Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya waa mid ku Taagan Jirrido Adag

Recommended Posts

Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya waa mid ku Taagan Jirrido Adag oo aanay liicin karin Cadawga Labada Dal

 

 

Tan iyo intii ay talada dalka Somaliland la wareegtay Xukuumada Cusub ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo 26kii bishii August ee sanadkan 2010 waxaa soo baxayay dacaayado malo-awaal ah oo ay buunbuuninayeen kooxo danaystayaal ah oo si weyn ugu xusul duubayay inay kala shaki galiyaan madmadowna ku abuuraan xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya. Waxay kooxahaasi ay si khaldan u adeegsanayeen warbaahinta Somaliland qaarkeed iyaga oo mar walba fidinayay warar aan xaqiiq ku salaysnayn oo ay ku sheegi jireen inuu xumaaday xidhiidhkii labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya. Dacaayadaha foosha xun ee cadawga Somaliland ay u adeegsanayeen inay shaki ku kala abuuraan labada Dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya waxa aynu ka xusi karnaa sida ay markii lagu dhawaaqay xukuumada uu soo dhisay Madaxweyne Siilaanyo ay sida weyn uga faafiyeen dacaayado tilmaamay in xubno ka mid ah masuuliyiinta u sarraysa uguna firfircoon ee Xukuumada Somaliland oo lagu tilmaamay inay yihiin Wadaado xag jir ah, kuwaasoo ay faafiyeen in magacaabistooda ay Itoobiya ka cadhootay, taasi oo aan waxba ka jirin, hadaba si aynu u caddayno in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid soo jireen ah oo aan la ruxi karin aynu dib u jalleecno waxa uu ku salaysan yahay Xidhiidhka labada umadood ee Somaliland iyo Itoobiya.

 

Taariikhihii Madoobaa ee Xidhiidhka Itoobiya iyo Guud ahaan Soomaalida

 

Iyada oo cadaawada u dhaxaysa dadyowga soomaalida iyo Itoobiyaanku ay ahayd mid aad u qoto dheer oo sannado aad u badan soo jiitamaysay, hadana waxay colaadaasi sii laba-laxaadsatay wixii ka danbeeyay sanadkii 1954kii oo ahayd markii ay Boqortooyada Ingiriisku ay si rasmi ah ugu wareejisay dalkii Itoobiya oo uu waagaas ka talinayay Boqorkii Xayle Salaase dhulkii loo yaqaanay Hawd and Reserve Area (Gobolka Shanaad) waxaana taasi ay keentay cadaawad dabo dheeraata oo sababtay dagaaladii qadhaadhaa ee dhex maray Itoobiya iyo Somalia sanadihii 1964kii iyo 1977kii, waxaana jirtay kala shaki iyo cadaawad qoto dheer oo dhex taalay labada umadood ee Somalida iyo Itoobiyaanka waxaana cadaawadaasi ay jirtay tan iyo intii ay burburtay dawaldii Soomaaliya ka talinaysay 1991kii.

 

Xasuuqii reer Somaliland ee sanadkii 1988 iyo Kaalintii Badbaadineed ee Itoobiya

 

Markii ay xoogaysteen dagaaladii u dhexeeyay ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM iyo Dawladii uu hormuudka ka ahaa macangagii Maxamed Siyaad Barre waxaa xasuuq ba’an lagula kacay shacbigii reer Somalilnd ee ku noolaa magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyo guud ahaan goboladii waqooyi, waxaana dagaal cirka iyo dhulka ah oo aan naxariisi ku jirin lagu xasuuqay shacbigii reer Somaliland, boqolaal kun oo qaxooti ah oo maato iyo carruur u badan ayaa naf la caarid ku galay gudaha dalka Itoobiya, waxaanay dawlada iyo shacbiga reer Itoobiya u muujiyeen naxariis aad u balaadhan dadkaas qaxootiga ahaa ee kasoo cararay xasuuqii ay xukuumada Siyaad Barre ku haysay, waxaa dadweynahihii reer Somaliland ay Itoobiyaanku ula dhaqmeen si aad u xushmad badan oo walaalnimo iyo derisnimo ay ka muuqato, waxaanay qaylo dhaan degdeg ah ugu direen dunidu inay la soo gaadho gargaar dadkaas qaxootiga ahaa, halka ay dawaldii Soomaliya ka jirtay ay dunida u sheegaysay inaanay jirin wax qaxooti ah oo waqooyiga ka qaxay.

 

Run ahaan talaabadaas soo dhoweynta ah ee lama filaanka ahayd waxay furo u noqotay isbedelka fikradihi xumaa ay dadka Somalida ahi ka haysteen Itoobiyaanka, waxaana abuurmay is dhexgal iyo is faham labada shacbi ee Itoobiya iyo Somalida taasi oo la xusi karo in Ururkii SNM oo taageero milatari ka heli jiray Itoobiyaanku uu sabab u ahaa in uu meesha ka baxo shakigii taariikhiga ahaa ee u dhexeeyay Somalida iyo Itoobiyaanka.

 

Xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland wixii ka danbeeyay 1991kii

 

Markii xukunka laga tuuray taliskii naxariista darnaa ee uu ka talinayay Maxamed Siyaad Barre ayaa sidoo kale muddo yar ka dib waxaa meesha ka baxday xukuumadii Itoobiya ka jirtay ee uu hogaaminayay kaligii taliyihii Mingistu Xayle Maryam, waxaana is bedelkaasi uu sababay inay labadii jabhadood ee Somaliland iyo Itoobiya kala qabsaday uu mid kastaaba ku mashquulo dhibaatooyinkii cuslaa ee ka jirtay gudaha wadamadooda, manay jirin wax lagu tilmaami karo xidhiidh weyn oo u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya inkastoo ay jirtay in ay si joogto ah magaalada Jigjiga iyo Harta Sheekha ay ugu kulmi jireen saraakiisha milatari ee Somaliland iyo Itoobiya.

 

Waxay ahayd dabayaaqadii sanadkii 1995kii markii ay si rasmi ah xidhiidho balaadhan u yeeshaan Somaliland iyo Itoobiya, waxaana la dardar galiyay xoojinta dhinaca amaanka, sirdoonka, diplomaasiyada iyo ganacsiga ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaana xidhiidhkaasi uu keenay in Somaliland ay xafiis ka furato magaalada Addis-ababa halka ay itoobiyaankuna si aan rasmi ahayn ay u sii xoojinayeen imaanshahahooda Somaliland, taasoo aakhirkii dhalisay inay xafiis heer safiir joogo ay ka furtaan gudaha magaalada Hargeysa, waxaana sii balaadhay xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeyay labada dal oo gaadhay heer ay Itoobiya isticmaasho dekeda Berbera, diyaraadaha Itoobiyaankuna ay si toos ah isaga kala gooshaan caasimadaha Hargeysa iyo Addis-ababa inkastoo ay duulimaadyadaas hakad galiyeen weerarkii fulaynimo ee Somaliland ay argagixisadu ku soo qaaday bishii Oktoobar ee sanadkii 2008.

 

Yuu Dan u yahay Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, sideese loo sii kobcin karaa ?

 

Somalidu waxay ku maahmaahaan “waxa umusha u dan ah ayaa ilmaha u dan ah” Waxaan shaki ku jirin in xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya uu dan u yahay, labada dawladood iyo labada shacbi oo isu ah bidix iyo midig kuwaasi oo aan sinnaba u kala maarmin, waxaana hubaal ah in Itoobiya ay danteedu ku jirto Somaliland oo noqota dal quwad leh, dimuqraadi ah oo horumaray, halka ay sidoo kale danta Somaliland ay ku jirto Itoobiya oo noqota dal quwad leh oo nabdoon oo horumaray, waxaana taasi ay keeni kartaa in ay si weyn isaga kaashadaan labada shacbi dhinacyada dhaqaalaha, amaanka iyo waliba siyaasada.

 

Waxaynu ka war haynaa in dalka Itoobiya uu yahay dal ay ku nool yihiin Sideetan Milyan oo qof oo bilaa deked ah, halka ay Somaliland ku nool yihiin saddex milyan iyo badh oo si weyn u yaqaana habka ganacsiga, waxaana muuqata in Itoobiya ay tahay suuq aad u weyn oo ganacsatada Somaliland ay ku xisaabtami karaan, isla markaasna ay badeecada dibada ka keenaana ay u iib geyn karaan dalkaas Itoobiya, halka Itoobiyaankuna ay ka faaiidaysan karaan isticmaalka dekeda Berbera.

 

Hadaba si loo sii xoojiyo dersis wanaaga labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya waxaa lagama maarmaan ah in xidhiidhka labada dal uu noqdo mid ku qotoma is tixgalin talantaali ah oo ka dhaxaysa labada dhinac taasoo ku dhisan faro-galin la’aan arrimaha gudaha oo aanuu dalna farogalin dalka kale arrimihiisa gudaha, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta xidhiidhka amani ee labada dal u dhexeeya, waxaana lagama maarmaan ah in Itoobiyaanku ay suuqyadooda u furaan ganacsatada Somaliland si la mid ah sida ay suuqyada Somaliland ugu furan yihiin ganacsada Itoobiyaanka

 

Ugu danbayn waxaa Dawlada Itoobiya looga fadhiyaa inay mawqif adag iska taagto dagaal cadna la gasho kooxda argagixisada ah ee la baxday SCC oo fadqalalo ka wada deegaamada Bariga Somaliland kuwaasoo waxyeelo u geysan kara amaanka labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya, dhinaca Dawlada Somaliland ayaa iyagana ay waajib ku tahay inay dagaal adag la galaan ururka Argagixisada ah ee ONLF oo dhawaan isku dayay inay soo dhex maraan gudaha Somaliland iyaga oo duulimaad ku ah Itoobiya, waxaana loo baahan yahay in labada dawladood ay si talan-taalli ah isaga kaashadaan la dagaalanka kooxaha nabadiidka ah ee halista ku aha amaanka gobolka geeska afrika.

 

 

Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Bristol. UK

kaysar@europe.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Jacaylbaro:

Ugu danbayn waxaa Dawlada Itoobiya looga fadhiyaa inay mawqif adag iska taagto dagaal cadna la gasho kooxda argagixisada ah ee la baxday SCC oo fadqalalo ka wada deegaamada Bariga Somaliland kuwaasoo waxyeelo u geysan kara amaanka labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya, dhinaca Dawlada Somaliland ayaa iyagana ay waajib ku tahay inay dagaal adag la galaan ururka Argagixisada ah ee ONLF oo dhawaan isku dayay inay soo dhex maraan gudaha Somaliland iyaga oo duulimaad ku ah Itoobiya, waxaana loo baahan yahay in labada dawladood ay si talan-taalli ah isaga kaashadaan la dagaalanka kooxaha nabadiidka ah ee halista ku aha amaanka gobolka geeska afrika.

Suural gal ma tahay in beesha Idooor(gaar ahaan geelayda) qaadato, fikirka qaldan ee qurbo jooge Kaysar Cabdilaahi Maxamed? Anu kolay umaleyn maayo ,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this