Cowke Posted June 16, 2010 Gaalkacyo: Booliska Gobolka Mudug Oo Qabtey Qof Wata Waxyaabaha Qarxa. Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Ciidanka Booliska Gobolka Mudug, gaar ahaan kuwooda ka howlgaala magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan qof watey waxyaabaha qarxa. Ciidanka Booliska ayaa fashiliyey waxyaabaha qarxa oo ka kooban saddex garneyl oo la rakibay isla markaana loo diyaariyey in wax lagu qarxiyo, iyadoo falkaasina lagu qabtey gabar yar oo jirta 14 sano, waxayna ku wadey waxyaabahaasi qarxa mid ka mid ah gaari gacanada dadka xoogsada ay ku shaqeystaan. Fashilinta waxyaabahani qarxa ayaa waxaa iska kaashadey Ciidanka Booliska gobolka Mudug iyo Ciidanka Sirdoonka ee gobollka, waxaana waxyaabahaasi qarxa laga soo qabtey gudaha suuqa Xero Dayax oo ah mid ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan magaalada Gaalkacyo. Taliyaha Booliska Gobolka Mudug G/sare Muuse Axmed C/raxmaan (Xasaasi) ayaa sheegay in ciidanka Booliska iyo kuwa Nabad sugida ee ka howlgala gudaha magaalada Gaalkacyo ay ku guuleysteen in ay fashiliyeen weerar qarax ah oo la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka Gaalkacyo iyo maamulkooda. G/sare Muuse Xasaasi ayaa mahad celin u jeediyey dhamaan ciidamada qalabka sida ee ka howlgala gudaha magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in ay har iyo habeen u taagan yihiin ka hortaga dadka dhibaatada wada iyo daafaca shacabkooda, isaga oo intaa raaciyey in ay hayaan xogta dhabta ah ee waxyaabaha qarxa ee ay maanta ciidanku qabteen, maalinta berito ahna ay soo bandhigi doonaan waxyaaba qaraxa loo diyaariyey iyo ciddii lagu qabtey. Qaraxa la qabtey ayaa ka kooban shan shey, kuwaasi oo ah gumucyada waaweyn ee hoobiyaha oo lagu rakibay qalab kale, kuwaasi oo loo diyaariyey inta meel la dhigo in goob fog laga hago sida ay sheegeen Saraakiisha amniga gobolka, waana qaraxii ugu horeeyay ee lagu qabto qofkii watey gudaha magaalada Gaalkacyo. RBC Radio. The Suspect Caught With These Items Is Young Girl. Congratulations Dahir Aweys Using Kids!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted June 17, 2010 Cawke, gabadha 14 jirka ah ee madaxa looga jiray ma dawladda hooseey u shaqeysaa?. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 17, 2010 Maadeey the kid is not the problem xooga lacag ayaa qoyskooda loo qora ka bacdi waa lagu shaqeysta. Carurtu waxayba noqdeen commodity la ibsado manta. Its like parents who cant afford to raise their children drop them off at some mosque where they get brainwashed and shabab recruits from there. Quote Share this post Link to post Share on other sites