am

 

Ra`isul wasaaraha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa daboolka kaga qaaday shir jaraa`id oo uu ku qabtay Muqdisho in dowlada ay sii wadeyso dadaalada dib u heshiisiinta ee dalka. Wasiirka koowaad ee golaha wasiirada dowlada KMG ah Mr Geeddi ayaa tibaaxay in xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho ay iminka soo reyneyso ayna ciidamada dowlada sii wadi doonaan dadaalkaasi.

 

Geeddi waxa uu canbaareeyay shirka Asmara oo uu ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhineyn , iyadoo uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in koox Soomaali ah oo muslim sheegayana ay maciin bidaan Asmara.

 

Waxa uuna hadalka Geedi soo baxayaa xilli kooxahaasi ay xalay doorteen gudoomiyaha isbaheysiga ay ugu magac dareen dib u xoreynta Soomaaliya

Dadka magaalada Muqdisho ayaa aragtiyo kala duwan muujiyay ururkaas asmara lagu sameeyay , iyadoo badankooda ay sheegeen in uusan wax soo kordhin karin isla markaana ay adag tahay in uu saameeyo xaaladda dalka .

 

Cismaan Xasan Cali(Fantastic)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ra’iisul Wasaare Geeddi oo ka warbixiyay Safarkii Jabuuti iyo kulamadii dib u heshiisiinta uu la yeeshay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan iyo C/qaasim

13. September 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa shir jaraa’id uu maanta ku qabtay Muqdisho kaga warbixiyay safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti iyo kulamadii uu halkaasi kula yeeshay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo dhaqaale fara badan ku bixiyay jiritaankii maxaakiimtii Islaamiga ee dalka laga ergayay, isagoo sheegay in guulo laga gaaray wada hadaladaasi.

 

Prof. Geeddi ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan uu ahaa mid dib u heshiisiin kaasoo qeyb ka ah buu yiri dib u heshiisiinta dalka, wuxuuna sheegay Ra’iisul Wasaaraha xubno ay ka mid ahaayeen ganacsade Maxamed Deylaaf, Sh Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo xubno kale uu dalka Jabuuti kula kulmay isagoo sheegay in dhamaan kulamadaasi looga wada hadlay sidii dhibaatada dalka ka jirta loo soo afjari lahaa.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa ee Jabuuti ay aheyd sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeyay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan iyo dad uu sheegay in ay ehel yihiin wuxuuna caddeeyay in la soo afjaray wixii mad madow ahaa ee ka dhex jiray.

 

Prof. Geeddi ayaa waxa uu sheegay in in sidoo kale magaalada Muqdisho uu kula kulmay Madaxweynihii hore ee dowladdii Carte C/qaasim Salaad Xasan oo uu kala hadlay arimaha dib u heshiisiinta wuxuuna sheegay in ay isku afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

 

Mar uu ka hadlayey arrimaha nabadgelyada ee Muqdisho ayuu sheegay in iminka ay ka soo reyneyso sidii hore, isagoo intaa raaciyay in ciidamada amniga ay wax badan ka qabteen kooxo uu sheegay in ay dowlad diid yihiin.

 

Prof. Geeddi ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha dalka erateriya Isayas Afawerki oo uu ku tilmaamay in uu yahay Madaxweyne naceyb u qaba Muslimiinta caalamka gaar ahaan kuwa Erateriya oo uu sheegay in uu ka dhigay kuwo uu laayey, kuwo uu qaxiyay iyo kuwo xabsiyada uu dhigay, isagoo nasiib daro ku tilmaamay in kooxo Soomaaliyeed oo sheeganaya Muslim ay Erateriya u tagaan shir nabadeed.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this