Sign in to follow this  
Abwaan

[B]Ilaa 71 ruux oo uu ku jiro wiil labo bil jir ah oo u xiran dowladda KMG ah [/B]

Recommended Posts

Abwaan   

Ilaa 71 ruux oo uu ku jiro wiil labo bil jir ah oo u xiran dowladda KMG ah

 

 

Mogadishu 09, May.07 ( Sh.M.Network) Dadka ku dhaqan agagaarka wadada Aadan Cadde ayaa ka codsaday dowladda KMG ah ee Somalia in ay soo deyso dad ay sheegeen in laga qabqabtay xaafadahaasi ka dib qarixii dhowaan ka dhacay halkaasi.

 

Max'uud Cali oo ka mid ah odayaasha ku dhaqan xaafadaha Suuq Sacuudi iyo Tokyo ee agagaarka wadada Aadan Cadde ayaa ugu baaqay dowladda KMG ah ee Somalia in la sii daayo dadkaasi si gaar ah cunug labo bil jir ah oo ku jira dadlaasi , isla markaana ay yihiin kuwo aan waxba galabsan.

 

Waxa uu sheegay in dadkaasi ay tiradoodu gaareyso ilaa 71 ruux oo uu ku jiro cunug yar oo labo bil jir ah iyo hooyadiis, kuwaasi oo loo qabqabtay qarax dhowaan lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada booliska.

 

Waxa uu sheegay in aanu garaneyn kooxihii falkaasi geystay ee qarxiyay gaariga, isagoo ku tilmaamay kooxahaasi kuwo nabad diid ah.

 

Ilaa iyo iminka ma jiraan Mas'uuliyiin u hadashay dowladda KMG ah ee Somalia oo ka war bixiyay arintaan iyo waliba dadka la xir xirey.

 

7 dii bishaan ayaya aheyd markii gaari ay leeyihiin ciidamada booliska lagu qarxiyay Wadada Aadan Cadde, iyadoo qaraxaasi ka dib ciidamada dowladda ee halkaasi gaaray ay xir xireen dadkii ku soo xoomay qaraxaasi oo u badnaa dadka deegaankaasi, waxaana qaraxaasi ku nafwaayay 2 ruux halka 7 kale oo boolis ah ay ku dhaawacmeen.

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this