Sign in to follow this  
Thankful

After months of negotiation, Qardho makes a peace deal! (Pics)

Recommended Posts

Thankful   

Horseednet

 

bff3a6038b778be73931191ccc41c3da.gif

 

 

Labo Beelood oo Heshiis ku gaaray Magaaladda Qardho(Sawiro).

February 11, 2010Waxaa Maanta Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar lagu soo gabagebeeyay Wajigi 2aad ee Shirkii Dib u heshiisiinta ee baho wada dhashey oo shaqaaqo dhexmartey,Barnaamijka lagu Heshiisinayay labadda Beelood ayaa waxaa horay usoo Agaasimay Madaxweynihi hore ee Punland Gen.Cadde Muuse, waxaana horay loo Qabtay hal waji oo la xiriira Wadahadalka Labadda Beelood.

 

Wajiga 2aad ee Heshiiska Labadda Beelood ayaa Maanta u dhacay Labo Qeybood, Qeybtii hore ayaa ahayd kala Gudoosiinta Labadda Beelood Hanti Geela oo garaysa 83 Tuldood, kuwaasi oo horay loogu Xukumay Labadda Beelood inay is dhaafsadaan, iyadoo lagu Salaynayo Dilalki ka dhex-dhacay Labadda Beelood Bishii la soo Dhaafay ee December-2009.

 

Madasha lagu kala Qaadanayay Jifida Geela ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihi Hore ee Puntland Md.Cadde Muuse,Gudoomiyaha Gobolka Karkaar C/quraan Maxamed Aadan,Duqa Degmadda Qardho Cismaan Buux cali,Aqoonyahano iyo Nabadoono.

 

Beesha Bahyaaquub (Reer Kulan) waxaa la siiyay Geel gaaraya 50 halaad oo ah Jifida Gabar iyo Wiil ku dhintay Qalalaasihi hore u dhacay, waxaana u Gudoomay Nabadoon Cali Faarax Dhagan, halka Beesha Warfaa cali(Bahdirooble) la siiyay 33 Halaad oo ah Jifida Cali Maxamed Siciid,waxaana u Gudoomay Nabadoon Faarax Bile Cali Faahiye.

 

Qeybtii Labaad ee Heshiiska ayaa waxaa ay ka Dhacday Hoolka Shirarka Dowladda Hoose ee Degmadda Qardho,Qeybtan ayaa ku saabsanayd Warbixinta Wajiga Labaad ee Wadahadalka Labadda Beelood waxaana ka soo Qeybgalay Ergo ka kala socotay Labadda Beelood,Masuuliyiinta Gobolka,Degmadda Qarhdo,Aqoonyahano,Culuma’udiin,Nabadoono iyo Madaxweynihi hore ee Puntland Cadde Muuse.

 

Ugu horayntii waxaa hadalka Furay Sheekh Axmed Cawaale oo ka mid ahaa Gudigi Xalinta Khilaafaadka Labadda Beelood isagoo halkaasi ka jeediyay Khudbad Diini ah oo ku saabsan Dilka Xaqdaradda ah iyo Nabadgelyadda,Sheekha ayaa ku dheeraday Muhiimada ay leedahay Heshiis iyo Nabad la gaaro si Barwaaqo loogu Noolaado.

 

Gudoomiyaha Degmadda Qardho Md:Cismaan Buux cali ayaa isna Halkaasi ka hadlay,Cismaan Buux ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay Heshiiskan ay Gaareen Labadda beelood ee Walaalaha ah,Wuxuuna Gudoomiyuhu ku nuuxnuuxsaday in Magaaladda Qardhoay tahay Goob Nabad iyo Barwaaqo looga Bartay isla Markaana ay hadda Soo dhoweynayaan Heshiiska Labadda Beelood.

 

Waxaa kaloo Hadal la siiyay Madaxweynihi hore ee Puntland Gen:Cadde Muuse,Cadde ayaa ugu Baaqay Labadda Beelood inay Degenaanshaha Ilaaliyaan isagoo sheegay in Beeshu ilaaliso Nabadda iyo Degenaanshaha iyadoo Xaq dhowraysa buu yiri beelaha kale ee deriska la ah.

 

Gabagabadii Shirka ayaa waxaa Gudoomiyaha Guddigi Xalinta Khilaafaadka Labadda Beelood Nabadoon Cismaan Ciise Fikad kala Gudoonsiiyay Labadda Beelood Lacag gaaraysa $23,000 iyo $200.

 

1-Beesha Bahyaaquub waxay heshay Lacag Gaaraysa $8200.

 

2-Beesha Bahdirooble waxay heshay Lacag Gaaraysa $15,000 .

 

Si kastaba ha ahaate Dadkii halkaa ka hadlay Waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Karkaar,C/quraan Maxamed Aadan iyo Gudoomiyihi Guddiga Xalinta Khilaafaadka Labadda Beelood Nabadoon Cismaan Ciise Fikad iyagoo Dhamaantood ku baaqay in Nabadu ay Qaali tahay,Isla markaasna ay tahay wax lagu farxo in Maanta Labadan Beelood ee Walaalaha ah Gaaraan Hehiis dhab ah.

 

C/rashiid Maxmed Daahir

Hoseedmedia,Qardho

 

8707c0372d3582e0425461bb770c7341.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waan filayay in aan arko arrintan sida wacan loo dhameeyey, wallee Qardho oo aysan heshiis ka jirin Puntland ma meel marayso. Love Qardho waryaada waxba ha is qaniinin.ka soco

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this