Sign in to follow this  
Meiji

The Tide Turns: Islamist positions retaken

Recommended Posts

Meiji   

Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya oo dagaal xoogan kula jira maanta kooxaha Mucaaradka ayaa waxaa u suuragashay in ay la wareegaan saldhiga Degmada Wardhiigleey.

 

Saldhiga ayaa waxaa kusugnaa Kooxda Xisbul Islam, waxaana dagaalka lagu qaaday uu sababay in halkaasi ay isaga cararaan kadibna ay Ciidamada dowladda la wareegaan.

 

Ciidamada dowladda ayaa lagu arkayaa saldhiga iyaga oo halkaasi gawaarida dagaalka kula wareegaya, waxaana weli la maqlayaa daryanka madaafiicda la isku adeegsanayo.

 

Horey ayay u galeen Suuqa Bakaaraha inkastoo laga soo saaray lakin saldhiga ayaanan la ogeyn iyana in ay sii heysan doonaan iyo in ay isaga bixi doonaan inkastoo sida muuqata halkaasi ay keensadeen Ciidamada dowladda Gawaarida dagaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Alshabaab iyo Xisbul Islam oo suuq Bacaad lagala wareegay.

 

Wararka hadeer inaga soo gaaray deegaannada dagaalka ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab iyo Xisbul Islam oo kusugnaa Suuq Bacaaad ay halkaasi isaga baxeen.

 

Ciidamada Dowladda ayaa la wareegay Xarunta Suuq Bacaad gaar ahaan Laanta Horseed, waxaana ay u ruqaansadeen kooxaha dagaalamaya dhanka Isbartiibada iyo Towfiiq.

 

Mid kamid ah dadka deegaanka Suuq Bacaad ayaa u sheegay shabakadda wararka ee Mareeg in dagaalka oo socday muddo kooban ay isaga baxeen Alshabaab iyo Xisbul Islam Laanta Horseed iyo Guud ahaan Suuq bacaad iyaga oo u dhaqaaqay dhanka Towfiiq.

 

Ciidamada dowladda oo saakay car car xoogan ay ka muuqato ayaanan la ogeyn halka sal dhigan doonaan lakin wararka ayaa sheegaya wadada wadnaha marka ay ka gudbaan in ay u wareegi doonaan Wadada 30-ka illaa wadada Warshadaha.

 

Dagaalka ayaa weli ah mid Muqdisho kasoconaya iyadoo khasaaraha dadka rayidka uu sii kordhayo maadaama aanna la ogeyn labada dhinac ee kala tirada ka kala waxyeelowday maadaama ay xaalad dagaal kujiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Ciidamada Dowlada oo la wareeegya gacan ku heenta maxkamdaha Xarayaale iyo dagaalka oo wali ka socda Isgooyska Bukaaraha iyo KBB

 

Ciidan uu wato gudoomiya ku xigeenka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan la wareegay Saldhiga Wardhiiglay iyo Maxkamada Xararyaale iyadoona Cabdi fataax shaaway oo halkaa jooga wax yar ka hor kula xariinyau qadka taleefanka u noo xaqiijiyey heesashada goobta maxkamada Xararyaale oo horey u joogeen ciidamada Xisbul Islaami.

 

 

Mar aan qadka taleefanka kula hadlaayeyGudoomiye kuxigeenka waxaa dhagaheyga maqlayeen dhaqa rasaasta ka dhacda qoriga Dabamiisharka waxaana uu masuulkaa u ekaa nin dagaal galinaayey ciidan waxuuna ii sheegay in xabada looga soo ridooyo saraha If iyo Aqira

 

Dagaalka oo xiligaan u muuqda madba in koox la buuranaayo taa oo lagu macneeyye rasaasta oo markay gaaabsi ka noqta faarujinaayo goobta ayaa marba marka ka danbeysa sii xooogeysanaayo waxaase wali dagaalka xoogiisa uu ka socdaa isgooska Bukaaraha iyo KBB ,

 

Dhulka waxaa waran meyda u badan rayid waxaana la dhihi karaa waa dagaalkii ugu dhimashada badnaa maal mahaan iyadoona sida muuqata labada koox xiligaan isku daleen koox waliba ay ka joogta xabad Alloow naga qabooji madaama aysan suura gal aheen in koox la wareegta dhamaan magaalada Muqdisho oo iyadu ah sixir loo soo diray shacabka Soomaaliyeed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Ciidamada Dowladda oo dib u qabsaday goobihii saaka laga soo ceyriyay iyo dagaalka oo kaabiga ku haaya Suuqa Bakaaraha

 

Dagaalo saf ballaaran ayaa ka socda Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoona dagaalka uu iminka kaabiga ku haayo Suuqa Bakaaraha, waxaana goor dhow dib u soo laba kacleeyay Ciidamadii Dowladda oo waabarigii saaka ku kalahay goobahaas, balse markii dambe dib loo soo caabiyay.

 

 

 

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay qabsadeen goobihii markii hore ee saaka ay tageen, sida Isgoyska Aadan Cadde, H/wadaag, Isgoyska Bakaaraha iyo Folorensa, waxaana dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdaa dhinaca Isgoyska Bakaaraha.

 

 

 

Wariye ku sugan Degmada H/wadaag ayaa xaqiijisay in Ciidamada Dowladda ay dib u soo rogaal celiyeen, iyadoona sheegtay in dagaalka uu iminka afka ku haayo gudaha Suuqa Bakaaraha.

 

 

 

Ciidamada Dowladda ayaa saaka galay Suuqa Bakaaraha, inkastoo dib looga soo caabiyay, waxaana xaalada ay u muuqataa mid mar in qolo meel loo riixayo, iyadoona aan ilaa iyo hada la saadaalin Karin halka uu xaal ku dambeyn doono.

 

 

 

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Dowladda ay la wareegeen Saldhiga Degmada Wardhiigley, waxaana dagaalka uu yahay mid aad u xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan si weyn loo maqlayo.

 

 

 

Dhinaca kale Ciidamada Dowladda ayaa guulo ka gaaray dagaal isna ka socda dhinaca waqooyi ee Magaalada sida Degmada Yaaqshiid, iyadoona la wareegay Laanta Horseed, Suuq Bacaad ilaa Hotelkii Towfiiq ee Jidka Sodonka.

 

 

 

Wararka dagaalka oo ah mid marba marka ka dambeysa isa soo taraya ayaa waxaa la dareemayaa xiisado xoogan oo aad ay cirka isugu shareertay, kadib markii saaka Ciidamada Dowladda ay qaadeen duulaan qorsheysan.

 

 

 

Wixii warar daqiiqad kasta kala soco Jowhar.com isha koowaad ee wararka dhabta ah.

 

 

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Ciidamada Dowlada oo mar kale dib u soo rogaal celiya iyo goobaha saxda ah ay kala joogaan labada ciidan

 

Dagaal faraha looga gubtay ayaa wali ka socda Muqdisho kaa oo u dhaxeeyo xoogaga isbiirsaday ee ka soo horjeeda Dowlada islaamiga Soomaaliya

 

Goobaha oo aan la xariinay waxaa si dhab ah loo kala joog labada ciidan iyadoona Isgoosyada jidka wadanaha ay yihiin kuwa aan cidana heysan oo yool ah oo xabada ay isku dhaaf dhafeysa sidii roobka oo kale

 

 

Ciidanka Dowlada ayaa waxay joogaan goobahaan Isgoosyka Bukaaraha waxay ka joogaan Gurigii Faarxa Cabdu Garam garm oo oo u dhow Suuqa kuna yaalo deegaanka Ceel garweyne waaana meel aan sidaa uga fogeyn isgooska Bukaaraha halka ciidanka kale ee ka soo horjeeda dowlada ay joogaan Dhanka kale ee laamiga ee u dhow Cirtogte

 

Isgooyska howlwadaag wxaa dib ugu soo rogaal celiyey ciidanka dowlada kuwaa oo markii horre la baacsaday waxaana hada isgoosku uu yahay mid foorinaayo oo xabada ka socota labada ciidana ay kala joogaan labada dhinac .

 

Dhanka Wardhiigalay waxaa wali heysta ciidanka Dowlada waxeyna joogaan Dugsiga Maxuud Xarbi ilaa maxkmada Xararyaale halka dhanka Tarbuunka ay joogaan ciidanka dowlada uu horkacaayo taliya ciidanka Balooska Cabdi caawale qeybdiid

 

Dagaalka ayaa moodaa in ciidanka dowlada oo la baacsan jiray xiligaan u muuqdaan kuwa awood aan la ogen la soo baxay taa oo lagu macneyey in ay jihaad ku jiraan ayna difayaan dowlad islaamka ah wali amarkana amarkiisa la fuliyaa jano lagu galayaa

 

Dagaalada maanta ayaa xiligaan u muuqda in ay xoogaa horomar ah ay ka gaareen ciidanka dowlada kuwaa oo markii ugu danbeysay kala joogay isgoosyada Dabka iyo Sayidka xiligaana waxay joogaan meel u dhow Bukaaraha

 

 

 

 

dayniilecom@hotmail. com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Alshabab-Xisbi Islam ''victories'' during the first 2 days of the war was apparently just a hype.

 

Many ICU men switched and gave up Mogadishu Stadium and Tarabunka without a fight, since that betrayal the religious pretenders were shouting ''We have 97% of Mogadishu under control and will conquer remaining 3%'' but after 2 weeks they are still in the few spots they took because of the betrayal.

 

Lets see how they'll perform in the coming weeks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

War Deg Deg ah:Dagaal Qaraar oo Xooga kaho ka Biloowday Magaalada Muqdisho iyo Dhawaqa Madafiicda oo aad looga Maglada Intaba Badan Magaalada Muqdisho

 

Dagaal qaraar ayaa Waabarigii saakay ka Biloowday Magaalada Muqdisho Dagaalkaas oo kawada dhaxeeya Xoogaga Al Shabaab iyo xisbul Islaam oo Dhinac ah iyo Dowladda KMG Soomaaliya oo dhinac kala ah , Dagaalkas ayaa Biloowday Saacadda Markay aheed 5:25 Daqiiqo Xiligii Salaadd Subax lagu Jiray .

 

Dagaalkaas ayaa ah mid ay soo Qaaday Saakay Waabarigii Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayna ku soo qaaday Fariisimadii Ciidamada Dowladda Kasoo Horjeeday ee ah Xoogaga al shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ee Waayahaan Fadhiyay Jidka Wadnaha Sida Isgooska Bakaaraha iyo Isgooska H/Wadaag iyo Xararyaale .

Wali Lama Hayo Qasaraha Dhabta ah ee ka dhashay Dagaalka Saakay Wabarigii ka Biloowday Magaalada Muqdisho Laakin wararku wuxay sheegayaan in Dagaalku yahay Mid Aad u xoogan oo Dhinackasta ay kasoo weerar tageen Dowladda KMG ah ee Soomaaliya .

 

Wixii warar ah ee kasoo Baxa Kala Soco Shabkadda Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

War Deg Deh Ah :Jidka Wadnaha oo ay lawareegeen Dowladda KMG ah Soomaaliya iyo Dagaalkii oo Hadda ka Socda Gudaha Suuqa Bakaaraha iyo Dowladda KMG ah oo Rabta in ay Maanta Lawareegto Magaalada Muqdisho

 

Dagaal Xoogan ayaa salaadii subax kadib waxaa uu ka bilawday Agagaarka Isgoyska Bakaaraha kaas oo la sheegay in uu yimid kadib markii halkaas ay weerar ku soo qaaden ciidamada DKMG ah waaxaana goobta horay ugu sugnaa Xoogagga ka soo horjeeda Dawladda oo ah xoogaga Al Shabaab iyo Xisbul Islaamka .

 

Warararka ayaa sheegayaan in Isgoysyada Hawlwadaag Aadan Cadde iyo Bakaaraha ay la wareegeen ciidamada DKMG kuwaasi oo hadda u sii socda dhanka Jidka Sodonka oo ay rabto Dowladda KMG ah Soomaaliya in ay dhamaan la wareegto Inta badan Magaalada Muqdisho.

 

Dagaalka Xoogiisa ah ayaa hadda ka Socda Gudaha Suuqa Bakaaraha iyo Hareeraha Isgoysyada Hawlwadaag iyo Kan Bakaaraha , Walina Lama Hayo Qasaaraha Dhabta ah ee Soo gaaray Labada Dhinac ee Dagaalka ka dhaxeeya iyo Shacabkii Saakay ku soo Baraarugay Dagaal aad u Xoogan oo aysan Ka warqabin oo ay soo Qaaday Dowladda KMG ah ee Soomaaliya .

 

Sidoo kale Jidadkii ugu waa wayn ee Magaalada Muqdisho Sida Jidka Wadnaha iyo Jidka Sodonka iyo Waliba Jidka Warshadaha ayaa Horay waxaa u jogay Xoogaga kasoo Horjeeda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee Al Shabaab iyo Xisbul Islaam laakin Sakay ayaaa Waxaa jidka Wadnaha lagu arkayay Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaalida Sida Isgoysyada Hawlwadaag Aadan Cadde iyo Bakaaraha Ilaa Xararyaale iyo waliba Siinaay .

Dhanka kale Waxaa isku Daynay in aan La xareerno Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Waxayna sheegayaan in ay Guulo Gaaren inkastoo uu kuu Faah faahinayn Guusha ee garayn in uu sheego iyo Sidii Ay u soo qaadayn Dagaalkii Saakay ahaa Mid Qorshaysan.

 

Qasaaraha Dhabta ah lama sheegin Wali Inkastoo wararku sheegayan in ay ku dhaawacmayn dagaalkaas 8 Ruux oo rayid ah oo Guryahooda ugu Tagay Madaafiicdii ay isku weedaarsanayeen Laba Dhinac ee Kala ah Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Xoogaga kasoo Horjeeda ah .

 

Wixii warar ah ee ku soo Kordha Dagaalkaan kala soco Shabakadda Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Ciiidamada Dowlada oo la wareegtay intabadan Jidka wadanaha iyo xabada oo xoogeeda ka socota Afrikaan Fileej

 

Dagaal oo la qiyaasi karin xoowliga uu ku socda ayaa ka dhacay maanta intabdan magaalada Muqdisho kaa oo u dhaxeeyo xoogaga Isbaheystay ee Alsbashaab iyo Xisbul Islaami iyadoona sida muuqata dowlada ay maanta la soo baxday fir fircoono aysan waligeed ;la heyn.

Ciidanka dowlada ayaa dhamaan kacta ku haayo jidka wadnaha sida Isgooska Xararayaale,Jid***** **** ,Isgooyska howladaag iy Kan Kaasabal balaare oo dhamaantood gacnta ku hayeen xoogaga Isabheystay ee Mucaarka waxaana la a dhihi karaa waaa dagaalkii ugu xumaa ee ka dhaca Muqdisho oo siweyn looga awood roonaaday xooagaga Isabheystay ee mucaarkada Dowlada islaamiga Soomaaliyeed

Dagaalka oo wali xoowli ku socda ayaan la ogeen guusha cida ku danbeen doonta waana dagaalkii ugu xumaa ee ka dhacaa Muqdisho inta laga warhaayo

Xiliga Muqdishio oo ah hada 8 aroornimo ayaa waxaa la maqlayaa dhawaqa raasaasta iyadoona sida muuqata asaasta ad uga durugtay dhanka Madaxtooyada oo maal mahaan kaabiga lagu haayey

 

Dagaalka maanta ayaa waxxaa ka qeyb qadanayo ciidamada Yuusuf Indhacada oo dhawaan la midoobay dowlada midnimada qaran

 

La soco dayniile com xili walbaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Originally posted by Dabshid:

Don't celebrate too early...

This is not a celebration, it is called: providing information sxb.

 

The roll-back of the religious pretenders has started.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Ciidamada Dowlada oo la wareeegya gacan ku heenta maxkamdaha Xarayaale iyo dagaalka oo wali ka socda Isgooyska Bukaaraha iyo KBB

 

Ciidan uu wato gudoomiya ku xigeenka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan la wareegay Saldhiga Wardhiiglay iyo Maxkamada Xararyaale iyadoona Cabdi fataax shaaway oo halkaa jooga wax yar ka hor kula xariinyau qadka taleefanka u noo xaqiijiyey heesashada goobta maxkamada Xararyaale oo horey u joogeen ciidamada Xisbul Islaami.

Mar aan qadka taleefanka kula hadlaayeyGudoomiye kuxigeenka waxaa dhagaheyga maqlayeen dhaqa rasaasta ka dhacda qoriga Dabamiisharka waxaana uu masuulkaa u ekaa nin dagaal galinaayey ciidan waxuuna ii sheegay in xabada looga soo ridooyo saraha If iyo Aqira

Dagaalka oo xiligaan u muuqda madba in koox la buuranaayo taa oo lagu macneeyye rasaasta oo markay gaaabsi ka noqta faarujinaayo goobta ayaa marba marka ka danbeysa sii xooogeysanaayo waxaase wali dagaalka xoogiisa uu ka socdaa isgooska Bukaaraha iyo KBB ,

 

Dhulka waxaa waran meyda u badan rayid waxaana la dhihi karaa waa dagaalkii ugu dhimashada badnaa maal mahaan iyadoona sida muuqata labada koox xiligaan isku daleen koox waliba ay ka joogta xabad Alloow naga qabooji madaama aysan suura gal aheen in koox la wareegta dhamaan magaalada Muqdisho oo iyadu ah sixir loo soo diray shacabka Soomaaliyeed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

^The fighting is still going on, so far key locations including the Tarabunka were retaken, and many positions in Suuq Bacaad/Yaaqdshid.

 

Shiirkole and Mogadishu Stadium is still under control of the religious pretenders, the fighting hasn't passed Suuqa Bakaaraha and central road (jidka wadnaha).

 

Things will become clear when the dust settles.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Miisaanka dagaal ee Sh Yusuf Indhacade oo Maanta Muqdisho laga dareemay iyo C/fataax Shaaweeye oo markii ugu horeysay labistay tuutaha dagaalka.

 

Ciidanka Dowlada Ku meel gaarka ah oo ka dagaalamaya aagag badan oo ka tirsan caasimada ayaa maanta waxaa laga dareemayaa Firfircooni dheeraad ah oon horay looga baran, taasna waxaa loo aaneynayaa ciidanka oo aad u tiri badan isla markaana ay hortooda ka dagaalamayaan Taliyayaashii hogaaminayay taas oon horay dowlada looga baran.

 

Sh Yusuf Maxamed Siyaad oo Indhacade loo yaqaan saakay waxaa miisaankiisa dagaal laga dareemay caasimada Muqdisho isaga oo hogaaminayay ciidamo lixaad leh oo ka dagaalay dhowr goobood oo kala duwan isla markaana horumar dagaal oo weyn ayuu maanta sameeyay.

 

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka banaadir C/fataax Ibrahim sabriye Shaaweeye oo ku labisan tuutaha milatariga ee dagaalka ayaa saakay wacadaro ka dhigay aaga saldhiga wardhiigleey iyo isgoyska xararyaale isagoo halkaasi kaga farxashay mudo aad u gaaban.

Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) iyo ciidan xoog leh oo uu horkacayo ayaa iyagana ka dagaal galay aaga Kpp ilaa tarabuunka ciidankaasina ilaa hada waxa uu ku jiraa dagaal aad u culus waana guutada DKMG ugu talo gashay ineey gacanta ku dhigaan Wasaarada gaashaandhiga Shiirkole ilaa Wadada warshadaha.

 

Dhanka kale Taliye lagu magacaabo Jacfar iyo ciidamo uu hogaaminayo ayaa iyagana waxa dagaal ku qabsadeen suuqa ariga bakaaraha ilaa isgoyska suuqa waxa ayna sameeyeen horumar dagaal oo aad u baaxad weyn waxaana kaabaya sheikh cabdulaahi tabliiq oo la sheegay inuu dhaawac soo gaaray,Isku soo wada duubee DKMG Somalia ayaa maanta waxa ay la soo shirtagtay ciidamo iyo Taliyayaal aad ugu laacib ah dagaalka ahna sooma jeestayaal aan cabsi aqoon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this