Gabbal Posted February 18, 2006 Haweeneydii loogu magac daray degmada B/xaawo oo iyadoo 100 sano jir ah sheegtay in abaarta ka jirta deegaankaasi aysan horay u soo marin Xaawo Max’ed oo ah haweeneydii loogu magac daray degmada B/xaawo, isla markaana mudulkii ugu horreeyey ka dhisatay degmadaasi ayaa sheegtay in abaarta ka jirta deegaankaasi ay tahay mid aan horay u soo marin Gedo. Xaawo Max’ed oo u warameysay Idaacadda Shabele ayaa sheegtay in da’deedu ay caga-cageyneyso 100 sano, isla markaana xaalad aad u darran ay ka jirto B/xaawo, waxeyna xusay in loo baahan yahay in gargaar bini’aadanimo lala soo gaaro deegaankaasi. Dhinaca kale, mid ka mid ah nabadoonada beesha ********* laguna magacaabo Ugaas Max’ed Weli ayaa sheegay in gobolka Gedo aan looga baahneyn hay’ado samafal ayna dadka deegaanku gudahooda iska caawiyaan, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in hay’adaha samafalka ay horay dhowr jeer u lugooyeen gobolkaasi. Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho Ku noqo beejka Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sayyid Posted February 18, 2006 Illahay ha sahlo, wax kale la samayn karo majirto! Quote Share this post Link to post Share on other sites