Sign in to follow this  
Abwaan

Wareegto Ka soo Baxday DFKMG oo Su'aalo Dhalisay, Dadka Soomaaliyeedna Soo Xusuusiyey

Recommended Posts

Abwaan   

Wareegto Ka soo Baxday DFKMG oo Su'aalo Dhalisay, Dadka Soomaaliyeedna Soo Xusuusiyey Hadalkii Cumar Carte Qaalib...

 

•Dec 29, 2006 Maalintii Labaad ee Ciidamada Xabashidu ay ku jiraan Muqdisho....

 

 

 

DFKMG oo Reer Puntland ku amartay in ay Hubkooda Geeyaan Xerada 54aad, kuna wareejiyaan "Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed"....

Wareegto ka soo baxday Dowladda Soomaalida loogu soo dhisay Nairobi ee FKMG ayaa waxaa akhriyey Cabdiraxmaan Diinaari oo sheegay in wareegtadaasi xustay hub ka dhigista dalka oo dhan iyo in hubka lagu soo wareejiyo "Xoogga Dalka Soomaaliyeed", waa sida uu hadalka u dhigay'e.

Diinaari oo hadlaya waxa uu yiri: "Dawladda Federaalka waxay ku guulaysatey gacan ku haynta gobolada dalka oo dhan, waxaana loo baahan yahay hub ka dhigis." Laakiin markii uu xusayey gobolada dalka ma soo hadal qaadin Gobolada Woqooyi Galbeed ee Soomaaliya ama "Somaliland".

Diinaari waxa uu yiri:

1. Dadka ku dhaqan Shabeellada Dhexe iyo Woqooyiga Muqdisho waa inay hubkooda geeyaan xerada Hiil weyne oo ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed amnigeeduna sugan yahay.

 

2. Dadka ku dhaqan Shabeellad Hoose iyo Koonfurta Muqdisho inay hubkooda geeyaan Laanta Buuro oo ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed amnigeeduna sugan yahay.

 

3. Dadka ku dhaqan Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose inay hubkooda geeyaan Jilib oo ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed

 

4. Dadka ku nool Gobolada Gedo inay hubkooda geeyaan magaalada Baardheere

 

5. Dadka ku dhaqan Gobolada Galguduud iyo Koonfurta Mudud inay hubkooda geeyaan magaalada Cadaado

 

6. Dadka ku dhaqan Gobolada Hiiraan inay hubkooda geeyaan magaalada CeelGaal oo ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed

 

7. Dadka ku dhaqan Bay iyo Bakool in ay hubkooda geeyaan xerada Daynuunay ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed

 

8. Dadka ku dhaqan Puntland in ay Hubkooda geeyaan xerada 54aad ee Garoowe oo ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed

 

9. Wareegtada Laguma sheegin xilliga ay ciidamada Itoobiya ee xoogga ku soo galay Soomaaliya ay ka bixi doonaan ciida dhulka Soomaaliya, arrintan waxay soo dedejineysaa shakigii ay ummadda Soomaaliyeed weligeed ka qabeen Gumeystaha Itoobiya, taas oo jirta ayaa la is weydiinayaa sida ay shacabku hubkooda u dhiibayaan ayagoo cadowgoodii soo jireenka ahaa uu xoog ku haysto dalkooda, oo aysan cidna dammaanad ka haysan xilliga ay dalka ka baxayaan.

Puntland:::

Shabakada GO oo arrinta ka soo yeertay Diinaari faallo ka bixinyesa waxay tiri: Shacabka Puntland ayaa waxa su'aalo iska waydiinayaan in ay hubkooda ku wareejiyan ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan xerada 54 xilli ciidamo PL ay leedahay ay ka bar-bar dagalamayan ciidamda Ethiopia iyo Malishiyadka Cabdi Qaybdiid kuwaas oo hada ku sugan gobolka Hiiraan... Hadaba su'aasha dad badan is weydiinayaan waxa ay tahay ciidanka Xoogga dalka Somalia ee Cabdiraxman Dinaari sheegey halka ay ku sugan yihiin iyada oo loo fasirtey in uu la mid yahay hadalkii Cumar Carte Qaalib oo ahaa in shacabaka Somalida ay hubkooda ku wareejiyaan Jabhado xilligaa lagu tilmaamey in ay wadanka qabsadeen taas sida la rumeysan yahay horseeday bur-bur hor leh oo ku dhacey qaab dhismeedkii ka jiray gobolada dalka."

Jawhar/Balcad:::

Dhinaca kale, ayey tiri GO, "waxa su'aalo badan dadku iska waydiinayaan Maxamad Dheere oo sheegta Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta gudoomiye u magacaabey Balcad. Maxamad Dheere ayaa xiiriirka u dhexeeyay isaga iyo DF uu xumaa xilligii laga qabsanayey Jowhar iyada oo aysan jirin wareegto ra'isal wasaare Geedi ugu magaacaabey mar labaad xillka uu sheeganayo. Sida laga war qabo degmada Balcad waxaa horey u maamuli jiray hoggaamiye kooxeedkii Muuse Suudi Yalaxow kamana tirsanayn maamulka Maxamed Dheere oo haatan awood ay leedahay dowlada Ethiopia ku qabsadey. Maxamad Dheere oo saxaafada la hadley ayaa sheegey in godoomiyaha degmada u magaacaabey Cali Rooble uu si KMG ahaana u sii hayn doona xilka."

Somaliland:::

Ra’iisul wasaaraha dowladda Nairobi Soomaalida loogu soo dhisay dib u heshiinta, Cali Maxamed Geeddi, oo ay waraysatay Idaacadda British Braodcasting Corportaion oo wax laga weydiiyey in amarka lagu xiray xuduudaha Soomaaliya ay ku jiraan meelaha maammuladu u dhisan yihiin sida Somaliland iyo Puntland ayuu ku jawaabey: "Laan Laan iyo waxaasi ma jiraan ee Soomaaliya waa Soomaaliya"

Waxaa hadalkaas ka jawaabey Dec 27, 2006 Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, waxana uu yiri: "Waxa fajiciso iyo amankaag ah in maamulkaas dhawaaqiisu yahay mid riyo ah, kuna salaysan dhalanteed ka fog xaqiiqada... Sideedaba Somaliland iyada ayaa ka masuul ah ammaanka, maamulka iyo maaraynta dalkeeda guud ahaan, iyada oo aan cidna uga qaadanayn fasax talada dalkeeda.... Faranfardaynta degdegga ah ayaa Jamhuuriyadda Somaliland uga digeysaa duqaas isaga ah...."

Shabakada Somalilandorg oo hadaladdaas faallo ka bixineysey waxay qortay: Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu si cad ula safnayd maamulka Baydhaba iyo dowladda Itoobiya duullaanka ay kaga soo horjeedaan Maxaakiimta Islaamiga ah. Hadalkan ka soo yeedhay Cali Maxamed Geeddina ayaa muujinaya in maamulkiisu uu helay isku hallayn iyo cudud milateri oo uu ku muquunin karo cid kasta oo diidda maamulkiisa.

Taas oo jirtay ayaa wareegtadan dambe maadaama aan looga hadlin Somaliland ay dadku su'aalo iska weydiinayaan in arrinta meesha ku jirtaa ay tahay hadalkii Dr. Cumar Cusmaan Raabeh oo uu Geeddi hirgelinayo, maadaama shacabka Soomaaliyeed u arkaan in uu yahay ninka hadda Madaxweynaha DFKMG kaga dhow xukuumada Tigreega.

Xilliga Bixitaanka Itoobiya:::

Sida kor ku xusan ilaa hadda Dawladda TFG lagama hayo xilli cayiman oo ay shacabka u sheegeen in waqtigaas ay Itoobiya ka baxayso dalka Soomaaliya. Dad badan ayaa rumaysan in aan cadayn noocaas ah laga fili karin TFG maadaama aysan haysan xorriyad ay sidaad ku yiraahdaan.

Dhanka kale waxgarad Soomaaliyeed oo rumaysan in taariikhda Soomaalida lagu joojiyo maalintii ay Itoobiyaanku soo cagadhiteen Dhulka Soomaaliyeed, oo markaas taariikhda tirsigeeda aan dib u bilowno maalinta uu askariga ugu dambeeya ka baxo ciidda Soomaaliyeed. Waxaana in badan oo Soomaali ah rumaysan yihiin in aan Taariikhda ku joojino December 18, 2006 oo ah markii ay ciidamada Itoobiya toos u soo galeen carrada Soomaaliya, bartaasna ka soo bilowno jadwalka taariikhda marka ay dalka ka baxaan gumeystayaashu. Arrintaasi waxay sahli doontaa in taariikhdaasi aysan ka suulin xusuusta Jiilasha dambe ee Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this