Jacaylbaro Posted September 10, 2008 Qarax aad u xooggan ayaa lala beegsaday xarunta maamulka Puntland ee Garowe xilli uu ka socday shir looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa kooxaha burcad badeedka Soomaalida ee ka soo jeeda degaannada Puntland, kuwaas oo fadhiisinka ka dhigtay xeebaha degmada Eyl ee Puntland. Qaraxaas ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaadhay Taliyaha qaybta Gobolka Nugaal Col. Axmed Jaamac C/raxmaan, mana la oga cidda ka dambeysay iyo sidoo kale cidda loola dan lahaa. "Qarax loo adeegsaday walxaha qarxa ayay ahayd, waana mid meesha la keenay sida aan aaminsanahay, waayo meesha nooma oolin wax qarax sameyn kara" ayuu yidhi Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Col. Axmed Jaamac C/raxmaan oo warbaahinta la hadlay xilli dhaawiciisa lagu dabiibayay Cusbitaalka Garowe . Dhaawaca soo gaadhay Taliyaha qeybta Nugaal ee Booliska ayaa ah mid fudud, mana jirin cid kale oo qaraxaasi wax ku noqotay, waxaase wax layaab ah ku noqday mas’uuliyiinta maamulka Puntland in qarax miino la dhigo xarunta maamulka Puntland ee Garowe oo si aad ah ammaankeeda ay u adkeeyaan ciidamo ka tirsan maamulkaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 10, 2008 web page Allah ha sahlo ...... Quote Share this post Link to post Share on other sites