Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu after TFG take over...

Recommended Posts

MUQDISHO: WAA SIDEE XAALADDA AMMAANKA IYO BILICDA MAGAALADA MUQDISHO (FAALLO)

Posted to the Web Jan 02, 15:37

 

 

Muqdisho (PP) - Laga soo billaabo markii gobollada dalka ay faaruqiyeen Maxkamadaha Midoobay dadka Soomaaliyeed waxay is weydiinayeen qaabka uu isku beddeli karo dalka kaddib Maxkamadaha Midoobay, waxaana dadka qaarkood ay saadaaliyeen inay amni-darradu noqon karto mid cirka isku shareerta.

 

 

Waxaa soo baxay durba in dadka Soomaaliyeed ay is weydiiyaan goorma ayaa Isbaaro la kulmi doontaa, maadaama aad muddo 120-casho ah aysan dadku arkin wax isbaaro ah, waxaana dadku billaabeen inay taleefoonnadooda gacanta dambiyaan, si ay uga nabad galaan kooxaha burcadda ah oo dadka ka dhageysta gambaleelka Mobiles-ka.

 

 

Waxaa wax lala yaabo noqotay in aanay shacabku kula kulmin waddooyinka Magaalada Caasimadda ah kooxo burcad ah oo weydiinaya inay wataan taleefoonno gacanta ah iyo iyagoo istaajinaya isla markaana baaranaya dadka.

 

 

Qaar ka mid ah dadka ayaa waxay sheegayaan iyagoo ku sheekeysanaya waddooyinka Magaalada caasimadda ah inaysan jirin wax cabsi ah maadaama ay ciidammada dowladda gacanta si weyn ugu dhigeen Magaalada Muqdisho isla markaana la socdaan xoogag Ethiopian ah, taasina waxay keentay inay dadka isku qanciyaan inaysan jirin wax cabsi ah oo laga qabi karo isbaarooyin.

 

 

Tusaale ahaan markaad marayso waddooyina waaweyn ee Magaalada Muqdisho ma maqlaysid codka taleefoonnada gacanta oo hal toddobaad ka hor ahaa kuwo si weyn aad uga maqlayso waddooyinka, isla markaana ay dadka qaarkood dhegaha kaaga jabinayaan jabaqda taleefoonnada gacanta oo ay codadkooda aad u dheereeyeen.

 

 

Mid ka mid ah dadka Magaalada Muqdisho ayaa la soo baxay taleefoon aan wax dhawaaq ah sameyn, waxaana uu billaabay inuu ku hadlo, taasoo la yaab ku abuurtay dadka hareerihiisa socday iyo kuwa fadhiyay goobaha shaaha lagu cabo oo ka fogeyn waddooyinka laamiga ah.

 

 

Dowladda iyo Ammaanka Caasimadda;

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid isku dayaysa inay nabadda Magaalada Muqdisho ka dhigto mid ka wanaagsan sidii 6-dii bilood ee ay Maxkamaduhu ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho, waxaana muuqata in Ra’iisul Wasaare Geeddi uu si weyn isugu taxluujinay ammaan ku soo dabbaalida Muqdisho.

 

Sannadkaan cusub maalintii u horreysay ayay ahayd markii uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi uu daboolka ka qaaday in ruuxii lagu helo inuu ammaanka Magaalada qalqalinayo laga qaadayo tallaabo sharci ah oo ku habboon, waxaana uu afka ku ballaariyay in tallaabadu ay noqon karto xarig muddo 2- bilood ah iyo ganaax aan la shaacin.

 

 

Tani waxay keentay in ruux walba oo isku dayi lahaa inuu ka sameeyo Caasimadda gudaheeda uu hankiisii dib u liqo, isla markaana uu dib ugu gurto inuu is ilaaliyo, waxayna arrintaan noqotay mid uu gooho shacabka Soomaaliyeed ee Magaalada Mudisho ku dhaqan.

 

 

Durba dadka dhegahooda ayaa waxaa ku soo dhacay amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi oo ah in hubka ay iska dhigto cid walba, isla markaana ay ku ururiyaan goobo uu cayimay sida Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho iyo xarunta Villa Soomaaliya, waxayna tani mar kale buuq weyn ka dhaliysay shacabka gudahiisa, taasoo ah inay isugu bishaareeyaan in hubka la dhigayo.

 

Shacabka iyo hub ka dhigista;

 

Qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo u muuqda kuwo ka soo horjeeda nabad ka dhalata magaalada caasimadda ah isla markaana ka faa’idaysan jiray nabad-darrada ayaa waxay billaabeen inay shacabka buuq ka dhex abuuraan iyagoo shacabka ka dhaadhicinaya inaysan caqli gal ahayn in muddo 3-casho ah hubka lagu ururiyo, taasna uu Ra’iisul wasaaruhu ku fududaaday.

 

 

Prof. Geeddi ayaan isagu mar kale ku celiyay in hubka ay iska dhigaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in ciddii hubka aan ku dhigin muddada uu cayimay ay mudan doonto xarig aan shaacin inta uu qaadan doono, waxaana taasi ay keentay in kala iibsiga hubka suuqyada Muqdisho uu hoos ku dhac weyn ku dhacay, waxaana tani ay ku macneeyeen kooxaha hubka ka ganacsada inay sabab u tahay hadalkii uu Prof. Geeddi ka sheegay qalabka warbaahinta.

 

 

Shacabka qaar ka mid ah ayaa waxay aaminsan yihiin in hubka la iska dhigo, waxayna tilmaamayaan in hubka uu yahay dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya ka dhigtay meel ay dagaallo qaraar ka dhacaan, waxaana inta doonaysa in hubka la iska dhigo ay sheegeen in ay ayidsan yihiin amarka ra’iisul wasaaraha ee ah in ciddii hubka dhigi wada looga dhigo hubka xoog laguna ururiyo xabsiyada.

 

 

Muuqaalka Caasimadda dagaallada kaddib;

 

Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda dalka ku nool ay ka qabeen cabsi weyn sida uu noqon karo xaalka Magaalada caasimada ah ee Muqdsiho oo ah Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, haddii ay ku dagaallamaan Ciidammada Dowladda oo ay kaalmeynayeen xoogag Ethiopian ah iyo Malleeshiyooyinka Maxkamadaha.

 

Durba waxaa shacabka ka soo boodday neef aad u weyn markii Maxkamadaha ay sheegeen inaysan doonayn inay Magaalada Muqdisho kula dagaallamaan xoogagga is bahaystay, iyagoo ka dhawaajiyay inay u daneynayaan shacabka iyo magaalada Muqdisho.

 

Qaar ka mid ah dadka Magaalada Muqdisho ayaa ku tilmamay hadalkii Madaxdii Maxkamadaha ee la eryay inuu ahaa mid ka soo fulay Maskax fiyow oo dalka u diiddan inay dagaallo ka dhacaan, halka dadka reer Mudisho qaarkood ay ku tilmaameen hadalkaas inuu yahay samir taag-waayay ee haddii ay awood u leeyihiin Maxkamadaha ay kula dagaallami lahaayeen isbahaysiga xooggan Magaalada Muqdisho.

 

 

Isku soo wada duuboo, Magaalada Muqdisho haatan, waa mid aysan ka muuqan wax burbur ah, burburka ka muuqda oo keliyana uu yahay midkii ay gayeysiiyeen Magaalada dagaallo horay uga dhacay, waxaase Magaalada ay haatan u muuqataa mid ay ka socdaan dhismooyin, bilicdeedana aysan waxba iska dhimin inay sii kororto mooyee.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this