Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: UN delegation hold talks with Puntland President: PICS

Recommended Posts

garoonka-290x240.jpg

 

 

Wefdi ka socda Qaramada Midoobey oo maanta soo gaarey Garoowe

Monday, January 19th, 2009 at 7:54 pm

Horseed Media

 

Garowe

 

Waxaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland soo gaaray Mike Bowden isuduwaha hawlaha bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

 

Mr. Bowden waxa uu ka soo degay garoonka dayuuradaha ee magaalada Garowe galabnimadii Isniinta isagoona wadahadal kooban la qaatay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud.

 

Kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo Mr. Bowden wuxuu ahaa mid soo dhoweyn ah, waxaana la filayaa in maalinta berri ahay yeeshaan kulan ay looga hadli doono hawlaha UN-ka ee Puntland.

 

Waxaa la filayaa Mr. Bowden inuu xukuumadda cusub ee Puntland uu kala arrinsado arrimaha la xiriira ammaanka iyo sidii shaqaalaha UN-ku ay ugu suurtogeli lahayd inay dib dalka ugu soo laabtaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhinaca waxaa galabta saacadu markii ay ahayd afartii galabnimo Garoonka Konoko ee Magaalada Caasimada DGPL ee Garowe ka soo degay Wefti qaramada Midoobay ka mid ah oo uu hoggaaminayo xiriiriyaha arrimaha Bani’aadanimada ee Soomaaliya Mr Mark Bowden.

 

Weftigan ayaa markii ay soo degeenba waxa loo soo gelbiyey xarunta Madaxtooyada ee DGPl,waxaana halkasi ku qaabilay Madaxweynaha DGPl iyo ku xigeenkiisa,waxaa kaloo joogay wasiir Ammniga iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada.

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland

19. Januar 2009

 

Garoowe(AllPuntland)- Wafdi ka socda Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hey'addaha samafalka ayaa gelinkii danbe ee maanta waxaa magaalada Garowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland soo gaaray wafdigaasi oo uu hoggaaminayey isu-duwaha hawlaha bani’aadanimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

 

Wafdigan oo ka soo degay garoonka diyaaraddaha ee ku yaal duleedka magaalada Garowe, ayaa markii ay soo gaareen magaalada waxay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, kuwaasi oo ka wada hadlay arrimaha gargaarka iyo xilka ka saaran Hey'addahan u gargaarida shacabka Puntland.

 

Warar laga helayo xarunta Madaxtooyadda ayaa sheegaya in kulankani aan si weyn la iskula soo qaadin howlaha baaxada leh ee Hey'addaha Qaramada Midoobay looga fadhiyo iney ka qabato deegaanada Puntland, hase ahaatee wafdigan ayaa hambalyey iyo soo dhoweyn u jeediyay Madaxweynaha cusub, iyadoo berina kulan lagu lafo gurayo arrimaha horyaala hey'addahan iyo xukuumadda cusub uu ka dhici doonaa xarunta Madaxtooyadda.

 

Kulankaasi ayaa la filayaa in looga hadli doono arrimaha gargaarka bini'aadanimo ee Hey'addaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan Puntland, iyadoo sidoo kale looga hadli doono arrimaha amaanka iyo suurtagalnimada sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen Hey'addaha Qaramada Midoobay Puntland oo horay ay uga baxeen kadib markii xaaladaha amaan ee ka jira Puntland cabsi ka muujiyeen, howlaha gargaar ee loogu talagalay Puntland-na ay ka wadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo magaalooyinka kale ee xasiloonida ka jirta.

 

AllPuntland, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this