Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Explosion in Garowe

Recommended Posts

Qarax aad u xooggan ayaa lala beegsaday xarunta maamulka Puntland ee Garowe xilli uu ka socday shir looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa kooxaha burcad badeedka Soomaalida ee ka soo jeeda degaannada Puntland, kuwaas oo fadhiisinka ka dhigtay xeebaha degmada Eyl ee Puntland.

 

Qaraxaas ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaadhay Taliyaha qaybta Gobolka Nugaal Col. Axmed Jaamac C/raxmaan, mana la oga cidda ka dambeysay iyo sidoo kale cidda loola dan lahaa.

 

"Qarax loo adeegsaday walxaha qarxa ayay ahayd, waana mid meesha la keenay sida aan aaminsanahay, waayo meesha nooma oolin wax qarax sameyn kara" ayuu yidhi Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Col. Axmed Jaamac C/raxmaan oo warbaahinta la hadlay xilli dhaawiciisa lagu dabiibayay Cusbitaalka Garowe .

 

Dhaawaca soo gaadhay Taliyaha qeybta Nugaal ee Booliska ayaa ah mid fudud, mana jirin cid kale oo qaraxaasi wax ku noqotay, waxaase wax layaab ah ku noqday mas’uuliyiinta maamulka Puntland in qarax miino la dhigo xarunta maamulka Puntland ee Garowe oo si aad ah ammaankeeda ay u adkeeyaan ciidamo ka tirsan maamulkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this