Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: face lift continues

Recommended Posts

Muqdisho: Guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir oo dhagaxii ugu horeeyay dhigay dhismaha MCH cusub

23. August 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada Md. Maxamed Cusmaan Dhagax Tuur ayaa maanta dhagixii ugu horeeyay dhigay dhismaha xarun lagu daryeelo hooyada iyo dhalaanka (MCH) oo ku taal degmada Dharkinleey ee Gobolka Banaadir.

 

Munaasabada dhagax dhigan oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka tirsan agaasimayaasha waaxyaha maamulka G/Banaadir oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Waaxda dabagalka canshuuraha Aamino Muuse Cadde, Agaasimaha warfaafinta ahna afhayeenka Gobolka Maxamed Muxiyaddiin Cali, Guddoomiyaha degmada Dharkeenley Xaaji Cabdullaahi Cali Hilowle iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay dadweyne aad u fara badan.

 

Md. Dhagax Tuur oo ka hadlayey fagaarihii dhagax dhigaas ayaa sheegay in dhismaha MCH-kan uu hirgelinayo maamulka G/Banaadir, ujeedada ka danbeysana ay tahay in Gobolku arko Hooyo iyo Dhalaan ka fiyoow cudurada, oo hela dawooyin lacag la’aan ah, wuxuuna intaas raaciyay in 16-ka degmo ee G/Banaadir uu gobolka go’aansaday in degmadii aan laheyn MCH loo dhiso.

 

Guddoomiyaha degmada Dharkeenley oo isagana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadweynaha Dharkeenley ay farxad u tahay dhismaha MCH-kan oo uu sheegay inuu noqon doono kii ugu horeeyay ee laga hirgeliyo deegaankaas.

 

Guddoomiye ku xigeenka iyo madaxda la socotay waxay kaloo soo kormeereen dhismaha Kawaanki iyo balanbaladi hore ee suuqii Dharkeenley, taas oo Guddoomiye ku xigeenku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan leh loo dayactiri doono si dadka deegaankaas ku nool ay ugu baxaan dhibaatada xaga suuq la’aanta ah ee heysata.

 

Md. Dhagax Tuur wuxuu isla maanta sidoo kale kormeer ku tegay xarunta Hooya iyo dhalaanka ee degmada Wadajir halkaasoo uu warbixin kaga dhageystay Safiyo Maxamuud Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiinta MCH-kaas, taasoo sheegtay in maamulka G/Banaadir ay ka codsaneyso iney gacan ka geystaan baahida qalab, dayactir iyo adeeg ee MCH-kaas u baahan yahay, wuxuuna Guddoomiye kuxigeenku u balan qaaday in inta karaankiisa ah uu Gobolka Banaadir xooga saari doono wax u qabashada hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed.

 

Mudada uu socday kormeerka Guddoomiye ku xigeenka uu ku marayey degmada Wadajir wuxuu kaloo soo booqday saldhiga Booliska ee degmadaasi, isagoo warbixin kaga dhageystay Taliyaha saldhigaas Dhamme Aadan Maxamed Yuusuf (Aadan Boolis), wuxuuna Guddoomiye ku xigeenku ku booriyay booliskaas iney xooga saaraan adkeynta nabadgelyada degmada Wadajir, isagoo intaa raaciyay in maamulka gobolku gacan ka geysan doono baahida ciidamada Booliska ee saldhigaas

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Gobolka Banaaadir sheegay in la furay suuqii weynaa ee Bacadlaha degmada Xamar weyne

 

Mogadisho, Khamiis , August 23 2007 SMC

 

Qoraal ka soo baxay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaaadir Max’ed Cumar Xabeeb (M.dheere) ayaa wareegto uu soo saaray lagu sheegay in albaabada loo ballaqay suuqii weynaa ee Bacadlaha degmada Xamar weyne.

 

Sidoo kale waregto kale oo iyane ka soo baxday isla xafiiska duqa magaa alda muqdisho ayaa lagu amray milkiilayaasha gaadiidka dadka qaada ee pl ka oo u kala baxa 3 qeybood

 

1- B-L ka xamar

 

2- - Gaadiidka gobolada

 

3- Tagsiyada

 

 

 

 

 

Waxaa la farayaa in ay isla diiwaan geliyaan xafiiska iskaashatada gaadiidka gobolka banadir eek u yaala ka soo horjeedka Ex – fiyoore laga bilaabo 23 -08-07 kuna eg 07-09-2007.

 

Waxaa kale oo la farayaa gaadiidka gobolka banadir iyo kuwa gobolada u baxa in ay degaan boostejooyinka barxada shineemo hodan iyo ka so horjeedka isgoyska fagax ee xerada kaluunka .

 

Waxaa sidoo kale la farayaa ciidanka joogo koontroolada xamar babuurkii aan wadan warqada fasaxa iskaashatooyinka ,in lagu ganaaxo sh: so: 1.500.000 (halmalyan iyo shanboqol oo kun ).

 

Cidii u hogaansami weyda waxaa lagu ganaaxayaa sh: so: 3.000.000 sadax milayan waxaana loo aqoonsanayaa cid kazoo horjeedo awamiirta ay bixiso dowladu wada shaqeyn wacacan

 

Wareegtadaan ayaa waxaa ku saxiixnaa gudoomiyaha gobolka banadir ahna duqa magaalad amuqdisho Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Maamulka G/Banaadir oo shaaca ka qaaday in maanta ay bilaabatay howlgelinta waaxaha, laamaha iyo tabeelayaasha

 

23. August 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 23/08/2007 in si rasmi ah loo howlgeliyay dhamaan maamulka waaxaha, laamaha iyo tabeelayaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Waxaa kaloo howlgalkan qeyb ka ah dhamaan shaqaalaha nadaafada Gobolka Banaadir, iyadoo Guddoomiyeyaasha degmooyinkana la faray in ay kormeer joogto ah ku sameeyaan maamuladaas iyo shaqaalaha nadaafada G/Banaadir, sidoo kale waxaa la faray iney warbixin joogto ah ka keenaan wixii ku soo kordha si looga mira dhaliyo arimahaas.

 

Madaxda waaxaha, laamaha iyo tabeelayaasha degmooyinka iyo shaqaalaha nadaafada Gobolka Banaadir waxaa iyagana la faray iney guda galaan gudashada waajibaadka loo xil saaray.

 

Sidoo kale Taliyeyaasha saldhigyada Booliska G/Banaadir laga bilaabo 23-08-2007 ayaa la faray in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada degmooyinka, waaxyaha, laamaha, tabeelayaasha iyo shaqaalaha nadaafada G/Banaadir, iyadoo booliska loo xilsaaray nabadgelyada maamulkaas iyo shaqaalaha howsha ku jira.

 

Taliyaha qeybta guud ee Booliska G/Banaadir waxaa lagu wargeliyay isagana inuu saldhigyadaas ku kormeero howlaha ay u xil saaran yihiin si nabadgelyada G/Banaadir loo xaqiijiyo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this