Sign in to follow this  
General Duke

Demo in Kismayu, so who called for the courts?

Recommended Posts

Banaanbax looga soo horjeedo Maxkamadaha Islaamka oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

 

kismayo.jpg

Talaado, September 26, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose oo ay qabsadeen maxkamadaha Islaamka ayaa shalay iyo xalay waxaa ka dhacayay banaanbaxyo lid ku ah Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha Guddoomiyihii Isbaheysiga Dooxada Jubba Col. Barre Aadan Shire Hiiraale.

 

Dadka banaanbaxa dhigayay oo ku dhawaaqayay ereyo lid ku ah Maxkamadaha ayaa waxay ka sameeyeen banaanbax rabshado watay oo isugu jiray dhagax-tuur iyo taayarro la gubay, iyadoo la sheegay in ay dadkaasi ka careysnaayeen maxkamadaha qabsaday iyo weliba Calanka Soomaaliya oo laga dejiyay meel uu magaalada Kismaayo ka surnaa, isla markaana lagu bedelay calan kale oo ay Maxkamadaha wateen.

 

Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay ereyo ay ka mid ahaayeen Barre diide dooni meyno, USC dooni meyno iyo kuwo kale, waxaase markii ay cabaar banaanbaxayeen ka hortegay ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo kala ceyriyay.

 

Arrinta ku saabsan karaamo-tirka lagu sameeyay Calanka Soomaaliya ee Kismaayo ka dhacday ayay mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka si kala duwan uga hadleen, wuxuuna Shiikh Xasan Turki oo Gobollada Jubbooyinka ka soo jeeda uu sheegay in Calanka oo hoos loo dhigo aysan wax micno lahayn, isla markaana uu maro yahay, wuxuuna intaas ku sii daray in ay Maxkamaduhu leeyihiin ujeedo ka weyn Calan la dejiyo oo ah in shantii Soomaali lagu baadi doono Kitaabka Alle.

 

Laakin Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan arrimaha Dibadda ayaa sheegay in ay arrintaas ahayd qalad dhacay, balse qaladkaas ay tuhmayaan in uu ka dhacay shakhsi gaar ah, “Waxaa loo qaatay in arrinta karaamo-tirka Calanka ay Maxkamadaha ka dambeeyaan, taasina ma ahan wax jira, Annagu dood kama qabno in uu Calanka sharafkiisa lahaadoâ€ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo sheegay in haddii ay wax qaldameen ay saxayaan qaladkaas, isla makaana ay baarayaan ciddii ka dambeysay in Calanka hoos loo dhigo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa saakay degan Xaaladda Magaalada Kismaayo oo ay si buuxdo gacanta ugu hayaan Maxkamadaha Islaamka, waxaana dib u bilowday isu socodkii dadka iyo howlihii ganacsiga ee ay dadku wateen, inkastoo ay jireen goobo ganacsi oo aan weli la furin, kuwaasi oo dabcan ay leeyihiin dad ku jira xaalad sug oo arag ah kadib la wareegiddii Magaalada ee Maxkamadaha Islaamka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay ereyo ay ka mid ahaayeen Barre diide dooni meyno

:D

 

Maybe they thought Barre Aadan Shire was one of the unloved and selfish warlords of Mogadishu, no? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is all about hearts and minds, lets see if they can win it or shut it. If they really mean of what they are preaching they should first send Goobale and Seeraar home then. And lets see if indhocade is immune from the wrath of ICU :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Rabshado cusub oo ka dhacay Kismaayo ayadoo magaalada Bandaw ku jirto

Last Updated::2006-09-26 13:03:20

 

Kismaayo:- Magaalada Kismaayo ayey xalay markale ka dhaceen isu soo bax rabshado wata oo ay shacabka uga soo horjeedaan Maxkamadaha Islaamiga.

 

Mudaharaadyada xalay dhacay ayaa lid ku ahaa Bandaw ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha kusoo rogeen magaalada Kismaayo.

 

Bandawga ayaa waxaa jabiyey mudaharaadyo ka dhacay jidadka waaweyn ee magaalada halkaasi oo ay isugu soo baxeen dad rayid ah oo ka careysan qabsashada magaalada Kismaayo oo u gacan gashay Maxkamadaha Islaamiga ee ka yimid Muqdisho.

 

Illaa iyo hada macada in ay cidi wax ku noqotay rabshadii xalay ayadoo la arkayey dad badan oo dhagaxaan ku tuurayey gaadiidka maleeshiyooyinka Maxkamadaha.

 

Magaalada Kismaayo ayey shalay ka dhaceen mudaharaadyo waa weyn oo ay 3 qofood ku dhinteen.

 

Magaalada Kismaayo ayaa noqotay magaaladii 2aad ay shacabka dhagax tuur kala hortagaan Maxkamadaha Islaamiga.

 

Horey ayey magaalada Bandiiradley ee gobalka Mudug shacabkii deegaankaasi ku dhaqnaa ugala hortageen banaabaxyo maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga.

 

Maxkamadaha ayaa ayagu sheegay in looga yeeray magaalada Kismaayo isla markaana ay amniga sugi doonaan.

 

Hase yeeshee waxaan muuqan qorshe ay maxkamadaha kusoo jiidanayaan shacabka magaalada, ayadoo marba marka kasii danbeysay isku dhacyadan ay sii xumeynayso wixii rajo ahaa oo laga qabay in si degen shacabka magaalada u aqbalaan maamulka cusub ee deegaankaasi la wareegay.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dibadbax ka dhan maxkamadaha islaamiga oo maanta ka

dhacay magaalada Kismaayo

 

Muqdisho, September 25, 2006 (WDN) - Dibadbax lagaga soo horjeedo Maxkamadaha Islaamiga ee la wareegay magaalada Kismaayo ayaa maanta magaaladaasi ka dhacay. Banaabaxaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne boqolaal gaaraya ayaa ay ku caddeeyeen dadweynahaasi in ay ka soo horjeedaan qabsashada maxkamadaha ee magaaaladaasi.

 

Dadkan oo xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo ka kala yimid ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan maxkamadaha. Erayadaas oo uu ka mid ahaa " Alqaacida dooni meyno", waxaana dadkani ay sheegeen in wax lala yaabo ay tahay in maxkamaduhu ay qabsadaan magaalo uu maamul ka jiro.

 

Dadkii maanta isugu soo baxay magaalada Kismaayo ayaa dalbaday in dib loogu soo celiyo maamulkii magaaladaaasi ka arimin jiray. Waxa dadkaasi sheegeen in aanay raalli ka ahayn nidaam xoog ku soo galay magaaladooda isla markaana aysan iyagu u yeeran.

 

Dibadbaxan ayaa u muuqda mid dhabarjab ku noqonaya mas'uuliyiinta hoggaanka maxkamadaha islaamiga oo sheegay markii ay gacanta ku dhigeen Kismaayo in qabashadooda Kismaayo ay ka danbeysan markii shacabka magaaladaasi ay gurmasho ka dalabadeen.

 

Waa dibadbixii ugu horeeyey oo lagala hortago maxkamadaha islaamiga tan iyo markii ay bilaabeen in ay isku ballaariyaan Koonfurta Soomaaliya. Waxaa magaalada Kismaayo qabsashadeeda ay maxkamadaha u tahay tallaabo horumar leh oo ay kaga gaashaamanayaan weerar kasta oo kaga yimaada ciidamada shisheeye ee la sheegay in aimanayaan Soomaaliya.

 

Maxamed Cumar Aadan

WardheerNews, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this