General Duke Posted July 10, 2007 Degmooyin Cusub oo Puntland lagu darey Last Updated::2007-07-10 14:45:54 Garowe:-Maalintii shaley Kulan ka dhacay Magaalada Garoowe oo ay yeesheen Golaha Wakiilada. Kalafadhiga Caadiga ah ee ay yeelanayeen Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Goluhu Degmooyin cusub oo ay yeesheen Gobolada Mudug, Nugaal iyo Sool. Gobolka Mudug ayaa waxaa loo ansixiyey in Degmada Xarfo ay ku soo biidho Degmooyinka Gobolka Mudug oo horey dhinaca maamul Goboleedka Puntland ay ahaayeen Sadex Degmo oo kala ah Xarunta Gobolka, Degmada Goldogob, iyo Degmada Degmada Jariiban. Gobolka Sool ayaa sidoo kale waxaa loo ogolaadey in ay Degmo Qaadato Magaalada Kalabayr, waxaana Gobolka Nugaal Maanta loo ansixiyey in Degmooyinkeeda ay ku soo biidho Degmada Godobjiraan. Maamul Goboleedka Puntland oo Cago ku taagnaa teer iyo sanadkii 1998-deedi tan iyo xligii uu jirey waxaa lagu soo kordhiyey Gobolo Cusub iyo Degmooyin dhawr ah, waxaana ay taasi timid ka dib markii Deegaanada Puntland la arkey in uu u baahanyahay in maamulku uu ku fido Deegaano hore. waxaana sababtu ay timid ka dib marki la arkey Degmooyinka iyo Gobolada Cusub in ay heli karaan dahqaalo ay ku daboolaan habsami u socodka maamuladooda. Mohamed Ali (Dalmar) HorseedNet News Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites