Sign in to follow this  
Cowke

Nugaal: 9 People Dead In Car Crash. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

9-qof Oo Ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay Agagaarka degmada Dangarooyo

 

July 5, 2010

 

Shil gaari oo sababay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa saaka aroortii ka dhacay agagaarka degmada Dangarooyo ee gobolka Nugaal.

 

Guddoomiye kuxigeenka degmada Dangarooyo Maxamed Faarax Tooge oo la hadlaayay Horseed Media ayaa sheegay in shilka uu ka dhacay tuulada Libaaxo oo qiyaastii 24-KM u jirta degmada.

 

Shilka ayaa yimi ka dib markii uu rogmaday gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Candhomeydle,kaas oo ka yimi magaalada Bosaaso kuna sii jeeday dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

 

Guddoomiyaha ayaa xusay in isla markii uu dhacay shilka ay ku geeriyoodeen 7-qof ayadoo ay dhaawacmeen inka badan 10-qof,waxaana dhaawaca loola cararay Isbitaalka magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

 

Wuxuu intaa ku daray in Isbitaalka ay ku geeriyoodeen labo qof oo kale,taasna tirada dhimashada ay ka dhigayso 9-qof.

 

”…Dadka dhintey waxaa ku jira 5-haween,waxaana ku jira sidoo kale labo Caruur oo da’a yar ah.waanu aasnay dad la aqoonsaday oo la heley ehelkooda kuwa kalena weli ma aanu aasin…”,ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka degmada Dangarooyo.

 

Ilaa iyo hadda lama yaqaano sababta rasmiga ah ee ka dambeysay shilkaan gaari oo noqonaaya kii ugu dambeeyey ee ka dhaca degaanada Puntland.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Monday, July 5th, 2010 at 12:44 pm

Shil Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Wadada Isku Xirta Sinu-Jiif iyo Garowe (Daawo Sawirada)

 

 

 

Garowe (RBC Radio) 9 qof ayaa dhintey ku dhawaad 15 qofna way ku dhaawacmeen shir gaari oo ka dhacay inta u dhaxaysa Degmada Dongorayo ee Gobalka Nugaal iyo Tuulada Sunajiif.

 

 

Dhaawaca gaariga gadoomey oo Isbitaala lagu daweynayo

Gaariga gadoomey ayaa ahaa gaadiidka xamuulka nooca Soomaalidu u taqaano Candho-meydle, waxaana gaarigan uu ka yimid Magaalada Boosaaso, sida ay RBC Radio u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah shilkan waxaa uu dhacay saaka waa berigii, waxayna wararku sheegayaan in gaarigan uu ku dhacay gaari kale kadibna uu wadda ka baxay.

 

 

Isbitaalka guud ee Garowe dhaawaca la keenay ayaa dhan 6qof, waxaana xaaladooda RBC uga waramay agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Carabey, wuxuuna sheegay in dhaawaca badankiis ay aad u liitaan.

 

 

dhaawaca oo Isbitaalka yaal

 

Dr. Carabey waxaa uu sheegay in dhaawucu uu wada liito, isagoo tilmaamay in qaar dadka ka mid ah ay luguhu go’an yihiin ayna ja jaban yihiin sidoo kale waxaa uu sheegay in madaxa ay dad wax ka qabaan oo ay koobo ku jiraan.

 

Sida dhakhtarku sheegay dhaawaca 6-da qof ah ayaa ahaa kuwii u cuslaa, waxaana lagu wadaa qaliimo.

 

Khasaaraha shilkan gaari ee maantey dhacay waxaa uu ku soo beegmay iyadoo uu xiran yahay Isbitaalka guud ee Garowe ayna ka socoto shaqo dayactir ah, waxaana dadkan hadda lagu daawaynayaa qaybta gargaarka deg deg ah ee Isbitaalka guud waxaana dadkan la dhigayaa sida uu agaasimaha Isbitaalka sheegay qaybaha la dayactirey iyadoo uu tilmaamay inay khasab noqotey in dadkan Isbitaalka loo furo, sababtoo ah majirto Isbitaal kale oo hawshan qaban kara isla markaasna Caasimada ku yaal.

 

Dadka dhaawaca ah iyo kuwa dhintey waxay u badan yihiin dad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, waxaana Isbitaalka soo buuxshey ehelada dadka gaarigu la dhacay.

 

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa usoo gurmatey dadkan shilka gaari ku waxyeeloobey, waxaana yimid qaybta gargaarka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. C/risaaq Xirsi Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda waxayna hadda ku jiraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhaawaca Isbitaalka la keenay, waxaana wasaaraddu ay Isbitaalka keentay daawo dadkan wax looga qabto.

 

khasaaKhasaaraha gaarigan gadoomey waa kii ugu darnaa ee dad intaas le’eg ay khasaaro ba’ani kasoo gaarto labadii sano ee u danbeysay kana dhaca wada u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Boosaaso, waxaana inta badan loo sababeeyaa shilalka wadooyinka ka dhaca iyadoo aysan lahayn wadda meelo ka mid ah calaamadihii wadooyinka, burburka wadda iyo darawaliinta qaarkood oo aan xirfadoodu fadhiyin.

 

RBC Radio

Garowe

 

Dhaawaca gaariga gadoomey oo Isbitaala lagu daweynayo

dhaawac1-300x225.jpg

 

dhaawaca oo Isbitaalka yaal

dhaawaca2.jpg

 

dhaawaca3.jpg

 

 

dhwaca4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Subxanallah these pictures are horrific!!! Somali media ma yaqaan warning iyo censoring! These people have relatives who will find out in this manner. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Stop it now. The mad one will turn your complaint into a chance to brag about the potency of the D Block gene. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Originally posted by NGONGE:

^^ Stop it now. The mad one will turn your complaint into a chance to brag about the potency of the D Block gene.
:D

redface.gifredface.gif:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

AGAASIMAHA.jpg

 

Wasaarada howlaha guud iyo Gaadiidka Puntland oo sheegtay in ay aqbal doonin cid aan haysan Laysnka gawaarida in gari ay kaxayso

 

(Garowe) RBC: Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in muda laba bilood gudahooda ay soo saari doonaan qorsha cusub oo ku aadan wadayaasha gaadiidka kuwaas oo badankood aan haysan laysanka gawaarida lugu kaxeeyo.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Injineer C/qaadir Cusmaan Bicir oo u waramayay Warbaahinta RBC ayaa sheegay in qorshaha ay iminka wasaaradu damacsan tahay uu yahay mid la doonayo in wadayaasha gadiidka lugu kontoroolo si dhibaatooyinka shilalka ka dhasha u yaradaan.

 

Waxuna sheegay in ay bateen shilalka gaadiidka oo uu sheegay in uu noqday mid soo noq noqday waxa uuna uu tilmaamay hadii aan laga hortagin in samaynta intaa ka sii badan karto.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka Puntland waxuu intaa ku daray in ay jiraan gawaari kale oo iyana dhumaalaysta kuwaas oo aan bixin lacagta canshuurta xaqa loogu lee yahay kuwaasna waxa uu sheegay in la qaban doono.

 

Agaasimaha ayaa sidoo kale weeraray gaadiidlayda biilka wadayaashooda waxuuna sheegay in aqoon buuxda u lahayn kaxaynta gawaaridas taas uu u sababeeyay gooba aan haboonayn oo wadayaasha gawaardaa biiilka istaajiyaan waxayna arintaa kentaa ayuu yiri in muda xayiraan isku socodka gaadiidka kale.

 

C/qaadir Cusmaan Bicir ayaa ku cel celiyay in wasaaradu arimahaa tilaaba ka qaadi doonto islamarkaana aysan ogolaan doonin wixii ka danbeeya labilood kidib in cid kasta gaari iska kaxaysato waxuuna sheegay in Wasaaradu furi doonto School lugu baran doono wadadi gaariga .

 

Waxa uu intaa ku daray agaasimaha in laysnka cid kasta la iska siin doonin oo ay ku bixi doonaan hab da.a aahan loo fiirinayo iyo aqoonta wixii uu bartay oo wasaaradu inta lisanka aysan siin ka hor imtixaan ka qaadi doonto

 

Agaasimaha ayaa tilmaamay in xili RBC wax ka waydiisay sababta xiligaan wasaaradu arintaa ugu dhaqaaqday taana wax uu kaga jawabay in qorshahu uu ahaa mid muda soo jiitamayay khasabna ay tahay in la hirgaliyo.

 

Waxa ay noqonayasaa markii ugu horaysay o tilaaba caynkaan ah qaado Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka hadii ay dhaqan gasho inta la ogyahay .

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this