Xaaji Xunjuf Posted December 8, 2008 :: Al-shabaab oo ku soo fool leh magaalada Gaalkacyo iyo Puntland. Warkii 07-Dec-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk Gaalkacyo-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in ay jirto cabsi weyn oo la soo deristay dadka ku nool magaaladaas,iyadoo la isla dhexmarayo warar sheegaya inuu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan taageerayaasha ururka Alshabaab kadib qabshadii guud ahaan gobolka Galgaduud. Ururka Islaamiga ah ee Al-shabaab ayaa wada weeraro ay kula wareegayaan gebi ahaanba Soomaaliya,iyagoo hada gacanta kuy haya gobolada Jubada hoose,Jubada Dhexe,Gedo,Bakool,Bay(oon Baydhabo ku jirin),Banaadir badankeeda,Shabeelada Hoose,Shabeelada Dhexe,Hiiraan,Galgaduud,iyo weliba qaybo ka mid ah gobolka Mudug,waxayna hada kaabiga u saaran yihiin magaalada Gaalkayo oo ku taala cirifka ugu shisheeya ee maamulkaas. Magaaladaas ayaa xoogaga maxaakiimtu isku dayeen inay la wareegaan wakhtigii hore ee maxaakiimtu qabsadeen Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya badankeeda,taasoo keentay inay ka soo gaadhaan ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo degay gegida diyaaradaha ee Gaalkacyo,waxaanse markan la hubin inay ciidamo Itoobiyaan ahi ka soo gaadhi doonaan iyo in kale,iyadoo ay yar tahay awooda ciidan oo ka jirta Soomaaliya oo hor istaagi kara xoogaga Alshabaab. Magaalada Gaalkacyo ayaa dadku hadal hayaan sida ay noqon doonto xaaladu hadii xoogagaas islaamiyiinta ahi soo gaadhaan magaalada,iyo in maamulka Puntland difaaci karo magaalada,iyo guud ahaanba Puntland. Waxaa ilaa maanta laga dareemayaa sidoo kale is urursi ay samaynayaan ciidamada Puntland,iyadoo la arkayo tikniko la diyaarinayo,iyadoo ay jirto feejignaan weyn oo shacabku muujinayaan. Xoogaga islaamiyiinta Al-Shabaab ayaa waxa ka go'an inay la wareegaan awooda Soomaaliya oo dhan,oo ay ku jiraan maamulada Somaliland iyo Puntland. Waxaa dhowaan qaraxyo lala beegsaday hay'daha dawlada iyo xafiisyada Itoobiya ka dhaceen magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa,waxaana maamuladaasi ku eedeeyeen ururka Al-Shabaab inay ka danbeeyeen qaraxyadaas. Ha fogaan wararkii ugu danbeeyey ee deegaanka iyo isbedela ka dici kara. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted December 8, 2008 Waa lays hayaa miyaa sheekadu? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 8, 2008 xallaadu wa bariga dhexe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted December 8, 2008 Xaaji Xayraanow, adu xadhkihii lagu xiri lahaa xusulada aad ku sita, xarkahaga sii sooho aa lagu dhahay inta ay xafadeena hargayso ka soo qoraansan doonto. Xasankoo aa shalay u ducaynaasay aa xuska xaafadiina ka gadaaleya kuugu jira is dhowr ninyahow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 8, 2008 war hee dhe alshababku gabayga ma ogalla wa shriki min hadik mamnuuc. all somali culture lama ogalla ciyaar somali lama ogalla. laakin waa so socda nimanki Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted December 8, 2008 Nimanku niman kaftamaya maahan adna waad u ducayne bal ka waran? Redka adeerkii aa ku jira aa la dhahay laakiin adi wax kuu gala ma'aanan garan. Xajiyow, bal aan ku xasuusiyee nimankani inta ayna meesha isku qarxin dee gabartii aad jeclayd ee abtigeen kuugu maqnaa mesha kala soo bood ninyow. Sida kale, waxaygu gabay ma aha ee ciid wanagsan, duqa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted December 8, 2008 They will easily capture GalMudug , I have my doubts about Puntland - considering the enormous support they have in the former. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 8, 2008 I hear the same news in 2006 and they didn't even come to Galkayo ,,,, from there they will be chased but the question is: BY WHO THIS TIME ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted December 8, 2008 Waxani waa laab-la-kac aan natiija waarta keeni doonin ee maa laga joogo! Hadda maxaa Gaalkacyo yaalla oo weerar loogu qaadayaa? Maxaa keenay in ONLFta weerar iyaguna lagu qaado? Waa maxay istiritaajiyadda ka dambeysa waran-fudaydkani? Things just don't add up; Al-Shabaab leadership must not repeat the same mistake the UIC has made! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 8, 2008 Even during the ICU time, it was alshabaab that was leadeing the military part. It is them repeating the same mistake again. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted December 8, 2008 ^JB, haaheey. Habeen walba halkii lagu riyoodo weerar laguma qaado wallee, or else caga-gubyaa lala kulmayaa lol. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ms DD Posted December 8, 2008 In ummadda diinta lagu adkeeyo weeye dee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted December 8, 2008 Warka ha la xaqiijiyo horta. Ninkii cumaamad cas, gadh dheer iyo qori wataabe ileen Alshabaab maahee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 9, 2008 No but this time who is going to stop them uncle sam More Ethiopian troops i dont think so. 2006 wala karbaashay because way hanjabbeen and they attacked baydhabo laakin imika all of the south iyaka gacanta ku haya cabdilahi yusuf inkaarqabe him self said wax dawladii kama jirto somaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted December 9, 2008 ^lool somaliland ma iska celin kartaa alshabab ayaad umalayn? Quote Share this post Link to post Share on other sites