Sign in to follow this  
General Duke

Buule Burde: 150 new millitia arrive in Bali-Doogle

Recommended Posts

Hiiraan: Malayshiyooyin dhowaanahaan lagu aruuniyay degmada Buulo burde oo u ambabaxay deegaanka Ballidoogle.

 

Isniin, February 05, 2007

 

 

Hiiraan (AllPuntland)- Deegaanka Buulo burte ee gobolka Hiiran ayaa waxaa saaka ka ambabaxay malayshiyooyin dhowaanahaan lagu aruurinayay degaankaasi oo loogu talo galay in ay ka mid noqdaan ciidamada dawladda Soomaaliya.

 

Ciidamadani oo gaaray 150 askari ayaa waxa ay saaka gaareen garoonka diyaaradaha ee Balli doogle, iyada oo ay ku biirayaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

 

Malayshiyooyinkaan ayaa waxaa laga soo kala aruurinayay deegaanada hoos yimaada gobolka Hiiraan , iyada oo ay horay ciidamo aad u fara badan ay gobolka ka ambabaxaeen.

 

Ciidamadani ayaa waxa ay qayb ka yihiin kuwo dhowaanahan laga soo kala aduurinayay gobolada dalka oo la filayo in uu dhowaan tababar uga furmo deegaanka Ballidoogle.

 

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamadaasi hor kacaya ayaa waxa ay sheegeen in ciidamadaasi gobolada dalka loo kala qaybin doono oo ay ka mid noqon dalka Soomaaliya, iyaga oo sheegay in qaarkoda gobolka dib loogu soo celin dono.

 

Sidoo kale gobolka Hiiran ayaa waxaa ka socota uruurinta ciidamadii hore ee dalka Soomaaliya.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this