Sign in to follow this  
Thankful

President Cade Muse meets Cali Maxamed Geedi in Nairobi

Recommended Posts

Thankful   

Madaxweynecademuse_Gedi3.jpg

 

Nairobi(HR Media):- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland Gen.Maxamuud Muuse Xersi

ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Nairobi, Wafdigaan ayaa ka soo kicitimay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

Link

Cadde Muuse wuxuu kulan albaabadu u xiran yihiin uu kula yeeshay hoygiisa uu magaalada Nairobi ka dagan yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Md. Cali Maxamed Geedi, labada masuul ayaa ka wada had lay arimio badanoo quseeya Dalka Somaaliya.

 

Shir mudo saacada ah qaatay ayey Cade Muuse Iyo Cali Geedi ku yeesheen Guriga Raysalwasaarihii hore ee Somaaliya uu ka dagan yahay magaalada Nairobi, Jeneraal Cadde Muuse Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn inta aysan ugada galin shirkooda dheer salaan diiran ku salaamay Raysalawasaarihii hore Cali Mohamed Geedi sidoo kale Madaxweyne Cade Muuse ayaa salaan taas la mid ah ugudbiyey guud ahaan Xubnaha Qoyska ee Pro Cali Mohamed Geedi.

 

Kulankaan ay labada Masuul wada yeesheen oo ahaa mid labadooda ku ekaa oo aanay cid sedexaad ku wehlin ayaanan la ogayn waxyaalaha ay wada hadleen inkastoo warar hoose ay sheegayaan in madaama xurguf hore ay u dhaxaysay labada Masuul ay ka wada hadlayeen siday u dhamayn lahayeen arrimo hore ee ka dhex jiray dhexdooda ee ahaa qilaafkii dhinaca Batroolka iyo arimo kale.

 

Kulanka labada Mas'aal ayaa markuu dhamaaday Mudane Cade Muuse Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland waxa uu dib ugu noqday Hotelka uu ka dagan yahay Magaalada Nairobi.

 

Saxaafadda ayaanan wax war ah laga siinin waxa ka soo baxay labada masuul Shirkii dheeraa ee ay wada yesheen, Balse markuu dhamaaday Shirka labada Mudane wada yesheen oo ay banaanka uga soo baxeen Meeshay ku shirayeen ayaa wajiyadooda waxaa laga dareemayey farxad iyagoona wada qoslaya ayey hal mar soo wada baxeen kadibna waa ay is mac salaameyeen.

 

Labada Mudane Shirkooda ayaa socday mudo ku dhaw Sedex saacadood iyadoo Sedexda saaxadood ee ay wada shirayeen labada Masuul ay Saxaafada banaanka joogeen oo ay ka war dhawrayeen waxa kasoo baxa kulankooda.

 

Jamaal Shuriye

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this