xiinfaniin Posted August 2, 2009 Warbixinta xaflad ka dhacdey Madaxtooyada Puntland 1 Aug 1, 2009 - 4:24:37 PM Munaaabaddan caawa 1 August,2009 oo si weyn loo agaasimey ayaa aheyd mid lagu gabagabeynayey maamuuska sanadguuradii 11aad ee kasoo wareegtey markii la dhisey Maamulka PL. Xafladda cawa ka dhacdey madaxtoyada magalada Garowe ayaa waxaa masuliyiinyta dowladda Puntland horkacayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole, Kuxigeenkiisa Gen. Cabdisamad Cali Shire, Golaha Xukumadda iyo Baarlamaanka, Xubno wakiillo ah oo ka socdey Dowladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya, qeybaha kala duwan shacabka ku dhaqan Puntland iyo qaar ka mid ah Jaalliyadda reer Puntland ee ku nool dalka dibaddiisa kuwaa iyaga u yimid sidii ay munaasabaddan uga qeyb qaadaan lahaayeen. Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreyn lagu furey Aayado Quraan ah wacad Diini ah oo uu soo jeedeieyey Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ku hadley kalmaddii dalladda Culimada Puntalnd isagoo ugu baaqey Maamulka cusub ee Puntland iney dardar galiyaan howlaha lagu xaqiijinayo ammanka iyo in wax laga qabto waxyaabaha Mukhaaddaraadka oo ay ka midyihiin khamriga iyo maandooriyeyaasha kale oo uu ka mid yahay Qaadka, Gabayo waddani iyo guubaabo isugu jira kasoo ay soo jeediyeen golaha abwaaniinta Puntland oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Xasan Gulwade, Jamaca Kadiye, Cowdgale iyo Cabdiqadir Shube, iyadoo dhinaca Haweenkana Xaliimo Puntland iyo Xildhibaanad Jooqa Geelle ay kasoo jeediyeen suugaan qiiro ku beertey kasoo qebgaleyashii munaasabadda, Intaa ka dib ayaa waxaa billowdey khubadihii caadiga ahaa iyadoo ugu horreyn uu halkaasi ka hadley guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada Munaasabadda 1da August ahna Wasiiru Dowlaha Maamul wanaagga Mudane Gashaan oo Madaxweynaha iyo dhammaan mas’uuliyiinta uga war bixiyey heerarkii kala duwanaa oo ay soo martey diyaarinta munaasabadaan iyo dadkii ka qeb qaadatey, Kadibna waxaa kalmado la siiyey qaar kamid ah Isimada Puntland oo ay ka mid ahaayeen Garaad Cabdisalaan iyo Garaad Cabdilaahi Cali ciid oo iyagu ku Hadley Magaca Isimada iaygoo si wada jira ah Hambalyo iyo Bogaadin u direy Shacabka Puntalnd uguna baaqey iney iska kaashadaan ka shaqeynta Nabadgeylada, Intii ay munaasabadda socotey waxaa khadka taleefonka uga qeyb qadanayey mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya oo ka mid ahaa Madxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isagu si toos uga Khudbeeyey xafladda iyadoo ka soo qebgaleyaasha khudbadiisa loogu xiriiriyey codbaahiya oo ay si wanaagsan u dhageysanayeen , Shariif Sh. Axmed oo hambalyo Iyo bogadin u soo jeediyey shacab weynaha Puntland ayaa ku ammaaney horumarka ay ku tallaabsatey ee dhinaca Nabadda isagoo ku baaqey in la ilaaliyo xasilloonida o ku tilmaamey goobta kaliya ee ka fiyow Somalia. Madaxweynaha dowladda FKMG ah ayaa sheegey in dhismaha iyo xasilloniada Puntland ay muhiim u tahay jiritaanka Somalia iyaguna ay taageersanyihiin adkenyta iyo difaaca maamulka ka jira waxana uu u rajeeyey shacabka iyo dowladda Puntland iney nabadgelyo barwaaqo ku noolaadaan sanadkan sanadkiisa. Sidoo kale Ra'isalwasaaraha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo isna dhinaca Taleefonka kaga qeyb qaatey munaasabaddii Caawa ka dhacdey Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa waxaa uu hambalyo u direy shacabka Puntland isagoo sheegey inuu jeclaan lahaa inuu si goob joog ah uga qeyb qaato balse duruufo ku furan aawadeed uu imaan kari waayey laakiin waxa uu mid aan la dafiri karin ku tilmaamey horumarka ay ku tallaabsatey Puntland dhaqaaqa ay sameysey muddadii 11sanadood aheyd ee ay jirtey. Raisalwasaaraha iyo Madaxweynaha Somalia ayaa iyagu haatan ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa kaloo intii ay socotey Munaasabadda khadka taleefoonka kaga qeyb qaatey xubno isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federalka oo iyagu ku bogaadiyey shacabka Puntland maamuuska maalinta 1da Augost. Ugu dambeyntiina Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa si toos ula soo hadley madaxa g argaarka Biniaadnimada Qaramada Midobey u qabilsan Somalia Mark Bo wden oo isaguna si toos ah ugu hambalyeyey madaxda iyo shacabka Puntland iyadoo Mr.Bowden uu sheegey in Nabadgelyada ka jirta gobolka ay tahay mid mudan in la bogaadiyo. Waxa a kaloo ka hadashey Munaasabaddii caawa Wasiiradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Caasha Geelle Diiriye oo iaydu ka mid aheyd Guddigii diyaarinta Munaasabadda 1da August waxaana hadallo ay jeedisey ku sheegtey qiimaha maalintan iyadoo dhinaca kalena sheegtey iney abalmarinno gudonsiin doonaan urruro iyo shaqsiyaad u dhaqdhaqaaqa dhinaca Waddaniyadda iyo Xuquuqda Aadanaha, iyo qaar kamid ah warbaahinta Maxalliga ee Madaxa Bannaan oo ay ugu Horreyso Idaacadda Radio Garowe, Ugu dambeyntiina waxaa lagu soo dhoweeyey khudbooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Max’ed Xersi oo usagu Hambalyo u ujeediyey shacabka Puntland ka dib si rasmi ah ugu soo dhoweeyey Mikarafoonka Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud Faroole oo halkaasi hadallo ka jeediyey. Madaxweyne Farole ayaa intaa ku darey in Puntland ay kamid tahay Somalia l oona aasaasey badigoobka iyo xasilloonida Soomaali weyn mar kastana ay ku baaqayeen in la joojiyo colaaadaha ka taagan Koofurta iyaguna ka Puntland ahaan ay diyaar u yihiin iney kala dhex galaan kooxaha isku haya Koonfurta si loo badbaadiyo shacabka dhibaatada ka bixi la' muddada 20ka sanadood ah , Cabdiraxaamaan Faroole ayaa sheegey iney gogol nabadeedna ay u fidinayaan sidii hadda ka horba magalada Boosaaso Sanadkii 1997dii Balse Gogoshaas gacmo shisheeye ay u weeciyeen Magaalada Qaahira ee dalka Masar halkaasoo markii dambe lagu kala tagey Taariikhdii laga dhaxleyna ay noqotey in la sii kala fogaado, Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegey in ujeeddooyinkii socdaalka uu ku tagey Dalka dibaddiisa ay guulo ugu soo dhamaadeen isagoo sheegey Xiriirro wanaagsan ay la sameeyeen waddamo badan oo caalamka ah oo ay casuumaad ka heleen sida Mareykanka. Madaxweynaha Puntland oo ugu dambeyntii ka hadley in Puntland ay Horumar ku tallaabsatey lana Gaarey himiladii dhinaca Nabadgeyada ee loo asaasey islamarkana l a sii xoojin doono isagoo ka coddsadey shacabka iney la shaqeeyaan Maamulkooda oo ay ilaashadaan Xasilloonida ay haatan ku ladayaan, Radio Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 2, 2009 Come writers and critics Who prophesize with your pen And keep your eyes wide The chance won't come again And don't speak too soon For the wheel's still in spin And there's no tellin' who That it's namin'. For the loser now Will be later to win For the times they are a-changin'. Bob Dylan What happened today shows that somalia is still one. And times are changing.And as political mautiry is reached those who spoke too soon will realize thier slip was out of synch with the reality on the ground. Sharif, Farole, and Omer understood what is required of them. They are working together to revive somalia back Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 2, 2009 Somalia president congratulates Puntland on 11th year anniversary 1 Aug 1, 2009 - 2:06:43 PM GAROWE, Somalia Aug 1 (Garowe Online) - The president of Somalia's Transitional Federal Government (TFG) has congratulated the northern State of Puntland for celebrating 11 years of peace and governance, Radio Garowe reports. Somali President Sheikh Sharif Ahmed and Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmake phoned in at an event Saturday evening held in Garowe, the capital of Puntland State. The event was attended by hundreds of people and featured a mixture of speeches, poetry, and prayers. "Puntland is the mother of Somalia and we congratulate the Puntland people," President Sheikh Sharif said via a telephone conversation from Nairobi, Kenya. Prime Minister Sharmake, who is also in Nairobi, urged the people of Puntland to uphold the peace while praising the regional government for all its work. Celebrations Thousands of people gathered at Garowe Square to mark August 1, the day the State of Puntland was first established 11 years ago. Dr. Abdirahman Mohamed "Farole," the Puntland president, attended the festivities alongside Vice President Gen. Abdisamad Ali Shire, Cabinet ministers and Members of Parliament. Puntland security forces The parade featured hordes of people walking in front of the Puntland leadership, including student groups, women’s groups, sport teams, health workers, civil servants and soldiers. After the parade, President Farole gave a speech at the Puntland Development and Research Center (PDRC) in Garowe, where he described Puntland’s history and aspirations. Puntland is located in northeastern Somalia and has had a functioning government since 1998. The regional government held a peaceful election and a smooth transition of power in Jan. 2009. Source: Garowe Online Quote Share this post Link to post Share on other sites