Thankful Posted February 12, 2010 Horseednet Labo Beelood oo Heshiis ku gaaray Magaaladda Qardho(Sawiro). February 11, 2010Waxaa Maanta Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar lagu soo gabagebeeyay Wajigi 2aad ee Shirkii Dib u heshiisiinta ee baho wada dhashey oo shaqaaqo dhexmartey,Barnaamijka lagu Heshiisinayay labadda Beelood ayaa waxaa horay usoo Agaasimay Madaxweynihi hore ee Punland Gen.Cadde Muuse, waxaana horay loo Qabtay hal waji oo la xiriira Wadahadalka Labadda Beelood. Wajiga 2aad ee Heshiiska Labadda Beelood ayaa Maanta u dhacay Labo Qeybood, Qeybtii hore ayaa ahayd kala Gudoosiinta Labadda Beelood Hanti Geela oo garaysa 83 Tuldood, kuwaasi oo horay loogu Xukumay Labadda Beelood inay is dhaafsadaan, iyadoo lagu Salaynayo Dilalki ka dhex-dhacay Labadda Beelood Bishii la soo Dhaafay ee December-2009. Madasha lagu kala Qaadanayay Jifida Geela ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihi Hore ee Puntland Md.Cadde Muuse,Gudoomiyaha Gobolka Karkaar C/quraan Maxamed Aadan,Duqa Degmadda Qardho Cismaan Buux cali,Aqoonyahano iyo Nabadoono. Beesha Bahyaaquub (Reer Kulan) waxaa la siiyay Geel gaaraya 50 halaad oo ah Jifida Gabar iyo Wiil ku dhintay Qalalaasihi hore u dhacay, waxaana u Gudoomay Nabadoon Cali Faarax Dhagan, halka Beesha Warfaa cali(Bahdirooble) la siiyay 33 Halaad oo ah Jifida Cali Maxamed Siciid,waxaana u Gudoomay Nabadoon Faarax Bile Cali Faahiye. Qeybtii Labaad ee Heshiiska ayaa waxaa ay ka Dhacday Hoolka Shirarka Dowladda Hoose ee Degmadda Qardho,Qeybtan ayaa ku saabsanayd Warbixinta Wajiga Labaad ee Wadahadalka Labadda Beelood waxaana ka soo Qeybgalay Ergo ka kala socotay Labadda Beelood,Masuuliyiinta Gobolka,Degmadda Qarhdo,Aqoonyahano,Culuma’udiin,Nabadoono iyo Madaxweynihi hore ee Puntland Cadde Muuse. Ugu horayntii waxaa hadalka Furay Sheekh Axmed Cawaale oo ka mid ahaa Gudigi Xalinta Khilaafaadka Labadda Beelood isagoo halkaasi ka jeediyay Khudbad Diini ah oo ku saabsan Dilka Xaqdaradda ah iyo Nabadgelyadda,Sheekha ayaa ku dheeraday Muhiimada ay leedahay Heshiis iyo Nabad la gaaro si Barwaaqo loogu Noolaado. Gudoomiyaha Degmadda Qardho Md:Cismaan Buux cali ayaa isna Halkaasi ka hadlay,Cismaan Buux ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay Heshiiskan ay Gaareen Labadda beelood ee Walaalaha ah,Wuxuuna Gudoomiyuhu ku nuuxnuuxsaday in Magaaladda Qardhoay tahay Goob Nabad iyo Barwaaqo looga Bartay isla Markaana ay hadda Soo dhoweynayaan Heshiiska Labadda Beelood. Waxaa kaloo Hadal la siiyay Madaxweynihi hore ee Puntland Gen:Cadde Muuse,Cadde ayaa ugu Baaqay Labadda Beelood inay Degenaanshaha Ilaaliyaan isagoo sheegay in Beeshu ilaaliso Nabadda iyo Degenaanshaha iyadoo Xaq dhowraysa buu yiri beelaha kale ee deriska la ah. Gabagabadii Shirka ayaa waxaa Gudoomiyaha Guddigi Xalinta Khilaafaadka Labadda Beelood Nabadoon Cismaan Ciise Fikad kala Gudoonsiiyay Labadda Beelood Lacag gaaraysa $23,000 iyo $200. 1-Beesha Bahyaaquub waxay heshay Lacag Gaaraysa $8200. 2-Beesha Bahdirooble waxay heshay Lacag Gaaraysa $15,000 . Si kastaba ha ahaate Dadkii halkaa ka hadlay Waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Karkaar,C/quraan Maxamed Aadan iyo Gudoomiyihi Guddiga Xalinta Khilaafaadka Labadda Beelood Nabadoon Cismaan Ciise Fikad iyagoo Dhamaantood ku baaqay in Nabadu ay Qaali tahay,Isla markaasna ay tahay wax lagu farxo in Maanta Labadan Beelood ee Walaalaha ah Gaaraan Hehiis dhab ah. C/rashiid Maxmed Daahir Hoseedmedia,Qardho Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 12, 2010 Great news. Allow Soomaali wada Heshiisaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
IsseRiyole Posted February 12, 2010 Waan filayay in aan arko arrintan sida wacan loo dhameeyey, wallee Qardho oo aysan heshiis ka jirin Puntland ma meel marayso. Love Qardho waryaada waxba ha is qaniinin.ka soco Quote Share this post Link to post Share on other sites