ANWAR Posted July 13, 2006 Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ay wehliyaan Wasiirka Arimaha Gudaha Federaalka Soomaaliya Md. Xuseen Maxamed faarax Caydiid, Wasiiru dowlaha Warfaafinta Md Ibraahim Maxamed Deeq, Gudoomiyaha gobolka Bay Md. Xaaji Maxamuud Barbaar iyo General Cali Xasan oo taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta waxa uu hariga ka jaray dhismayaal la dayactiray oo la dhameeyey kuwaasoo kala ah Dhismaha Taliska Guud ee Booliiska, Saldhiga Booliiska magaalada Baydhabo iyo Xabsiga dhexe ee Gobolka Bay. Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn waxa uu xarig jaridiisa ka bilaabay Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska isagoo guud ahaan soo kormeeray qolalka jiifka iyo xafiisyada ay yeelan doono ciidanka Booliiska dowlada federaalka isagoo warbixin ka dhagaystay mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee Booliiska oo halkaasi kusugnaa. Shariif Xasan iyo Wasiirka Arimaha gudaha Eng, Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa waxa ay usii gudbeen saldhiga Booliiska oo isna dhismahiisa la dhamaystiray iyadoo xariga laga jaray oo halkaasi ay ciidamada baanbaanyada ee muusikada ay halkaasi astaanta calanka ugu garaaceen. Ugu danbeeyntii waxa albaabada loo furay Xabsiga dhexe iyadoo halkaasi uu shir jaraa'id ku qabtay Ra'iisul wasaare k/xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Eng. Xuseen Maxamed Caydiid isagoo u mahadceliyey Madaxweynaha iyo kusimahii wasiirka arimaha gudaha Md. Shaati gaduud isagoo ugu mahad celiyey sidii ay u suura galiyeen in hawshaan la qabto isagoo sheegay in booliiska iyo ciidanka Asluubta laga doonayo in ay dhaqso u hawl galaan. Dhismayaashaan la dayactiray oo albaabada loo furay ayaa waxay ka dhigaysaa in lasoo gaba gabeeyey xarumahii ugu muhiimsanaa in amniga magaalada wax laga qabto iyaddoo dhowaan la dhaariyey garsoorayaasha fulin lahaa kuwa ku xadgudba xuquuqda aadahana iyo xadgudubyada loo geysanayo dad aan wax galabsan iyo guud ahaan kuwa qaska ka wada gudaha magaalada Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted July 13, 2006 http://www.somaliweyn.com/pages/news/July_06/13July40.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted July 13, 2006 Waa niman dhergey. Dhulkiina waa ololayaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted July 13, 2006 Si fiican ayey u dhargeyn, calooshu meesha ay marayso waad aragtaa. ma aragtay meesha ay ku qorantahay CUNSULT? Quote Share this post Link to post Share on other sites