ANWAR Posted March 31, 2007 Adis-ababa 30, March.07 ( Sh.M.Network) Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerada muhiimka ah ee ay siinayso dowlada federaalka KMG Somalia, sida ay qortay wakaalada wararka ee dalka China ee Xinhua Males Zenawi, Ra'isulwasaaraha Ethiopia Warbixin waqtiga dhexe ah oo u jeediyey aqalka hoose ee wakiilada dadka ayaa Meles waxa uu sheegay in Ethiopia ay taageeri doonto dowlada KMG oo ay tababar siinayso ciidamada dowladeeda. Waxa uu sheegay laba meelood saddex meel ay ciidamada Ethiopia ka baxeen Somalia, iyadoo kuwo harayna ay ka bixin doonaan dalkaasi, sida qorsheysan. Midowga Afrika ayaa halgan xoogan ugu jira in ilaa sided kun oo ciidamo ah u diro Somalia, iyadoo wadamada Nigeria, Malawi, Burundi iyo Ghana ay balan qaadeen ciidamo. Ciidamada Ethiopia ayaa bishii December ee sanadkii hore waxa ay ku gacan siiyeen dowlada KMG in ay dalka ka saaraan maxaakimtii Islaamiga ee gacanta ku hayn jiray bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya mudo lix bilood ah oo ay nabadgalyo ku soo dabaaleen. Shabelle Media Network Ethiopia Quote Share this post Link to post Share on other sites