Wiilo Posted November 24, 2006 Raga noocaan u hadlaya ayaa dowlad Soomaaliyeed sheegayana, runtii waa ayaan darro wallaahi.. Dowladda Federaalka oo soo dhaweysay dagaalka ay ku dhawaaqday Ethiopia ee ka dhanka ah Maxkamadah Novebmer 24, 2006 Markacadeey Wasaaradda Gaashaan dhigga dowladda Federaalka ayaa soo dhaweysay hadalkii shalay kasoo yeeray xukuumadda Adis Ababa ee ku wajahnaa dagaal furan in ay la galeyso Golaha Maxkamadaha Islaamka. Wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga dowladda Federaalka Salaad Cali Jeelle ayaa shaaciyay in taalabadaasi ay tahay mid dowlad Ethiopia ay isku difaaceyso,isla markaana ay ku dooneyso nabadda dalkeeda. ''Dagaalka ay ku dhawaaqday Ethiopia waxaa uu yahay mid is difaac ah,maxaa yeelay Maxkamadaha waxaa ay dagaal ka wadaan gudaha Ethiopia,waxaa ay Ethiopia u diraan Oromo,Eritrean,iyo Al Qaacida''ayuu yiri Jeelle. Jeelle waxaa uu muujiyay in dowlada Federaalka sida ay u garab istaagsan tahay Xukuumadda Zenawi ay dhankeeda ula garab istaagi doonto dagaalka ay la galayaan waxa uu ku tilmaamay Al Qaacida. Hadaladda kasoo yeeray labada dhinac ayaa keenay in dhaq dhaqaaq xoogan laga dareemo goobaha y isku hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda FS iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka. Maxamed Carab Xafiiska markacadeey Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites