Sign in to follow this  
Cowke

Galkayo Police Unfoil Explosive Devices. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Gaalkacyo: Booliska Gobolka Mudug Oo Qabtey Qof Wata Waxyaabaha Qarxa.

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Ciidanka Booliska Gobolka Mudug, gaar ahaan kuwooda ka howlgaala magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan qof watey waxyaabaha qarxa.

 

Ciidanka Booliska ayaa fashiliyey waxyaabaha qarxa oo ka kooban saddex garneyl oo la rakibay isla markaana loo diyaariyey in wax lagu qarxiyo, iyadoo falkaasina lagu qabtey gabar yar oo jirta 14 sano, waxayna ku wadey waxyaabahaasi qarxa mid ka mid ah gaari gacanada dadka xoogsada ay ku shaqeystaan.

 

Fashilinta waxyaabahani qarxa ayaa waxaa iska kaashadey Ciidanka Booliska gobolka Mudug iyo Ciidanka Sirdoonka ee gobollka, waxaana waxyaabahaasi qarxa laga soo qabtey gudaha suuqa Xero Dayax oo ah mid ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan magaalada Gaalkacyo.

 

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug G/sare Muuse Axmed C/raxmaan (Xasaasi) ayaa sheegay in ciidanka Booliska iyo kuwa Nabad sugida ee ka howlgala gudaha magaalada Gaalkacyo ay ku guuleysteen in ay fashiliyeen weerar qarax ah oo la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka Gaalkacyo iyo maamulkooda.

 

G/sare Muuse Xasaasi ayaa mahad celin u jeediyey dhamaan ciidamada qalabka sida ee ka howlgala gudaha magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in ay har iyo habeen u taagan yihiin ka hortaga dadka dhibaatada wada iyo daafaca shacabkooda, isaga oo intaa raaciyey in ay hayaan xogta dhabta ah ee waxyaabaha qarxa ee ay maanta ciidanku qabteen, maalinta berito ahna ay soo bandhigi doonaan waxyaaba qaraxa loo diyaariyey iyo ciddii lagu qabtey.

 

Qaraxa la qabtey ayaa ka kooban shan shey, kuwaasi oo ah gumucyada waaweyn ee hoobiyaha oo lagu rakibay qalab kale, kuwaasi oo loo diyaariyey inta meel la dhigo in goob fog laga hago sida ay sheegeen Saraakiisha amniga gobolka, waana qaraxii ugu horeeyay ee lagu qabto qofkii watey gudaha magaalada Gaalkacyo.

 

RBC Radio.

 

taliyaha-qeybta-300x225.jpg

 

Walxaah_Qarxa.1.JPG

 

Walxaah_Qarxa.JPG

 

59.jpg

 

215.jpg

 

314.jpg

 

The Suspect Caught With These Items Is Young Girl. Congratulations Dahir Aweys Using Kids!!!

114.jpg

 

47.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Maadeey the kid is not the problem xooga lacag ayaa qoyskooda loo qora ka bacdi waa lagu shaqeysta.

 

Carurtu waxayba noqdeen commodity la ibsado manta. Its like parents who cant afford to raise their children drop them off at some mosque where they get brainwashed and shabab recruits from there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this