Sign in to follow this  
General Duke

Addis Ababa: Puntland President trip update: PICS

Recommended Posts

Madaxweynaha PL oo kulamo uga socdaan Ethiopia

3 Sep 3, 2010 - 1:32:43 PM

 

Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku jooga wadanka Ethiopia magaalo ayaa waxaa uu kulamo la galey madaxda dalkaas iyo wakiilada beesha caalamka ka jooga magaalada Addis Ababa.

 

Warkaan oo Garowe Online ka heley xubno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa sheegaya inuu maanta Hotelka uu ka dagan yahay magaalada Addis Ababa kulan hordhac ah kula yeshey Wasiiru dowlaha arrimaha dibada Ethiopia Dr.Tagadhe, waxayna ka wada hadleen xiirika labada dawladood iyo guud ahaan kan Somaliya.

 

 

Madaxweynaha Puntland iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada Ethiopia

Kulankaas ayaa ahaa mid jawi wanaagsan kusoo dhamaadey iyadoo la sheegey in weli socdaan wadahadalada labada dhinac.

 

Dhinaca kale waxaa Madaxweynaha Puntland uu maanta 4.09.2010 Hotelkiisa kula kulmay sarkiil ka socota Midowga Yurub.

 

Xubnahaan uu la kulmey mud. Farole ayaa waxaa kamid ahaa Wakiilka EU-da u fadhiya dalka Ethiopia, Ambassador. H.E. Koen Vervaeke, u qaabilsanaha xafiiska siyaasada (Politiacal Affairs Officer) Mr. Umberto Travollato, la taliyaha xagga ciidamada (Military Advisor) Sandy Wade iyo Thomas Peyker ah Counsellor madaxa dhinaca amniga EU-da geeska Africa (Head of Peace and Security Section).

 

Wadahadaladaan ayaa dhamaantood diirada saararyey xaalada dalka Somalia gaar ahaan Puntland iyadoo tafaasiil dheeraad ah kasoo bixin kulankaas.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Addis-Ababa:(Allpuntland)-Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay kusugnaa magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ayaa halkaas ka bilaabay Kulamo uu la leeyahay madax katirsan Dawlada Ethiopia,Wakiilada Beesha Caalamka ee Addis fadhiya,Saraakiil kasocotay Hay’adaha Amaanka & Siyaasaa ee Midowga Afrika & Madax sare oo katirsan Golaha Amaanka & midnimada ee Qaarada Afrika.

 

Madaxweyne Faroole oo ayaa dhawaan kulan Hotelka uu Addis Ababa ka degenyahay kula qaatay Saraakiil katirsan Dawlada Ethiopia oo uu horkacayey Wasiiru-Dawlaha Arimaha dibada ee dalka Ethiopia Takidh Aluma & madax sare kuwaas oo Madaxweynaha kusoo qaaday arimo badan oo xiriirka labada dal & Iskaashiga Amaanka & Deris Wanaaga kusaabsani ay ka dhexeeyaan mase jiraan Warar faahfaahsan oo kusaabsan Kulanka Madaxdan katirsan Ethiopia & Wafdiga katirsan dawlada Puntland ee halkaas kusugan.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed wuxuu kulan muhiim ah islamarkaasna xaasi ah la qaatey Saraakiil kasocotay Midowga Yurub gaar ahaan Waaxyo ay kamid yihiin Xiririka Caalamiga ah,Siyaasada,Amaanka & Khuburo milatari oo katirsan Midowga Yurub (EU) oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia,waxaana Wafdigan oo madaxweynaha kusoo booqday hotelkiis ay kawada hadleen arimo badan oo aysan Madaxtooyada Puntland weli si rasmi ah u shaacin.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha dawlada Puntland Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Wuxuu la kulmay Madaxda ugu saraysa Golaha Amaanka & Midnimada qaarada Afrika oo ay kawada hadleen Arimo badan,waxaana Kulamadan badankooda Goobjoog ka ahaa Wakiilo kasocda Safiirada Dawladaha Midowga Afrika ee Addis Ababa,Madaxweynaha Puntland wuxuu maalmaha soosocda kusii sugnaan doonaa Magaalad Addis Ababa oo ay weli kulamo badani ugu dhimanyihiin waxaana ujeedada Kulamadani ay yihiin Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland & Afrika & iskaashi dhanka Amaanka ah oo ay Puntland layeelato wadamada Caalamka gaar ahaan afrika & deriskeeda dhow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Melez didn’t had time ha to meet the pirate

:D and he met with wasiiro "dowlaha" arimaha dibadda, not the actual foreign minister.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Early days yet lad don't jump the gun. This deputy Minister who visited him is the Xgrid foreign policy maker of Ethiopia and he traveled to Faroole hotel to start talks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo booqdey askar dhaawac ah

5 Sep 5, 2010 - 6:51:41 AM

 

Madaxwaynaha Puntland Md. Cabdiraxman Maxamed Maxamud oo booqasho ku jooga wadanka Ethiopia magaaladiisa Addis Ababa ayaa maanta 5.09.2010 ku booqday isbitaalka ay ku jiraan qaar ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland ee dhawaan ku dhaawacmey dagaal lagaga saaray deegaanka Galgala maleeshiyada Al- Shabaab kuwaasoo hogaamiyo Maxamed Siciid Atam.

 

Ciidamadan oo in mudo ah ku sugnaa magaalada Addis Ababa ayaa xaaladooda caafimaad iyo tooda nololeedba ay aad u wanaagsanayd.

 

 

Madaxwaynaha ayaa intuu booqanayay ciidanka dhaawaca ah mid mid u gacan qaaday una duceeyay, waxuuna uga tacsiyeeyay ragii asxaabtooda ahaa ee ku nafyayay goobtii dagaalka. Waxa kaloo uu sheegay in la abaal-marin doona ayna taariikhda dalka baal dahab ah ka galidonaan dhamaantood.

 

Askartan dhaawaca ah oo niyadoodu ay aad u wanaagsanayd ayaa si wayn ugu farxay booqashada madaxwyanaha oo lama filaan ku noqotay, waxayna ugu warbixiyeen xaaladooda caafimaad iyo dhaqaale iyagoo weliba uga mahadceliyay madaxwaynaha dadaalka uu u galay in caafimaadkooda iyo sida uu uga fakarayo xaaladooda.

 

 

Siciid Gureye oo ka mid ahaa askarta dhaawaca ah ayaa isagoo madaxwaynaha la hadlaya waxa uu yiri "....madaxwayne khayr ALLAHA ku siiyo..waxaan ciidanka ahaa in ka badan 40 sano, intii ay Puntland jirtayna askari baan ahaa weli ma arag sida ciidanka hadda loo xanaanaynayo oo looga fakarayo....".

 

Booqashada Madaxwaynaha oo qaadatay ugu yaraan laba saacadood ayaa waxa uu ugu dambayntii u mahadceliyay dawladda Ethiopia iyo dhakhaatiirta ka shaqaysa Isbitaalka guud ee Addis, kaalintii ay ka qaateen ogolaanshaha iyo la tacaalidda ciidankaas.

 

Dowladda Puntland ayaa dhaawacyada halista ah ee ciidamada Daraawiishta u qaadeysay intii ay socdeen dagaalka Galgala wadanka Ethiopia iyo Jabuuti.

 

Dowlada Jabuti iyo Ethiopia aya balan qaadey in dhawacyada ciidamada Darawiishta  ku daaweyn doonaan wadamadooda.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:Madaxweynaha Puntland oo kulamo muhiim ah uga socdaan dalka Ethiopia..(War-Saxaafeed).

6. september 2010

 

Garoowe:(Allpuntland)-Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa weli kusugan magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu todobaadkii tagay u dhoofay,waxaana uu halkaas kawadaa kulamo kaladuwan,isagoo maantana booqday Dhaawacyada Askartii dhawaan ku dhaawacantay Dagaalka Galgala oo dalka Ethiopia lagu dabiibayo.

 

Hadaba Madaxtooyada dawlada Puntland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay Safarka Madaxweynaha iyadoo soo saartay Warsaxafaadeed,waxaana uu Warsaxaafadeedkaasi u qornaa sedan:-

 

Warsaxaafadeed

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) oo booqasho ku jooga Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa maalintii afaraad halkaasi uga socdaan kulamo muhiim ah.

 

Madaxweynaha iyo Wafdi ka tirsan Xukuumadda Puntland ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda deriska ee Ethiopia iyo weliba sarakiil ka socota Ururka European Union (EU) oo fadhigoodu yahay Magaalada Addis Ababa.

 

Mas’uuliyiinta Dowladda Ethiopia oo uu horkacayo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibada Dr. Takeda Alemu ayaa kulan la qaatay Madaxwenaha Puntland iyadoo laga wada hadlay arrimaha guud ee amaanka dalka Somalia iyo arrimaha u gaarka ah Dowladaha Ethiopia iyo Puntland, gaar ahaan dhinaca amaanka iyo ganacsiga.

 

Dhowaan ayaa la bilaabay diyaarad si toos ah uga dhexshaqaysa Addis Ababa iyo Garowe iyadoo talabadaasi ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada Dowladadood.

 

Sidoo kale, Wafdiga Puntland ayaa kulamo la yeeshay Sarakiisha EU-da u joogta Magaalada Addis Ababa oo uu horkacayay Ambassador Koen Vervaeke oo ku magaacaban Wakiilka gaarka ah ee EU-da ahna Madaxa EU Commission u jooga Ururka African Union oo xaruntiisu tahay Addis Ababa.

 

Amb. Vervaeke waxaa kulankaasi ku wehliyay Sarakiil kale oo ka socota EU-da oo ay ka mid ahaayeen sarakiil u qaabilsan arrimaha Siyaasadda iyo Militariga.

 

Kulamadaasi ayaa dhamaantood waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Dowladda Puntland iyo Ururka EU-da oo arrimaha Somalia ku howlan, gaar ahaan dhinaca Nabadaynta iyo Hor’umarka iyadoo la filaayo in EU-da ay mashaariic kala duwan ka bilawdo Gobollada Puntland oo ah goobaha ugu nabdoon dalka Somalia.

 

Dhanka kale, Madaxweyne C/raxman Farole ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Askar ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo daaweyn loo geeyey isbitaal ku yaala Magaalada Addis Ababa.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa amaanay geesinimada Askartaan isagoo ugu duceeyey inuu ILAAHAY caafimaad siiyo, wuxuuna u balanqaaday abaalmarino dhan kasta ah.

 

Madaxweyne C/raxman Farole wuxuu mahadcelin balaaran u jeediyay dhaqaatiirta Isbitaalkaas oo ku howlan daaweynta dhaawaca Ciidamada Darawiishta oo dagaalo adag la galay kana adkaaday kooxda Al Shabaab oo dhuumaalaysiga ku joogta Buuraleyda Galgala iyadoo firxad kooxdaasi Argagaxisada ah ka tirsan ay Ciidamada Darawiishta weli **** joogaan.

 

Askarta Daraawiishta dhawaaca ah ayaa si weyn ugu mahadceliyay Madaxweynaha booqashadiisa iyagoo amaanay qaabka ay Dowladda Puntland isaga xilsaartay xanaanaynta iyo ka warqabida Ciidamada Dowladda oo amaanka Puntland ka shaqeeya maalin iyo habeenba.

 

Madaxtooyada Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this