Sign in to follow this  
Liibaan

Muxuu Faroole hogaanka SSC uga dhirfay???

Recommended Posts

Liibaan   

Muxuu Faroole hogaanka SSC uga dhirfay?

 

dhaweyn-24.jpg

 

Madaxweynaha maammul-goboleedka Buntland, Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu dhaliil u soo jeediyay Hoggaanka Sool, Sanaag iyo Cayn ee uu madaxda ka yahay Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xagla-toosiye). Wuxuu ku tilmaamay Hoggaanka SSC jabhad la mid ah jabhadihii ku kacay taliskii la afgambiyey sannadkii 1991kii. Barbardhiggaasi ma aha mid ku salaysan run. Jabhaduhu waxay doonayeen in ay maammul beddelaan, hoggaanka SSC na wuxuu sheegtay in dadkiisu kalsoonidii ay kala noqdeen Buntland. Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in Xaglo-toosiye u tartamay xilka madaxweynenimada Buntland, haddase sheeganayo in uu ka baxay Buntland. Sida ay la tahay madaxweyne Faroole, labadaas - u tartanka madaxweynenimada Buntland iyo ka bixitaanka Buntland - is ma qaadan karaan.

 

[Hogaamiyaha SSC Saleeban Ciise Axmed Kaar]

 

Hogaamiyaha SSC Saleeban Ciise Axmed Kaar

Buntland waa isku day maammul-wadaag, waana suurto-gal in Xagla-toosiye uu lahaa aragti isbeddel, markii uu ku guul-darraystay tartankana ay la noqotay in uu ka taliyo aayaha dadka uu hoggaamiyaha u yahay.

 

Madaxweyne Faroole oo ka hadlayay sida maamulka Somaliland u qabsaday magaalada Laas Caanood, wuxuu yiri: “Waxaase ka sii daran kuwa maalintii Laas Caanood la qabsaday fadhiyey ama jiifey oo ku qayilayey Hotel Xamdi oo ay ka mid yihiin Yaasiin Tamaad, Biindhe, Tima-Cadde oo maalinkaas Hoteelkaas ku [wada] qayilayey oo hadda u socda qaaraan urursi iyo dad ay jaahwareerinayaan oo ay leeyihiin qaaraan ha naloo ururiyo.” Maxa wuxuu doonayey madaxweyne Faroole in ragga uu xusay ay ‘tol-beelayey’ kala hor-tagaan ciidanka Somaliland?

 

Lagama doodin sida Laas Caanood uga baxday gacanta Buntland, waxase la ogyahay in askartii lacag loo waayey; in maammulkii ka horreeyey Faroole uu soo dedejiyay gacan-ka-bixista Laas Caanood. Muxuu madaxweynuhu eedda dusha uga saarayaa Xaglo-toosiye oo isbeddel-doon ah, muxuuse indhaha uga dadbayaa dhibta uu dhaxlay ee keentay in dadka Sool, Sanaag iyo Cayn kalsoonida kala noqdaan?

 

Taas waxaa dheer, madaxweyne Faroole wuu garan la’ yahay cidda ay is hayaan. Xagle-toosiye waa qof; waxa Buntland kalsoonida kala noqday tiir ka mid tiirarka dhaqameed ee Sool, Sanaag iyo Cayn. Garaad Jaamac Garaad Cali oo taageersan Hoggaanka SSC waa hoggaamiye dhaqameed tix-gelin la’aan kala kulmay Buntland. Dhinac ka mid ah dhinacyada SSC ee ay siyaasadda isku-maandhaafsan ayuu Faroole u xaglinayaa.

 

Marnaba Madaxweyne Faroole ma weyddiin hoggaanka SSC sababta keentay in ay kalsoonida kala noqdaan maammulkiisa, inkastoo dhibaatooyinka Faroole haysta badankood, marka laga reebo xanaaqiisa degdegga oo hadal xun ka soo rida, uu ka dhaxlay maammulkii hore. Maamul goboleedka Faroole la wareegay waa mid kala daatay; qaar ka mid ah qotomiyeyaashiii maamul goboleedka ayaa ku biiray maamullo kale; hantidii maamulka waxaa loo huray dowladda federaalka markii Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ahaa madaxweynaha ku meel-gaarka. Waa loo baahnaa in shir dib-u-kobcin la abaabulo. Weyddiintu waa: miyaa laga garaa hadda?

 

Mid ka mid ah waddooyinka u furan madaxweyne Faroole waa in uu ogaado in dadku kalsoonida la noqon karaan haddii lagala hadli waayo waxa ay saluugeen. Madaxweyne Faroole wuxuu BBCda u sheegay sannadkii 2008 in maammulkii Cadde Muuse dhibaatooyin badan keenay. Qeybo ka mid ah dalka waxay gacanta u galeen maamul cadaw ah, ayuu Faroole yiri.

 

Maxaa keenay in danaha ka dhexeeya dadka Gaalkacyo wada dega si nabadgelyo iyo nabad-ku-wada-noolaansho leh looga hadlo, arrimaha dadka ku wada nool waqooyiga Soomaaliyana si qabyaalad leh marka la joogo Buntland?

 

Xagla-toosiye iyo Faroole way ku kala baxeen arrimaha siyaasadda oo dhan. Waxa keliya ay isku haystaan waa ereyga ‘xoreyn.’

 

Allaha u naxariisto Maxamed Siciid Samatar (Gacaliye) oo siddeetamaadkii maqaal ku qoray wargeyskii Africa Events ayaa sidan u dooday:

 

”Waxaa la gaaray waqtigii ‘MAYA’ lagu oran lahaa dowladda keli-taliska ah iyo jabhadaha SNM iyo SSDF oo qabyaallada ku dhisan. Arrinta xoreynta Soomaaliya waa arrin u taal Soomaalida. Marka horese, Soomaalidu ha ku heshiiyaan macnaha ereyga xoreyn. Yaa wax xoreynaya, yaase la xoreynayaa?”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Su'aasha waxaa ka jawaabay Tima cade

 

 

Timacade " Faroole Wuxuu Necebyahay Beel kamid Ah Beelaha Dega Puntland" (Maqal)-

 

Garoowe,(Lasanod Online)- Wasiirkii hore ee Ganacsiga Puntland Cabdillahi Cali Xirsi(Timacade), ayaa sheegay in Madaxweyne Faroole si gaara u necebyahay Beel kamid beelaha dega Puntland.

 

Timcade wuxuu kaloo waraysigan ku sheegay in markii Puntland la aasaasayey uu Faroole rabay saddex gobol keliya inay Puntland ka koobnaato.

 

Timacade ayaa sheegay in magaca SSC yahay qabiilka dega gobolladaas, aysana ahayn jabhad iyo urur midna.

 

Halkan Ka Dhegayso Waraysigii Timacade

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this