Jacaylbaro Posted October 22, 2007 Madaxweynaha Somaliland iyo Gudoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID iyo Xoghayaha UDUB Oo Kulan Qasriga Ku Yeeshay hadhwanaag 2007-10-21 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo uu weheliyo ku-xigeenkiisa, Md.Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta la kulmay Guddoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo KULMIYE Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Md.Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] iyo xog-hayaha Guud ee Xisbiga talada haya ee UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale. Kulankaas oo saaka ka dhacay Qasriga Madaxtooyada, wax war oo rasmi ahi kama soo bixin. Hasa yeeshee, kulankaas waxa lagaga wada hadlay xaaladda Gobolka Sool, oo ay isla qaateen si wada-jir ah Dawlada iyo Axsaabta Qaranku inay isku aragti iyo Siyaasad mideysan ka yeeshaan Gobolka Sool, halkaas oo ciidamada Somaliland dhowaan kala wareegeen Maamul Goboleedka Puntland oo gacanta ku hayey muddo 5 sannadood ah. Sida waxa shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com u Xaqiijiyey Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo aanu Caawa goorihii danbe khadka Mobile-ka Gagacanta Ku Wareysanay, isaga oo wakhtigaa ku sugnaa aqalkiisa. “Madaxweynuhu Waxa uu War-bixin naga siiyey halka ay mareyso Guushii ay Gobolka Sool Ciidamada Somaliland ka soo hooyeen iyo Waxa uu qorshe hayo, Anaguna [uCID iyo KULMIYE] wixii talo aan siin kareynay waan siinay” Sida waxa yidhi Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.oo ka hadlayey waxa uu Madaxweynuhu kala hadlay iyaga. Guddoomiyayaasha labada xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID, Md. Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] iyo Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha talooyin ka siiyey sidii lagu hanan lahaa shacbiga ku nool Sool, iyo weliba siyaasadii lagu Xasilin lahaa, Waxaanay Sadexda Xisbi Qaran iyo Dawladu isku raaceen in Siyaasad mideysan iyo barnaamuj lagu Walaaleynayo loo sameeyo dadka ku nool Gobolka Sool. Isla markaana ay arrintan u aqoonsadeen arrin Qaran. Waxa kale oo Faysal Cali noo xaqiijiyey oo sheegay inay Sadexda Xisbi qaran iyo Dawladu isku raaceen isku aragti iyo Siyaasad Mideysan inay ka yeeshaan Gobolka Laas-caanood. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Waxa uu sheegay inay isku raaceen Sadexda Xisbi Qaran iyo Dawladu qodobada tan, isla markaana waxa uu xusay in beri ay dhamaantood si wadajira qodobada ay ku heshiiyeen ku dhawaaqidoonaan, Waxyaabaha ay Sadexda Xisbi iyo Dawladu ka wada hadleen waxa uu Gudooomiyaha Xisbiga UCID ku tilmaamay inay kala yihiin:- In Dadka Ku nool Gobolka Sool loo sameeyo barnaamuj lagu Walaaleynayo dhexdooda., Shacbiga kale ee reer Somaliland loogu soo xidhi lahaa. Inay Dawladu mudnaanta siiso sidii Magaalada Laas-caanood dib loogu dhisi lahaa iyo Deegaanada ku xeeran. In la sameeyo guddi Qaran oo taakuleyn ugu hawl-gasha sidii ay Deegaanadasi u heli lahaayeen. In Aduunka loo sheego inay Somaliland taagan tahay Xuduudkeedi oo aanay dhaafeyn. In Cabdilaahi Yuusuf looga digo inuu joojiyo bronbagaandada uu wado ee uu tolaay yaa reer hebelay uu ku kicinayo Soomaalida Kililka shanaad ee Ethiopia. In Idaacada BBC-da oo noqtay bronbagaando ay adeegsanayaan Maamulka ******teeniya oo dadka iska horkeenaysa. In Madaxda Idaacada BBC-da loo sheego isku dirka ay wado. Iyo In Idaacada Radio Hargeysa si dhakhso ah loo gaadhsiiyo meelaha ay cidkasta oo reer Somaliland ahi ku nooshahay si ay halkaasi Siyaasada iyo fariimaha Somaliland kala socdaan. Iyo inay Sadexda Xisbi Qaran ay shirjaraa’id oo wada jir ah ay Beri [isniin] qabtaan oo ay ku taageerayaan Siyaasada Somaliland ee ku Waajahan Laas-caanood. Sidoo kale, Waxa la sheegay inuu Madaxweynuhu xalay la kulmay Shir-guddoonka Guurtida, halka Shir-gudoonka Wakiillada uu ku sii sime ka yahay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad, Md. Baashe Maxamed Faarax uu isagana la kulmay maanta. Quote Share this post Link to post Share on other sites