Jacaylbaro Posted May 18, 2009 Sida ay kusoo waramayaan Dadka ku dhaqan magaalada Jowhar iyo mahadaay ayaa sheegaya ee gobolka Sh.dhexe ay xalay hurdiwaa ku riday diyada dhawaqa dheer ee la sheegay inay leeyihiin ciidamada circa maraykanka ee loo yaqaano AC islamrkaana ku duulaysay jog hoose oo aan hore loo arag . mid ka mid ah dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa sheegay in xalay badankiisii ay dul heehaabaysay diyaarad nooca dhawaqa dheer ee loo yaqaano AC-da islamrkaana ay cabsi darani lasoo deristay dadka ku dhaqan magaaladaasi iyadoo ay wel wel ka qabeen in ciidamada shisheeye ay dhinaca cirka kasoo weeraraan madaama ay magaalooyinka gobolka shabeelada dhexe guud ahaantoodaba la wareegeen xoogaga al-shabaab Ugu dambeyntii diyaaradaan oo ah nooca AC-da ee loo yaqaano ayaa horey waxay caan uga ahayd magaalada Muqidhso iyadoo xiliyada dagaaladu dhacayaan laga maqli jiray,guuxeeda dheer waxayana ku soo beegmeysaa diyaaradaani xili ay magaalada Jowhar oo xarun u ah gobalka Sh.dhexe ay shalay subax si fudud kula wareegeen xooggaga kacdoonka balaaran ka wada dalka Soomaaliya ee Al-Shabaab. Quote Share this post Link to post Share on other sites