Sign in to follow this  
ANWAR

Males Zenawi: ' Waanu sii wadeynaa taageerada aan siino DKMG ah

Recommended Posts

ANWAR   

Adis-ababa 30, March.07 ( Sh.M.Network)

 

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerada muhiimka ah ee ay siinayso dowlada federaalka KMG Somalia, sida ay qortay wakaalada wararka ee dalka China ee Xinhua

 

 

Males Zenawi, Ra'isulwasaaraha Ethiopia

Warbixin waqtiga dhexe ah oo u jeediyey aqalka hoose ee wakiilada dadka ayaa Meles waxa uu sheegay in Ethiopia ay taageeri doonto dowlada KMG oo ay tababar siinayso ciidamada dowladeeda.

 

Waxa uu sheegay laba meelood saddex meel ay ciidamada Ethiopia ka baxeen Somalia, iyadoo kuwo harayna ay ka bixin doonaan dalkaasi, sida qorsheysan.

 

Midowga Afrika ayaa halgan xoogan ugu jira in ilaa sided kun oo ciidamo ah u diro Somalia, iyadoo wadamada Nigeria, Malawi, Burundi iyo Ghana ay balan qaadeen ciidamo.

 

Ciidamada Ethiopia ayaa bishii December ee sanadkii hore waxa ay ku gacan siiyeen dowlada KMG in ay dalka ka saaraan maxaakimtii Islaamiga ee gacanta ku hayn jiray bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya mudo lix bilood ah oo ay nabadgalyo ku soo dabaaleen.

 

Shabelle Media Network Ethiopia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this