Sign in to follow this  
General Duke

Gen Indacaade warns Djibouti

Recommended Posts

Indhacade oo u digey Jabuuti

27 May 27, 2008 - 8:35:13 AM

 

Xoghayaha Difaaca ee Isbahasiga Asmara Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad [indha-cadde] ayaa uga digay dalka Jabuuti inay qabato shir lagu dhexdhexaadinayo Mucaaradka iyo DF, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid aan loo baahnayn xilligaan.

 

Indhacadde, wuxuu sheegay in shirka ka socda dalka Jabuuti uu yahay mid lagu kala qaybinayo Isbahaysiga dib u xogeynta Somalia ee xaruntiisu tahay Asmara; isagoo carrabka ku dhuftay in dalka Jabuuti uu lug weyn leeyahay shirka ka socda dalkooda.

 

"Dalka Jabuuti waa mid ay ummadda Soomaaliyeed xusuusato, abaal weynna ay u hayso; balse haddii ay sii waddo shirka ka socda dalkeeda, waxaan ka fiirsan doonnaa xiriirka wanaagsan ee aan la leennahay Jabuuti" ayuu ku goodiyay Sheekh Indhacadde; isagoo intaas ku daray in Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle lagu xusuusto shirkii Carte.

 

Sidoo kale, mar uu ka hadlay shirkii jaraa'id ee uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku qabtay dhawaan dalka Jabuuti ayuu ku tilmaamay mid isaga u gaar ah, isagoo carabka ku adkeeyay in hadalka kasoo yeeray Sheekh Shariif uu yahay mid aan ka farxin shacabka Soomaaliyeed.

 

"Eedeyntii Sheekh Shariif uu u jeediyay Dalka Eritrea waxay ahayd mid abaal-dhac ku ah Sheekha, waxaana ka raalligelinayaa Eritrea eedeynta iyo aflagaadada kaga timid Sheekh Shariif" ayuu yiri Yuusuf Indha-cadde.

 

Xoghayaha difaaca ee Isbahaysiga Asmara Indha-cadde wuxuu sheegay dalka Eritrea uu yahay dalka saaxiib la ah ummadda Soomaaliyeed, isla markaana abaal weyn ay u hayaan, isagoo xusay in xilli dunidu ay albaabbada ka xiratay ay u furtay irdaha, laguna dhisay Isbahaysiga.

 

Hadalka Indhacadde ayaa la mid ahaa mid uu jeediyay Sheekh Xasan Daahir Aweys ugana jawaabayay shirkii Jaraa'id ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu dhawaan ku qabtay dalka Jabuuti, isagoo ku tilmaamay shirkaas jaraa'id mid aan waxba u dhimayn dalka Eritrea.

 

Indhacade ayaa ka hor inta uusan ku biirin Maxaakiimtii laga adkaadey haan jirey dagaal ooge ka arimiya gobolada Shabeelaha Hoose

 

Isbahaysiga Asmara ayaa u muuqda mid si dhab ah u kala jabay, iyadoo ereyo kulul ay isku marsiinayaan warbaahinta gudaha iyo midda dibadda, wuxuuna taageerayaasha Isbahaysiga ee gudaha Somalia soo dhexgalay kala jab weyn.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this