Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Huge demo against clan courts...

Recommended Posts

Mudaharaad looga soo horjeedo Midawga Maxkamadaha oo maantya ka dhacay Magalada Galkacyo

Posted to the MOL November 10, 2006, 9:44 am

 

 

Gaalkacyo:- Mudaharaad rabshado wata oo ay soo qabanqaabiyeen dadwaynaha magalada galkacyo ayaa maantay ka dhacay bartamaha magalada galkacyo ayagoo dadku ay socod kumareen dhamaan xaafadaha magalada ka kooban tahay iyagoo wata boorar ay ku qoran yihiin hadalo looga soo horjeedo midawga maxkamadaha, Dad Aad u farabadan ayaa isugu soo baxay banaan bax ka dhacay magaalada galkacyo halkaas oo ay ku dhawaaqayeen hadalo ay ka mid ahaayeen dooni mayno maxaakiimta dooni mayno Calooshiis u shaqeeste Dooni Mayno Doolar Qaate.

 

 

Mudaharaadkaan ayaa ku wajahanaa Ganacsatadii lagu soo xiray xabsiga magalaada galkacyo ee been abuurka ka sameeyey masuuliyiin farabadan oo aan ku luglahayn liiskii ay soo qoreen Dadka lagu tilmaamay in ay iyagu qaateen lacago si ay khalkhal nabadgalyo daro uga sameeyaan magalada galkacyo oo ah magalo xasiloon.

 

Banaan baxaan oo socday saacado ayaa ay soo mareen xaafadaha magalada galkacyo iyo bartahamaha magalada iyadoo ay hadaladooda ay ku dhawaaqayeen ay ka mid ahaayeen Dooni mayno Doolar Qaate iyo kuwa kale.

 

 

Majirin wax masuuliyiin ah oo soo qaban qaabiyay Mudaharaadkaan oo hadalo ka jeediyay marka laga reebo dadwaynaha oo iyago barxadaah magaalda rabshado iyo qaylo ka waday ayaa markii danba iskii ukala tageen dadkii mudaharaadyay.

 

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Dibad bax aad u ballaran oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Jimce, November 10, 2006

 

Gaalkacyo (AllPuntland)- Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maanta ka dhacay dibad bax aad u ballaaran oo looga soo horjeeday maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Dibad baxani oo ay soo qaban qaabiyeen ururada bulshada rayidka ah ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad u fara badan oo u badnaa dhaliyaro iyo haween.

 

Dadkani ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo lid ku ah taageerayaasha maxkmadaha magaalada Muqdisho.

 

Waxa ay socod ku soo mareen wadooyinka waawayn ee magaalada iyo goobaha ay ku kulmaan dadka ee lagu qaxweeyo.

 

Waxa dhibaato ah kama dhicin dibad baxaasi iyada oo ay hadallo u jeediyeen qaar ka mid ah qaban qaabiyayaashii dibad baxa.

 

Isku soo wada duuboo waxa uu watay dibad baxaani dareen aad u ballaaran, iyada oo lagu tilmaamay kii ugu ballaarnaa ee looga soo horjeedo maxkamadaha Muqdisho oo ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo: 10-11-06 {Allmudug.com}

 

Mudaharaad rabshado iyo dhagaxtuur wata oo ka saaka ka dhacay magalada galkacyo

 

Dad Aad u farabadan ayaa isugu soo baxay banana bax ka dhacay magaalada galkacyo halkaas oo ay ku dhawaaqayeen hadalo ay ka mid ahaayeen dooni mayno maxaakiimta dooni mayno Calooshiis u shaqeeste Dooni Mayno Doolar Qaate.

 

Mudaraadkaan oo ay soo qaba qaabiyeen shacabka ku nool magalaada galkacyo ayaa sitay boorar iyo makarafoono ay hadaladooda ku soo jeedinayeen wallow uu markii danbe sii balaartay banaan baxaas oo uu noqday mid saameeyey rabshado badan kadib markii ay dadka dhigayey banaan baxaas ay albaabada u laabeen Meelo badan oo furnaa iyo iyaga oo ja jabiyey kuraasyadii horyaalay meheradaha ku dhexyaala Magalaada Galkacyo.

 

Mudaharaadkaan ayaa ku wajahanaa Ganacsatadii lagu soo xiray xabsiga magalaada galkacyo ee been abuurka ka sameeyey masuuliyiin farabadan oo aan ku luglahayn liiskii ay soo qoreen Dadka lagu tilmaamay in ay iyagu qaateen Daalarka ahna Calooshood u shaqeestayaal.

 

Banaan baxaan oo socday saacado ayaa ay soo mareen xaafadaha magalada galkacyo iyo bartahamaha magalada iyadoo ay hadaladooda ay ku dhawaaqayeen ay ka mid ahaayeen Dooni mayno Doolar Qaate iyo kuwa kale.

 

Isku soo wada duuboo Banaan baxana rabshadaha wata iyo Dhagaxtuurka ayaa ah mid lagu doonayo in lagu muujiyo in ay shacabka Gobolka mudug ay Gabi ahaanba ka soo horjeedaan Midowga Maxaakiimta Muqdisho iyo Waxa ay ku tilmaameen Dadka iyagu Doolarka Qaata ee Calooshood u shaqeestayaashaa.

 

Farxaan Yasin Mire {isqootax} isqootax@hotmail.com

 

webmaster@allmudug.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Iimaan Xasan jiirow oo ah afhayeenka maamulka Galmudug ayaa waxaa uu dhaleeceen ba’an ujeediyay maamulka ay dariska yihiin ee Puntland.

 

 

Iimaan Xasan Jiirow

Waxaa uu ku sheegey hadallo uu dhawaan jeediyey madaxweynaha maamulka Puntland Cadde Muuse Xirisi uu ku sheegey in qabiil uu ku soo duulaayo Pintland qabiil kaloo ay isku dhow yihiina uu difaacaayo oo uu kala qeyb qaadanaayo daafaca Puntland iyo Galmudug intaba.

 

Mr Jiirow ayaa sheegey in hadaladaasi ay yihiin kuwo colaad sii hurin kara oo cadow tooyo sii abuuri kara.

 

Waxaa uu Mr Jiirow ugu baaqey ciidamada Maamulka Puntland inay isaga baxaan dhulalka Galmudug State oo dhawaan looga dhawaaqey K/Gaalkacyo.

 

Iimaan Xasan jiirow ayaa mar Shabelle waydiisey waxa keeney in hadalladaasi ay hadda ku dhawaaqaan loo fasiran karo xiriir ay la sameeyeen maxaakiimta islaamka,ayaa waxaa uu sheegey inaaney jirin wax xiriir ah oo dhexmarey maxaakiimta Islaamka iyo iyaga,laakiin hadallada qaar ee Puntland ka soo yeeray ay iyaga dhibeyso.

 

Dhaleeceenta Maamul G/leedka Puntland loo jeediyey ayaa waxaa illaa iyo hadda aaney ka hadlin maamulkaasi,inakastoo aan xiriiro la sameyney haddana noo suura gali weydey inaan wax war ah ka helno.

 

Waxaa dhamaan arimhaani ay ku soo beegmayaan xilli dhawaanahan xiisado ka aloolsaneyd deegaanada gobolada Dhexe oo u dhaxeeyey Maxaakiimta Islaamka Iyo Puntalnd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this