Sign in to follow this  
Liqaye

Xisbul Islam defections to Ahlu Sunnah

Recommended Posts

Liqaye   

Mogadishu Wednesday 7 October 2009 SMC

Sheekh C/risaaq Maxamed Cali (Ashcari) Afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe ayaa sheegay in urarkooda ay kusoo biireen ciidamo iyo Gawaari Tikniko ah oo kasoo goostay Xisbul Islaam.

 

"Ciidamo ka soo goostay Xisbul Islaam ayaa nagu soo biiray, waxaana ugu baaqaynaa Maleeshiyaadka ee kooxaha ka soo horjeeda inay ku soo biraan Ahlu Sunna " ayuu yiri Afhayeenka Alu Sunna oo sheegay inay yihiin Mashaaikhdooda iyo macalimiintooda dhalinyarada ka soo horjeeda.

 

Afhayeenku ma sheegin tirada ciidamada iyo Tiknikada ee iyaga ku soo biiray, kana soo goostay, balse waxa uu ku gaabsaday inay saxaafadda tusi doonaan oo ay markaasi ka hadli doonaan arrintaasi.

 

Mas'uulkan wuxuu sheegay in dagaallada u dhexeeya Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam ay caddeyn ugu filan yihiin ciidamada ka tirsan labadaas dhinac, ayna ka doortaan in dalka Somalia lagu soo dabaalo nabad iyo kala dambeyn.

 

Dhanka kale Afhayeenka Ahlu Sunna waxa uu sheegay in ciidamo walba oo ka soo goosta dhinacyada ay dagaalka kula jiraan inay soo dhaweynayaan, wuxuuna sheegay inaysan wax shuruud ah ku xirayn ciidamadaas soo baxsada.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Ahlu Sunna Waljameeca oo sheegtay in ay isu soo dhiibeen gaadiid kuwa dagaalka oo ka soo goostay Ururka Xisbul Islaam

Arbaaco, October 07, 2009(HOL): Af-hayeen u hadlay Culimada Ahlu Sunna Waljameeca oo lagu magacaabo Shiikh C/risaaq Al-Ashcaari ayaa sheegay in maalin ka hor isku soo dhiibeen gaadiid kuwa dagaalka ah oo ka soo goostay Ururka Xisbul Islaam ee gacata ku haya Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan.

 

Shiikh C/risaaq Yuusuf Al-Ashcari waxaa uu intaas ku daray in Culimada Ahlu Sunna siweyn u soo dhaweeyeen gaadiidka iyo Ciidamadii la socday kuwaasi oo sida uu hadalka u dhigay ka dhiidhiyay hab dhaqanka Ururkii ay horay uga tirsanaayeen, waxaana uu ugu baaqay in sidaas oo kale ay yeelaan dhaliyarada wali ku harsan kooxaha ay iska soo horjeedeen.

 

Labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan waxaa si weyn looga hadal hayay in gaadiid kuwa dagaalka ah oo u galay Culimada Ahlu Sunna Waljameeca ay ka tirsanaayeen Ilaalada Xog-haya difaaca Ururka Xisbul Islaam Muuse Cabdi Carraale oo ku sugan Magaalada Beledweyne.

 

Dhinaca kale warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in uu hakad ku yimid qorshe uu waday Ururka Xisbul Islaam kaas oo la doonayay in Maamul loogu sameeyo Goballka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne kaddib markii uu shaki soo kala dhaxgalay Ururka Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee iyagu gacanta ku haya qeybo ka mid ah Goballka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sarakiisha ciidamada DF Somalia ee gobolka Hiiraan oo sheegay iney wadaan dhaqdhaqaaq ay ku damacsan yihiin iney ku galaan B/weyne

 

Saraakiisha ciidamada Dowladda Somalia ee ku sugan halka loo yaqaano deegaanka Ceel gaal oo ku yaala duleedka magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay halkaasi ka wadeen saacadihii la soo dhaafay iyaga iyo ciidamada Itoobiya ee jooga deegaanka Kala beyr ee gobolka Hiiraan.

 

Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in dhaqdhaaqyada ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo ay ugu diyaar garoobayaan weerar ay damacsan yihin iney kula wareegaan magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan oo ay hada maamulaan ururka xisbul Islaam.

 

Waxaa uu intaa ku daray in Cagajoof ineysan jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo ay u kaashan doonaan weerarkaasi isla markaana ciidamada dowlada ay yihiin kuwo isku filan oo awood u leh iney galaan magaalada B/weyne kalana wareegaan xoogaga ka soo horjeeda ee hadda maamula waxaana hadalkan ka soo yeeray saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan uu ku soo beegmayaa xilli masuuliyiinta ururka xisbul Islaam ee magaalada B/weyne ay sheegeen iney dhowaan maamul u sameyn doonaan gobolkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this