Sign in to follow this  
General Duke

MAXAMED DHEERE: tears into Qaynyare+ Jowhar and Baidoa TFG base?

Recommended Posts

MAXAMED DHEERE: “Hogaamiyeyaasha ****** ee diidan hadafka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ha ogaadaan in 99% ay taageeran yihiinâ€â€¦

 

Guddmoooyaha Maamulka Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in ay Hoggaamiyeyaasha ****** ee ka gooban labada gele ee ku sagan maaalada nayroobi ay wadaan wax uu ugu yeeray diban daabyo ay la doonayaan FKMG ah isagoo ku tilmaamay iney yihiin kuwo ku heshiiyay diban daabyada.

 

“Hogaamiyeyaasha ****** ee diidan hadafka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ha ogaadaan in 99% ay taageeran yihiin cududda beesha ****** isla markaana ay dowladdu saldhiga koowaad ka dhiganeyso Jaowhar kadibna ay u gudbi doonto caasimamad Muqdisho†ayuu yiri Maxamed Dheere.

 

Dhinca kale Md. Maxamed Dheere oo ka hadlayey maamul u sameynta ay wadaan qaar ka tirsdan Hoggaaamiyeyaasha Muqdisho ee ku sagan Naryroobi ayaa sheegay ineysan laheyn kaligood awood ay maamul ugu smaeeyan gobolka Banaadir.

 

“Maxamed QAnyare iyo kuwa hoostiisa ka nugnugleh xaq uma laha iney maamul u sameeyaan Gobolka Banaadir, Maamul loo sameeyo Banaadir wuxuu ku imaan karaa mid ka yimaada dadka deegaanka ama mid dowladeed†ayuu si kulul u yiri Maxamed Dheere oo hadalkiisa u muuqday midkii ugu kulalaa ee todobaadkan kasoo baxa Siyaasiyiinta.

 

Md. Maxamed dheere ayaa ku cel celiyay in aaneyn jirin cid is hortaagi karta natiijada shirka mudada labada sano iyo barka ka socday Nayroobi isla markaana cidii nabad diida qaarkood la xer xeri doona gaar ahaan hoggaamiyeyaasha damacsan sida uu sheegay iney dibandaabyo la rabaan Dowladda.

 

Maxamed Muxiyaddiin Cali panorama100@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labo Magaalo oo la sheegay in ay si wada jir ah u martigelin doonaan Dowladda Federaalka inta laga hagaajinayo Ammaanka Caasimadda Muqdisho

 

Axad, March 13, 2005 (HOL) @7:35GMT: Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo bandhigtay in ay dooneyso in ay si wada jir ah saldhig uga sii dhigato labo magaalo oo ka tirsan Soomaaliya kuwaasoo ay Xukuumaddu xustay in ay ammaan ahaan yihiin kuwo la isku haleyn karo, isla markaana ay si KMG ah u sii degi karto Dowladda inta laga hagaajinayo nabadgelyada Caasimadda Muqdisho.

 

Wararku waxay sheegayaan in magaalooyinkaas oo kala ah Baydhabo iyo Jowhar ay noqon doonaan kuwo ay cod aqlabiyad leh Xukuumaddu uga hesho Xubnaha Golaha Baarlamaanka, inkastoo aaney weli soo bixin tafaasiisha ku saabsan sida ay madaxda dowladda ama labada gole u kala degi doonaan labadaas magaalo.

 

Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee dhowaan booqashada ku tegay deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa soo arkay ammaanka labadaas magaalo, inkastoo madaxweynaha laga soo xigtay in uu wax xoogaa dhaliilay maleeshiyooyin aan nidaamsaneyn oo uu ku arkay magaalada Baydhabo, halka magaalada Jowharna uu aad ula dhacay ammaanka iyo kala dambeynta ka jirta.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Dheere: " Laba shaqsi ayaa ****** ka leexatay (Muuse Suudi & Cumar Filish) inta kale dowladda ayay raacsan yihiin

 

 

Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa shaaciyay in hogaamiyeyaasha beesha ****** ee dowladda ka mida aysan wax maamul ah u dhisi karin keligood magaalada Muqdisho, awoodna u lahayn isagoo ku eedeeyay go’aannada ay soo saareen inay yihiin dabinno loo dhigayo dowladda federaalka.

 

“Dowladda federaalka waxay ku tiirsan tahay taageerada beesha ******,99% ayidsan yihiin oo ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal wasaarahana ka yahay Cali Maxamed Geediâ€ayuu yiri Maxamed Dheere, isagoo yiri mar kale†Laba shaqsi ayaa ****** ka leexatay (Muuse Suudi & Cumar Filish) inta kale dowladda ayay raacsan yihiin†ayuuna yiri.

 

Maxamed Dheere waxa uu shaaca ka qaaday in magaalada uu ka taliyo ay noqon doonto goobta ugu horeysa ee ay xarunta kumeelgaarka ah ka dhigan doonto dowladda Soomaaliya kadibna ay u guuri doonto Muqdisho.

 

Maxamed Dheere ayaa waxaa uu ka mid yahay Siyaasiyinta ****** ee taageersan Siyaasadaha Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo dhawaana ku guuleystay in Jowhar socdaal ku tagaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this