Garyaqaan2 Posted February 11, 2005 Daahir Riyaale oo aan ilaa & haatan la kulmin Madaxda sar sare ee Wadanka Koonfur Afrika Pretoria-10.February.2005 Madaxweynaha Maamulka isku magacaabey Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo haatan socdaal ku jooga dalka Koonfur Afrika ayaa wararkii ugu dambeeyey ee SBC Online ka soo gaaraya dalkaasi ay sheegayaan inuusan la kulmin wax Madax sar sare ah oo ka tirsan wadanka uu martida u yahay. Daahir Riyaale oo wadanka Koonfur Afrika ku sugan ilaa iyo laba Todobaad ayaa la sheegay in uu iska degan yahay Hotel Shereton, isla markaana aysan is arkin wax masuuliyiin sar sare ah. Wariyaha Idaacada SBC ee Wadanka Koonfur Afrika ayaa soo sheegaya in Daahir Riyaale uu si aad ah u daneynayo in uu la kulmo Madaxweynaha Wadanka Koonfur Afrika Mr.Thampo Mbeki hase ahaatee dhawr jeer oo Mr.Riyaale isku dayey kulan uu la yeesho Madaxweyne Mbeki ayaa ku dhamaadey guuldaro ka gadaal markii uu Thampo Mbeki uu ka muujiyey cudurdaar kulan caynkaas oo kale ah. Dhanka kale sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada arrimaha Dibadda ee Wadanka Koonfur Afrika oo wax laga waydiiyey Socdaalka Madaxweynaha Somaliland uu ku joogo Wadanka Koonfur Afrika in ujeedadiisu tahay sidii Koonfur Afrika ay u siin laheyd aqoonsi dawladnimada Somaliland ayaa Sarkaalkaasi wuxuu sheegay in arintaas aysan waxba ka jirin Koonfur Afrikana aysan diyaar u aheyn in ay wax aqoonsi ah siiso Goboladaas ka go'ey Soomaaliya inteeda kale Sarkaalkaas ka tirsan Wasaarada arimaha dibada ee Wadanka Koonfur Afrika wuxuu aqoonsi Wadankiisu u siiyo Somaliland uu ku tilmamey inay la mid tahay Cape Town oo ka go'da Pretoria sidaas darteedna aysan ku talo jirin inay wax aqoonsi ah siiyaan Maamulka Somaliland. Axmed Gaanni SBC Cape Town. Quote Share this post Link to post Share on other sites