Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Today, 22 Years Ago

Recommended Posts

Was the Day the SNM forces smashed the Barre's arrogant military and invaded Burco in 1988.

 

congratulations to those who are still alive and Ilaahay ha u naxariisto intii naftooda ku wayday. Their bravery should be remarked.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oxford House waxa lagu qabanayaa Xuska Guda-galkii Waddanka ee SNM 1988.‏

 

 

 

 

Jaaliyadaha Somaliland ee London waxay si wada jir ah kuugu martiqaadayaan maalinta Sabtida, 29ka Meey 2010, Xuska Guda-galkii Waddanka, 1988. Waa kulan isugu jira aqoon iswaydaarsi iyo xus taariikheed oo lagu lafa guri doono dhacdooyinkii ku xeernaa ayaamihii ururkii Somali National Movement (SNM) ay go’aansadeen inay soo galaan gudaha waddanka ee sannadkii 1988-kii.

 

Sida taariikhdu dhigayso, laga soo bilaabo siddeedankii, maamulxumada, xaqdarrada, xorriyad la’aanta iyo axmaqnimada baahday ee uu ku kacayay maamulkii kali-taliska ahaa, waxay keentay in ummadda Somaliland ay la soo daristay xaalad adag oo leh xadhig, dil, dulmo iyo xaqdaro fara badan oo aan lasoo koobi karin. Arrintaasi waxay sababtay in 6dii abriil 1982 lagu dhawaaqo urur waynihii SNM oo la abaabulo kasoo horjeed hubaysan. Kadib markii lagu jiray dagaal debedyaal ah muddo 6 sanadood ah 27kii May 1988, waxay ciidammadii SNM si badheedh ah usoo galeen, dibna u xoreeyeen, magaalooyinkii waawaynaa ee Somaliland .

 

Magaalooyinkaas oo ay ugu horeysay magaalo madaxda labaad ee waddanka, Burco, oo lasoo galay 27kii Meey, dhawr casho kadibna waxaa dib loo galay magaalo madaxda Hargeysa, 31 meey Halgankaas iyo dib u xorayntaas oo ku soo afjarmay ku dhawaaqida dib ula soo noqoshadii Somaliland, 18 May 1991, waxa farxad ah in bishan loo dabbaaldagay 19 tobban-guuradiisii.

 

Fadlan kala soo xidhiidh wixii faahfaahin ah:

Maxamed Yusuf 07946363211 ama Maxamed casayr 07534876005

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (Waaheen) 27 May 1988 oo ay maanta ku beegntahay 22 guuradeedii, waxay ahayd maalin xusuus gaar ah u leh guud ahaan dadka Reer-Somaliland, gaar ahaanna dadka Reer-Burco, waayo maalintaasi waxay ahayd maalin uu si lama filaan ah dagaal culusi uga qarxay gudaha magaalada Burco, ka dib markii ay cutubyo ka tirsan ciimadii dagaalyahanka ururka SNM ee mudada tobanka sannadood gaadhaysa halganka hubaysan kula jiray dawladdii Siyaad Ba rre salaad hore guluf milateri ku soo galeen xarunta gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo ay dagaal faraha lagaga gubtay foodda isku dareen ciimadii taliskii Siyaad Barre ee Burco fadhiyey iyo cutubyadii SNM,waxayna taasi keentay jawi Siyaasadeed cusub iyo xaalado milateri oo hor leh oo ka aloos-may mandaqadda bariga Afrika, gaar ahaan labadii dawladood ee Itoobiya iyo Somaliya.

Sidoo kale saddex maal-mood ka dib oo ahayd 31-kii may 1988, waxay cutubyo kale oo ciimadii SNM ahi weeraro milateri oo kaa la mid ah ku soo qaadeen gudaha magaalada Hargaysa iyo jiido kale.

 

Weeraradaa milateri ee ay xoogaggii ururka SNM ku soo galeen gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxay, ahaayeen kuwo miidaamo ah, waxayna taasi ka dambaysay markii ay labadii dawladood ee ka kala talin-jiray dalalkii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed iyo Itoobiya ay isla gaadheen heshiis dhigaya inay qolo waliba dhinaceeda joojiso taageeradii ay siin jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray, iyadoo dawladdii Siyaad Barre taageeri jirtay jabhadii Ereteriya, halka ay dawladdii Mingistu Haile Mariam-na taageeri jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray taliskii Siyaad Barre sida: SNM iyo SSDF, waxaana waxyaalihii ay labada talis ku heshiiyeen ka mid ahaa in ciimadii SNM laga soo raro jiidaha hore ee dagaalka ,islamarkaana uu ururka SNM joojiyo hawl-galadii milateri ee uu ku hayey dawladdii Siyaad Barre. Sidaa darteed heshiiskasi waxa uu ururka SNM soo taagay marxalad aad u adag iyo mawqif xaraj ah, taas oo ay arintoodu noqotay “kala dooro laba daran”, waxayna taasi keentay inuu ururka SNM qaato mawqif xaraj ah, taas oo uu hogaankii ururka SNM go’aansaday wax lama filaan ah oo aad uga duwan wixii ay labada dawladood ku heshiiyeen, waxayna SNM talo ku gaadhay inay ciidamadeedu madax-madax isugu tuuraan gudaha, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganaya saldhigyadii waaweynaa ee ciimadii qaybtii 26aad ee taliskii Siyaad Barre ee fadhigoodu ahaa goboladii waqooyi ee Jamhuuriyaddii Somaliya.

 

Sidaa awgeed waxay ciidamadii dagaalyahanka SNM gulufkoodii u horeeyay ku galeen magaalada Burco, subaxdaasina waxay guud ahaan dadkii ku dhaqnaa goboladii waqooyi (Somaliland), gaar ahaan dadkii reer-Burco, talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre, mandaqadda iyo guud ahaan dunida ku noqotay amakaag iyo qaadan-waa.

 

Ciidankii SNM ee Burco galay waxa uu xaddigiisu ahaa tiro aan ka badnayn ilaa 1200 oo dagaalyahan, taasina waxay ahayd tiro aad uga yar cududii milateri ee gaaskii ciimadii taliskii Siyad Barre ee fadhiyey jiidaha gobolka Togdheer iyo xarunta gobolkaa ee Burco,ee gaaskii Qaybdiid la odhan jiray, laakiin iswaydiintu waxay tahay maxaa dhacay, maxaase ururka SNM ku kelifay weerarkaa is miidaaminta ah.

Ciidamadii SNM ee Burco galay waxa uu ahaa taliyahoodii u sareeyay Muj: Axmed Mire Maxamed, iyadoo ay talayayaashii ku xigayna kala ahaayeen labada Marxuum: Aadan Saleebaan iyo Xuseen Axmed (Xuseen kharash-yare).

 

Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii sar-sare ururka SNM, gaar ahaan garabkii milateri, gaar ahaanna waqtigaa ka mid ahaa guddigii dagaalka ee loo xil saaray hawl-galkaa, madaxna ka ahaa saldhigii Itoobiya ee ay ka soo dhaqaaqeen ciimadii Burco galay.

oo arintaa ka waramay ayaa yidhi

 

“Waxyaalihii ay dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre ku heshiiyeen waxa ka mid ahaa inay ciimada SNM dib uga kacaan jiidaha hore ee dagaalka oo ay dib ugu guuraan gudaha Itoobiya, taasna waxay SNM u aragtay inuu dhabar-jab ku yahay halgankii ururka SNM”ayuu yidhi Maxamed Kaahin, wuxuuna intaa ku daray “ waqtigaa ururka SNM labo mid ayey isu soo taagtay inuu halgankii ururka SNM halkaa ku baaba’o iyo inuu go’aan adag qaato oo uu halgankii sii socdo, sidaa darteed hogaankkii ururka sida: Gudoomiyihii, guddigii fulinta ,golihiii dhexe, talisyadii ciidamada , waxgaradkii iyo waayeelkii ururku wada tashi ballaadhan ka dib waxa la go’aansaday in hawlagal ballaadhan oo milateri lagu galo gudaha”.

Muj: Maxamed Kaahim isaga oo ka waramaya xaaladii Ciidan ee ururka SNM iyo sidii wax loo qorsheeyey iyo sidii ay ahayd isu dhiganka cududda labadii Ciidan ee SNM iyo ciimadii Siyaad Barre ee ay is-waajahayeen, waxa uu yidhi “ Ciidankii SNM labo qaybood baa loo qaybiyey oo kala ahaa aagga galbeed iyo aagga bari oo la kala odhan jiray MAKA iyo MADIINA, iyadoo ay ciimadii SNM ee weeraray aagga Cadaadley oo uu hogaaminayey Muj: Xuseen dheere ay ciidamo laga soo dheegay labada qaybood, intaa waxa dheeraa taliskii ciidamada SNM, ciidankii Burco galay ee SNM-na waxay tiradiisu ahayd ilaa 1200 oo nin iyo midhadh ,waxayna wateen labo qori oo jiibab ah, labo qori oo suugag ah, 6 qori oo siikow ah ,islamarkaana ciidanka umaanu hayn wax taakulo ah oo xataa baabuurtii ay wateen qaar baa shidaalku ka go’ay markii ay magaalada soo galeen, halka uu ciidankii gaaska 3aad eeSiyaad Barre ee Burco fadhiyey ay ka koobnaayeen 4guuto oo ciidanka dhulka ah, guuto taangiyo ah, laba guuto oo madaafiicda goobta ah, urur PM. Ah , laakiin anaga waxa PM iyo tangiyo u ahaa tayo iyo moral, waxaanuna hawlgalkaa ku gaadhay guul weyn oo milateri iyo mid Siyaasadeed-ba waayo khasaare kasta oo na gaadhay waxa ka weynaa khasaarihii gaadhay ciimadii taliskii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre”.

 

Muj. Maxamed Kaahin, isaga oo tilmaamaya sidii ay xaaladda ururka SNM u ekayd maalmihii la qaadanayey go’aanka is-miidaaminta ah waxa uu yidhi “Runtii xaalad adag iyo go’aan adag ayey ahayd, laakiin waqtigaa ururka SNM wuu u bislaa inuu qato go’aamo ad-adag siyaasiyan iyo milateri ahaan-ba, waayo waxaanu soo maray marxalado ad-adag oo hore”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Had aan sii fogeyn waxad sugtaa heego iyo roobe

Hillaac caafimaadbaa ku mari hogol daruureede

Heeryada ragbaa kaaga furi hub iyo baaruude

 

Hiddo-dhalad wixii aan ahayn waa lagaa hudine

Hor ilaahay waan kaa xorayn hawshan kuu timiye

Insha-Allah home nabadgelyaa lagugu soo hoyne

Hargeysa ~ "Qaasim" 1984

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

Was the Day the SNM forces smashed the Barre's arrogant military and invaded Burco in 1988.

 

congratulations to those who are still alive and Ilaahay ha u naxariisto intii naftooda ku wayday. Their bravery should be remarked.

For those civilians who did not belong SNM tribes that they messacred. Ilaahay ha u naxariisto as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Snm didn't do nothing, they were fighting since 1980 and achieved no significant results. It was when aideed came they rided on him to distract siyad barre. Your freedom came because of him so give credit where credit is due.

 

Where-as the ssdf took the nationalistic path and said "no we dont destroy our nation" and meles zenawi arrested abdullahi yusuf and put him behind bars in 1985 and he was finally released because menguistu was overthrown not because he was pardoned.

 

USC AND SNM two factions that didn't care for the nation and worked for addis ababa to destroy the nation, hell they even put their own people in jepordy. You think the snm didnt know siyad barre would respond to their actions? of course they knew but they continued and thus didnt care for their people safety and thats when 88 happened. If they cared for their people, they would cease.

 

I don't blame siyad barre 88, i squarly put the blame on snm and not because of tribal prejudice but because when you assess the facts if they didn't fire the first shot their would not be attack on hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cowke wuxuu dhashay 1991 ,, markaa ha la yaabina ,, :D

 

 

Someone here was claiming that he is not qabyaaladiista.. Tell me about it now... SNM maxay tahay?

You need a 101 lesson on SNM adeer ....... U need 2 years of class attendance with full payment in advance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

To be honest with you the SNM has achieved nothing, they fought, died and killed other innocents, but in the end, for Hargeisa to have a proper administration, it all has to be done through compromise and now the state is led by former Siad Barre spy. That much pretty sums the achievement of this old brutal rebel movement.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You can join Cowke's class adeer ......

 

SNM were not a power hungry and all they did is to handover the power to the public to choose whoever they want.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Rather powerless to dictate the pen or call the shots, it's quite amusing to hear (will not be found any dictionary in the world) that a rebel movement in Africa was not a power hungury(don't like power).

 

Adeer, its fact every rebel movement in Somalia failed, they fought and died for nothing, and now every region in the former republic is controlled by its clan. SL and PL formed Admins for their areas.

 

JB'yow, let's just agree to disagree.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I didn't expect you give a credit where it is due adeer ... colaada qabyaalada ayaa kaa xoog badane ,,, put in your diary that the SNM is the only movement who transferred power to its people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You have your own version of history.

 

Abdulahi Yusuf was the only leader to give up power and resign from Presidency in the history of Somalia. A FACT.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this