Juje Posted October 9, 2007 Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in hakadka kuyimid qaraxyada labadii habeen ee lasoo dhaafay ay qeyb katahay wax uu kusheegay hawlgallada ay Muqdisho kawadaan Muqdisho Talaado , October 09 2007 SMC Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Fikraddiisa ku aadan hakadkii kuyimid 2-dii habeen ee lasoo dhaafay Qaraxyadii Muqdisho ka dhici jiray. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay arrintaasi in ay asal u yihiin dhowr waxyaabood oo ay ka mid tahay wax uu ku sheegay Is-afagarad dhex maray Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha USC iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo sidoo kale Hawlgallada ay Magaalada Muqdisho ka wadaan Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya. Dhinaca kale hadalka Maxamed dheere ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli labadii habeen ee la soo dhaafay ayaan laga maqlin Magaalada Muqdisho wax qaraxyo ah inkastoo Hadalka Maxamed dheere kadib Maanta Muqdisho qeybo kamid ah ay ka dhaceen Qaraxyo Xoogan oo lala beegsaday Maleeshiyaadka TFG-da. Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho Somalia It is all getting interesting now Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 9, 2007 muu iska aamuso bal qaraxyo kele may dhaceene Quote Share this post Link to post Share on other sites