Liqaye Posted January 14, 2004 Illahay naxariistii jano ha siiyee Aadan Carab waxaa ka mid ragga ugu horeeya dhinaca gabayada , dabayaaqadii qanigii 19-aad, waxaadna moodaa in inuu Adan Carab hu hiranayo, raggii jamaamiirta murtida soomalida u ahaa sida. Cali dhuux, Ismail Mire, Qamaan Bulxan, Sayid M C Xasan, kuwaas ay qaar nolol isku soo gaaraneen qaaran, gabayana is weydaarsadeen. Gabaygan waa sadaal waxana uu Adan Carab tiriyey mar haatan laga joogo wakhti dheer, waxaana kaga hadlayey ama uu hal qabsanayey xukuumadii foosha xumayd ee Ingriiska, lakiin Adan meel kale ayuu u socday isagoo gabaygiisa ku bilaabayana,Wuxuu yidhi:- Ingiriis dalkiisii murxay oo cunay magoolkiisa Isagoo masaafira haddaan subax ka miidaanshey Oo lagu mintiday waw dhamayn minawarkaan fuullay. Maskab kama dhaxline wiilal baa helay macaankiiye Kun nin baa martabadii u haray ama muluugtiiye Inta kale mus ood laga rogtay meerayaan dibade . Sidii baan marqaafa u sitaa ama mareykaane Sidii baan mankaar lagu gubtay iyo milic u joogaaye Sidii baan maqaar ugu gam’aa meel la ii dhigaye Sidii baan madaal dheri karshiyo rodol u miistaaye Sidii baan macaash ugu gataa harag miciinkiise. Sidii baan miraa ugu gurtaa madaxa toomoode Sidii baan u macaluushanahay oo mud dhuubanahay Sidii baan manjaa ugu socdaa moodhar liidiiye . Sidii baan mawaashiga hayaan ugu maqiiqaaye Sidii baan martida caana qura ugu macsuumaaye Sidii baan taclliin uga madhnahay machadkii diimeede . Sidii baan macruufka u sugaa macallinkiisiiye Sidii baan madow ugu jiraa maato iyo ruuxe Sidii baan xafiis meel fog ii jira ugu muctaadaaye. Haddii laba nin oo wada muslima madaxda loo geeyo Sidii baa guddiga loo maraa wax u masaynayne Sidii baa miskiin tulu leh looga marayaaye . Kuwo midabka soomaali uun lagu malaynaayo Sidii buu kiniin uga mutaa maralka jiifaaye Sidii buu rumaan ugu murxaa kii maxbuus ahiye Sidii buu dalkii naga maqnaa muran u joogaaye. Marsadii jabuutaanba meli soo mihiib kicine Sidii baa sharcigu mayd uu yahay marwa lahayne Haddii dumar maxaajabad ahaa milicsi loo diido . Iminkey dharkoodoo mil mila suuqa marayaane Miidaanka noogama baqaan mana mastuurtaane Muqdishaba horteed waa dhaqneyn marag Illaahaaye. Isagaa maqsuuda ee wax kale looma maamuline. Bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay Af uun malaba shicibkii haddii lagu mashaysiiyey Oo aan muraadba u qumayn mooye say noqone Waa nala madaarshaynayaa tan iyo maantiiye Mahdigii naloo sheegay iyo malihi beenowye. Manqaa lagu sabaa had iyo jeer muugga dhalanteede Hadba waxaan maqallaa boqol malyuun waa macaawina’e Maalkii arladaa loo qabtiyo meeye lacagtii!!!!!!. Mooskada ragga u duulayaa maylka tirinaaya Goormay waxay muujiyeen lagu manaafiici? Ma mardaadi baa socodka aan miiqna loo qabaneyn. Sow riigna noogama mudaan madasha Buuhoodle!!!! Bal intee muddaa oo sugnaa maaxda imanaysa Bal maxaase hay muuqatee marada loo qaatey. Mukhlis iyo haddaan lagu shaqeyn orod maleegnaana Ma xiniin yahay moodayaan muunad nala saaray Ma naftiina maara u qabtaa nimanka loo miiray . Maasha iyo haddii aan miilka saro malow miyey fuuli Ma mucaarid baan ahay hadaan xaqa ka maansooday Bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay Quote Share this post Link to post Share on other sites