Sign in to follow this  
Liibaan

Ujeedada dhabta ah ee ka danbaysay booqashadii ee xubnaha baarlamaanka Kenya

Recommended Posts

Liibaan   

Ujeedada dhabta ah ee ka danbaysay booqashadii Hargeysa ee xubnaha baarlamaanka Kenya

 

 

Dec 24, 2006 By:Fu`aad Abdiqani Mohamed

USA(Jidbaale.com):-Todobaadkan waxaa magaalada hargeysa ka soo degay wafti ka kooban dhawr xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Kenya oo uu hogaaminayay ninka lagu magacaabo Pual Kaga

 

Weftigan oo lagu sheegay in ujeedada socdaalkoodu ahayd inay u kuur galaan xaalada dhabta ah ee ka jirta maamulka Somaliland si ay uga caawiyaan in ay helaan aqoonsi ayaa waxaa soo baxaya warar ka gedisan kuwa war baahintu qortay ama laga sheegay oo qaarkood sheegayaan in weftigu u yimi Hargeysa in xidhiidhka dawlada Kenya iyo ka Somaliland ay hagaajiyaan si ay ugu sahlanaato in ay Somaliland quluubtooda hantaan uguna qanciyaan inay wax la qabsadaan dawladii ay Kenya gogosheeda dhigtay hadana ka shaqaynaysa wadanka gudihiisa.

 

 

Isla todobaadkan waxaa dalka kenya booqasho rasmi ah ku tegay madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan daahir Af-qudhac oo ay safarkiisa ka danbaysay casuumad uu ka helay dhinaca Kenya iyo ha`aydaha qaramada midoobay. Waxaa kaloo tusaale cad u noqonaya dadaalka kenya ku raadinayso inay dawlada ku meel gaadhka ah ee Somaliya ka hanaqaado dhamaan geyiga Soomaaliyeed ergooyinkii ay galaa bixiyeen Muqdisho iyadoo ay Maxkamadaha Islaamka ee Muqdisho mar walba ku adkaynayeen inay heshiis la galaan DKMS.

 

 

Weftigu waxay golayaasha Somaliand iyo hogaamiyahoodaba u balanqaadeen inay kala shaqaynayaan aqoonsiga oo aan odhan karo wuxuu noqday furaha keliya ee lagu furankaro maanka reer Somaliland. Iyadoo beryahan denbe la yidhaahdo hadii aad rabto inaad caleen shaah madaw ah ka iibiso reer Somaliland u sheeg in hadii ay iibsadaan aqoonsigii daba socdo, waxaa arintaa markhaati u ah dhacdadii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Jabuuti mar ay halkaasi ka degeen wefti reer Somaliland ah ayaa waaxda socdaalka ee jabuuti waydiiyeen inay haystaan warqadihii aqoonsiga oo ay ula jeedeen dalkugalka (Passport) weftigiina ku jawaabay "Aqoonsigu waa waxaanu u socono hadaanu aqoonsi haysano halkan maba nimaadneen," arintaasoo ku noqotay amakaag iyo yaab madaxii laanta socdaalka ee madaarka Jabuuti, taasoo ay qaadatay wakhti dheer in loo sharaxo weftiga aqoonsigu maaha kii dawladnimo ee waa warqadihiina aad ku safraysaan.

 

Waxaa iyana jira dareen xoogan oo isa soo taraya oo ay qabaan dadka reer Somaliland oo ay ku doodayaan hadii wakiilkii jabuuti maalin walba sidii tahriibe la qabtay la soo masaafurinayo waa maxay faa`iidada aynu ka helayno wakiilkal Nairobi iyadoo Kenya aynaan lahayd wax xuduud ah ama xidhiidh ganacsi ah, waxayna wax laga xumaado ku tilmaameen sida xilkasnimo darada ah ee loogu muujiyay cawrooynka Somaliland.

 

Marka la isku soo xooriyo dhacdooyinka taariikheed ee soo maray Somaliland ayaa la odhankaraa waxaa la gaadhay wakhtigii ay ka hoos bixi lahaayeen maaweelada siyaasiyiinta danahooda gaarka ugu macneeya aqoonsigii oo wax yar soo jira. Kuwaasoo ka faa`iidaystay caadifadii xooga badnayd ee majaraha u haysay masiir ka talina iyo aayaha reer Somailand.

 

Qore: Fu`aad Abdiqani Mohamed

USA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this