Sign in to follow this  
General Duke

Laascanood: More militias defect from secessionist + Puntland people united

Recommended Posts

Laascaanood: Ciidamo iyo hogaankii Sahanka iyo Wardoonka Somaliland oo isku soo dhiibey Puntland.

12. oktober 2007

 

Laascaanood(AllPuntland)- Ciidamo fara badan oo ka mid ahaa ciidamada Maamulka Somaliland ayaa isku soo dhiibey ciidamada dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ayagoo ciidamadaasina la keenay gudaha Magaalada Laascaanood.

 

Ciidamo ka badan 40 Askari oo wata Gaari qori saaran yahay isla markaana la jifo ah Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa isku soo dhiibay dowlada Puntland ayadoo intaasi ka dibna oo is soo dhiibey Taliyihii Sahanka iyo Wardoonka Somaliland,isagoo la dajiyey hotelka Xamdi ee magaalada Laascaanood.

 

Waxaa sidoo kale isla markaaba soo galey ciidamo kale oo aan wali tiradooda la helin ayagoo dhamaantood ka mid ahaa ciidamada Somaliland ee jooga Jiida dagaalka ee ay labada ciidan isku hor fadhiyaan ,ayadoo ciidamadaasina dhamaantood loo soo gudbinayo deegaanada dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland gaar ahaan Dugsiyada Tababarada.

 

Shaleyna waxaa wareejiyey Gawaari dagaal oo uu isku soo dhiibey Taliyihii howlgalinta ciidanka Maamulka Daahir Riyaale Kaahin oo lugu magacaabo Col. Cabdi Xasan ,ayadoo ciidamadaasina uu ku wareejiyay Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo labadu shaley tagey Magaalada laascaanood.

 

Ciidamada faraha badan ee ku soo qulqulaya ayagoo ka soo goosanaya maamulka Somaliland ayaa gabi ahaanba waxa ay wal wal iyo walaac ku abuurtay Maamulka gobalada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

 

Saraakiisha ee Puntland ee jooga Laascaanood ayaa gacma furan ku soo dhaweynaya ciidamada ka soo baxaya Maamulka Daahir Riyaale Kaahin ,ayagoo sheegay in ay soo dhaweynayaan walaalahooda ka soo laabanaya Maamulka Hargeysa.

 

Faarax C/qaadir Geylan

 

[ October 13, 2007, 02:44 PM: Message edited by: The Duke ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

WEERARKA LAASCANO GUUL IYO MIDNIMO SOOMALIYEED W.Q. Abdulahi indho

Posted to the MOL October 12, 2007, 2:50 pm

 

Haddii aan dib u milicsano taxanaha taariikhda waxaa inoo muqanaya in dhibataada soomaliya ka soo bilaabatay beelaha degagoboladda punt-land iyo Beesha la baxaday soomali-land. Ugu dembeyntiina ku fiday goboladda koofurta soomaliya.Waxaana dhibatadanmarkay dhacday lagu mashquulay oo culayska la saaray koofurta sidii loo xasilin lahaa xalna loogu heli lahaa.Waxayna ahayd sababtu dhaawaca iyo dhibaatada koofurta oo cusub, indhuhuna si fiican u qabanayeen. Sidoo kale xaruntii maamulka dalka ama magaalo madaxdii dalka oo ahyd xudunta siyaasdda iyo dhaqaalaha oo ka dhisneyd koofurta.Waxayna koofurtu sidaas ku qaaday mudnaatii iyo in xalka dalka marka hore koofur laga raadiyo.

 

Waxaa laga boodey kuwii kaga horeeyey dhibaatada oo mashaakilkuna ka soo abuurmay, una ahaa lafdhabrka.dhibka iyo xalkiisaba, waxaan qabaa in ay habooneyd, in marka hore xalka iyo nabadeyntaba laga soo bilabo kuwii bilaabay dagaalka iyo kala go`a wadanka.Haddii taasi dhici lahaydana waxaan qabaa in aysan nagu qaadateen masaafada iyo waqtiga dheer ee ay nala gooysey.Hadaba marka, maanta la fiiriyo halka ay marayso xaaladda guud ee dalka soomaliya, sida dawalad, ciidan, dhaqaale, iyo dhiiranaanta weerarka Beesha la baxday soomali-land ee ay ku soo qaday maamul goboleedk puntland gobolo iyo degmooyin ka mid ah, kaas oo aan hore u dhicin, weliba waqti laga fili karey Beeshan inuu ka iman karey ficil noocan ah.

 

Waqtiyadaas oo ku beegan xiliyaddii aan Maamulka punt-land dhisnayn sidoo kale aysan jirin nidaam iyo awood dawlad soomaliyeed midna, ayaa in badani waxay la yaaban yihiin wereerka maanta waxa uu salka ku hayo. Waxaase cad in uu leeyahay oo kaliya hal ujeedo taas oo ah isa soo dhiibid cad.Waxaan shaki ku jirin talaabadan dagaal ee Beeshu ku qaaday maamul gobleedka puntland in uu uu yahay toobad keen iyo in Beeshu goàankii ay ku fududaatey saxdo, fahamtayna qaladkii ay gashay, soona qanacday, ogaatayna in aysan shaqeyneyn wixii ay sida fudud u aamineen ahaa laab lakicii ku dhawaaqii gooni baanahay.

 

Waxayse madaxa ka ceshanayaan ciida oo marabaan in ay yiraahdaan waa qaldanay waana ka soo noqonay qaladkii aan galay. Waxaa marka Beesha u muuqata sababtii ay ku soo noqon lahayeen in ay ka dhigaan dagaalka laascaano oo marka dagaalku si fiican u bilowdo ay is dhiibaan.Sidaas darteed ayaan ciwaanka qoraalka uga dhigay weerarka laascaano ee Beesha la baxaday soomaali-land guul soo hoyatay iyo midnimo soomaliyeed.Waxaan taas cadeyn uga dhigayaa haddaan cudurka waalida ah ee ummadda soomaliyeed badideeda ku dhacay Beesha darderin. Dagaalka beeshu qaadi weydey lix iyo tobnkii sano ee somaaliya dagaalku ka socdey dhulkana ku qabsan weydey waxa ay tahay ujeedaddiisu waqtigan.Waxaa kale oo aan aaminsanahay in aan Beeshu inta shirtay go`aan ku guddoonsan in ay weerarto soomali inteeda kale oo xoog iyo dagaal dhul iyo gobolo kaga qaadato maanta.

 

Soomaliya waxaa ka jira dawlad sharci ah, adduunku aqoonsan yahay aqoonsigaas oo Beesha caalami oo Beeshan la baxday soomali-land ka dhigaya una aqoonsan dad ahaan, dhul ahaan iyo dawaladba in ay ka mid tahay soomaliya, sidoo kale waxaa ka jira Punt-land maamul dhisan kuna xiran soomaliweyn iyo dawladda soomaliyeed kaas xag ciidan iyo dhaqaalaba kaga tiro iyo tayaba badan Beesha la baxday soomali-land aysan suuragal ahayn in ay xoog dhulkaga raadsato ama kaga qaadato, soo marka weerarka ay soo qadeen maanta soo macnihiisu mahan isa soo dhiibid cad iyo waana kan. Sidaas darteed ayaan leeyahay Beeshu laascaano ma rabtee hargeysey soo wadaa oo wax bay fahamtey ee aan la fahmno soomliyeey.....

 

Qore, A.Y. jama (indho)abduldjamal@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood: Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo baaq udirey Xukuumada Puntland.

13. oktober 2007

 

 

Laascaanood(AllPuntland)- Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa shir Jaraa'id oo ku qabtey Magaalada laascaanood ,wuxuu kaga hadley xaaladaha ka taagan gobalada Sool,Sanaag iyo Cayn isagoo baaqna udiray Xukuumada dowlad gobaleedka Puntland.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa Shirkaan Jaraa'id wuxuu kaga hadlayey waxyaabaha Dastuurka Puntland ka qabo deegaanada Puntland ee lugu soo xadgudbey,isagoo ugu baaqey Xukuumada Madaxweyne Cade Muuse in ay dastuurka Puntland fuliso oo ku dhaqaaqdo Qorshahaasi.

 

Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in dhulka laga heysto Puntland ,dastuurku qabo in ay xoog ku qabsato isla markaana la wareegto dhamaanba deegaanada laga heysto ,isagoo gudoomiyuhu sheegay in dhulku dhan 150KM ayna muhiim tahay in cadowga laga kiciyo waa sida hadal udhigaye.

 

Gudoomiyaha golaha Wakiilada Puntland ayaa sidoo kale soo hadal qaadey shirkii ay yeesheen Gudiga Joogtada ah ee golaha baarlamaanka Puntland kaasoo ka dhacay Magaalada Laascaanood.

 

Gudoomiye Axmed Cali Xaashi wuxuu Maamulka gobalada Waqooyi ee Galbeed ee Soomaaliya ugu baaqey in ay deg deg ugala baxaan ciidamada ay keeneen dhulka Puntland ayna muhiim tahay in la dhowro wada Dhalashada Umada Soomaaliyeed.

 

"Xukuumada Puntland xisaabtan xoogan ayaa lalagalayaa ,waxa ayna fulineysaa Sharciga wuxuu waafaqsan yahay mana fileyno in aysan sharciga ku dhaqmin loogamana Baran" Ayuu yiri Axmed Cali Xaashi.

 

Hadalka gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ku soo beegmay xili Jiidaha dagaalka ay ka socdaan ilaa shalay dhaqdhaqaaqyadii ugu danbeeyey oo ku aadan dhoola tusyo Milateri.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: "Daahir Riyaale wuxuu doonayaa Dagaal gardaro ah Puntland wey iska difaaceysaa" Xasan Daahir Maxamuud.

 

13. oktober 2007

 

Garoowe(AllPuntland)- Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna Kusimaha Xilka Madaxweynaha Xasan Daahir Maxamuud oo kumanaan dad ah la hadlayey ayaa soo hadal qaadey arimaha gobalada Sool,Sanaag iyo Cayn ee dowlad gobaleedka Puntland iyo dagaal Daahir Riyaale Kaahin.

 

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa ku eedeeyey Maamulka gobalada Waqooyi galbeed in ay doonayaan in ay Soomaaliya soo galiyaan kooxihii Asmara isla markaana ay dagaalada gobalka Sool ay gadaal ka soo riixayso Xukuumada Asmara ,balse Xasan Daahir wuxuu sheegay in ay Puntland difaaceyso Jiritaankeeda iyo Midnimada Umada Soomaaliyeed oo aysan ogolaan doonin in ay Soomaaliya kooxahaasi lasoo galiyo.

 

Xasan Daahir wuxuu kaloo ku eedeeyey Daahir Riyaale Kaahin in uudoonayo in ay burburto dowlada Soomaaliya ,isagoo sheegay in dadka ku haminaya dowlada Soomaaliya ayaa dhaceyso tahay mid aan suurtagal aheyn.

 

Madaxweyne Xasan Daahir wuxuu shaaca ka qaadey una sheegay Kumanaan dadka Caasumada Puntland ah in ay Jiidaha dagaalka joogaan tababarayaal udhashay Xukuumada Asmara doonaya in ay tababar siiyaan kooxo ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya oo ku sugan xerooyin tababar oo kutaala gobalka Togdheer.

 

Puntland ayaa sheegtay in wax laga xumaado tahay in dagaalo waqtigan laga huriyo deegaanada Sool,Sanaag iyo Cayn ayadoo wacad ku martey Puntland in ay difaaceyso Jiritaankeeda iyo Midnimadeeda.

 

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud ahna ku simaha madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmay xili gobalka Sool deegaano ka mid ah isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaadka Somaliland.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

These false reports never end. They talk about defacting troops yet they never manage to provide any visual aide i.e pics..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Gediid:

Duke sxb ana in soo goostaan raba, can u tell me how I can go about doing that?

Ado qeed yar oo cad dhexda ku xiran yahay oo buluugo kur ulalaysid magaalada laas canood galbeed ka soo gal. Halka baa waxa kugu sugaaya Duke iyo booyad sida biyo la yiraahdo "Somali Holy Water" that's used to hose down all former Pro-Somaliland people so they could be cleansed of secessionist tendencies.

 

P.S. This won't work on Jacaylbaro though. He will have to be re-baptized with fire.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

^^^^Waar ninyahow afminshaar baan ku moodi jirey...Biyo kulaha waar Las Canood biyo ku filan malahee taas maskaxda ka sar unless aad Shabella iyo Juba 1000 km kor u soo jeexdid.Anyways ninka Gediid intaas kuma filna ka waran 500 oo geel ah iyo laba xuural cayn ah oo ninka Gediid Somalia Somalia ha noolato ka yeersiiyaa...... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

These news are not false. Its just like Dhahar, you will make false claims, and act big. Then when the heat comes up. You will hide for a few days waiting for the BBC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this