Liibaan Posted March 18, 2010 Istaaga Guul iyo Gobanimo, Is garabsada, Xornimo doona Guuleystayaal Dhanbaalkani waa mid ku wajahan Dhamaan shacabka SSC, gudo iyo dibadba meel ay joogaan, waa mid ay igu kaliftay qiiro wadaniyad, iyo ka gil gilasho bahdilka maamulada labada garab ee Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo maanta u halgamaya gunimada daraawiish oo ingiriisba jab marisay. Dhamaan shacbiga SSC, dal iyo dibadba waxaan leeyahay ka qayb qaata soo celinta xornimadii, karaamadii iyo meeqaamkii beesheenu kaga jirtay beelaha Soomaaliyeed. Nina looga warami maayo waxa maanta ka soconaya Buurawadal, Garoowe oo toll moodaynay waad aragtaan, maanta ayay duulaan ku soo qaadeen halkii laga unkayay cid isu taagta soo celintii karaamadii SSC, iyo xoraynta cariga cadowgu haysto. Tani waa mid u baahan in laga dhiidhiyo, qorigana loo qaado, dhib iyo xanuun badana loo maro, waan garan karnaa ereyga Darwiish qiimaha uu ka leeyahay luqada Somaaliga, halkaas waxa gaadhsiiyay waa Awoowayaasheen, taasi iskama iman, waxay ku timid dhiig badan oo daatay, maantana sharaftii iyo karaamadii oo aan la soo noqonaa maaha mid sahal isaga imanaysa, waa mid u baahan halgan gobanimo doon, oo aan kaga xoroobayno inta Muruqa iyo maskaxdaba inagu qabsaday, kuwaasi waa Maamulka Puntland oo hada u muuqada cadowgeena koobaad iyo somaliland oo ah cadow soo jireen oo aan lahayn, ilaa halgankii daraawiishna gaalada inoo soo raacaysay, maantana geyigii aan ku abtirsanaynay xalaalaysatay qori caaradiina ku hantiday. Dhalinyarada daraawiisheed meel ay joogaanba waxaan leeyahay kakaca fadhiga, maanta ayaa xornimo idiin ku dhowdahay, u halgama xornimada dalkiina, meel aad joogtaanbana u soo kaca deegaanka looga istaagay xornimo u dirirka SSC. Halganka maanta loo baahanyahay waa mid Naf iyo maal ba ah, waa mid la rabo inaanu noqon afka oo keliya, waa mid xaq u dirir oo waajib muqadis ah, waxaana ku jirta xornimo u noolaanshaha qofkasta oo Reer SSC ah. Dhalinyarada Daraawiisheed maanta waa kuwa meel kasta difaaca kaga jira, waxay joogaan iyagoo tiro beelay Bari oo ku kala horjoogaan beelo diriri dhex martay, waxay ilaalo ka yihiin madaxtooyada Garoowe ee uu ku jiro cadowga cunsuriga ah ee Faroole, waana ninka maanta duulaanka ku ah abaabulka xornimo ee Buura wadal laga wado, waxaan leeyahay ka soo baxa meel walboo aad joogtaan, Imaada carigiina kuna dhinta difaaca dalkiina iyo karaamada shacbigiina. Inta dibada jirta waxaan leeyahay, maanta meel walbaba Minority ayaad ka tihiin, waan la soconaa shakhsi kasta oo reer SSC ah maanta fadeexada iyo wajigabaxa kala kulma goobaha kaftanka iyo fadhi ku diriryada, taasi waa gunimo aan gacanteena ku keensanay, war maanta aan is bada qabano, taageerno dadaalada dib u xorayneed, isla markaasna Maalkiina u hura karaamadiina inaad kula soo noqotaan. Isimadii madaxtooyada shirka kula galay Madaxda Puntland waxaan leeyahay, war iska daaya laba boglaynta, maanta idinkaa dadka maxasta ah bacadka wadhay oo hore waxaad u fasheen ayay natiijadeed tahay, maanta oo loo arkayay in eebe idin solansiiyay wixii mudo dheer la idiin ka fadhiyay, raadkiinii arooryo dib ha u raacina, Puntland miyaanay ahayn tii shalay aan lahayn way ina hagrataye aan ka talo baxno deegaankeenana xoraysano,maanta miyaa la idiinka fadhiyay iyagii ayaan dib uga daba fadhiisanaynaa xornimada dalkeena cadowgu haysto, dibad meerayaal ayaa aan dhul lahayn ayaa meel walba la idiin ka aqoonsaday, sharaftiina sare u qaada, maatada iyo ciyaalkiina idin doortayna u tudha oo hogaan wanaagsan u noqda, hadaydaan sidaas yeelin ogaada maalin dhow gagi cidla ah inaad istaagi doontaan, idinkana tallo bixi shacbigii idin doortay. Laba garaad Jaamac, waxaan leeyahay idinku maanta waad muujiseen dareenkiina Isim ee dhalinyaro, wacyiga maanta jira ayaad miisaan sugan saarteen, waana aragnaa inaad garowsateen, in la helo madaxbanaani Reerku gaadho iyo inaan cidnaba loo daba fadhiisan xornimada iyo nolosha shacbiga SSC, waxaad tihiin laba halyey waxaana idiin haynaa amaan balaadhan, waxaanna Alle idiin ka baryaynaa in uu idin ku guuleeyo howsha balaadhan ee sida hagar li'ida ah aad ugu gudo jirtaan, taageero ayaan idin siinaynaa shacabka aad garaadada u tihiina ee SSC waa idin wada taageersanyahay, waana u bogay halgankiina hagar li'i ee aad u tafa xaydateen. Guulaysta ayaan idin leenahay, maantana raga Hogaanka Isim ah raga ugu dhalinta yar ee la rabo in ay mustaqbalka da'yarta daraawiisheeg badbaadiyaan waa Idinka. Ugu danbayntii waxaan ku gunaanadayaa qoraalkaygan war fadhiga aan ka kacno, hore ayaan isu hagranaye, ninwalba oo ku abtirsada daraawiishna meel uu joogaba waxaan leeyahay kaalinkaaga inaad qaadatid waa lagaa sugayaa, kuwa ku foogan hagar daamaynta dadkoodiina waxaan leeyahay, ka waantooba, hadaydaan ka waantoobina Allah waajibkiina waa idin marinayaa. Mohamed Dayib Quote Share this post Link to post Share on other sites